Abwaan Cali Sugule oo geeriyooday isagoo 80 jir ah

1936 ilaa 2016 : Qayb kamida Taariikh Nololeedkii Marxuum Abwaan Cali Sugule oo hordhac ah

abwaan cali suguleHargeysa(GNA)-Waxa Maanta Dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed), oo ahaa mid kamida Geedihii ay ka fiishay Suugaanta Soomaalida ee Qarnigani.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday dhakhtarka Kuwait Hospital , Sharijah 15:00 markii ay saacada AUE-du hayd, sida uu xaqiijiyey Ganacsade Colaad oo kamid ahaa Dadka halka xaaladdiisa Caafimaad kaga war hayey marxuumka, isla markaana saaxiib dhow la ahaa.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyeyaasha Asxaabta Mucaaridka ayaa tacsi ka diray geerida Marxuumka.

Marxuum Abwaan Cali Sugule oo geeriyooday isagoo da’diisu cago-cagaynayso 80  jir, waxa lagu aasi doonaa Magaalada Hargeysa maalinta Khamiista, sida ay xaqiijiyeen Guddida qabanqaabada Aasku.

Taariikh Nololeedkii Marxuumka

“Abwaan Cali Sugule wuxuu ku dhashay Magaalada Oodweyne xarunta Gobolka Daadmadheedh sanadkii 1936, Iskuulka hoose Berbera ayuu ka galey markii danbe Sheekh ayuu uga wareegey.”sidaas waxa lagu baahiyey mid kamida baraha warbaahinta ee Internet-ka.

Sidoo kale waxaan qormooyin kale oo aanu ka soo xiganahay baraha Bulshada, kuna saabsan Taariikh nololeedka Marxuumka, waxa lagu sheegay inuu Suugaanta bilaabay xilligii uu waxbarashada ku jiray.

Abwaan Cali sugule waxa uu ka dhaxlay suugaanta iyo aftahanimada Alle haw naxariistee Abihii Sugule Duncarbeed oo caanka ahaa Gayiga somalidu dagto , kana gabyi jiray daaf ka daaf.
Ragii ay isu gabyi jireen Aabihii waxa ka mid ahaa abwaankii waynaa ee Cabdi gahayr , sida oo kale waxaa uu ii sheegay mid ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka oodweyne inuu sugule ahaa ninkii dictionary-ga Engiriiska Ku daray kalmada koobi (copy) la yidhaa , iyada oo aan la aqoon wax layidhaa copy. Anigu Sugule Gabayada Aan Sida tooska ah aan uga hayo waxa ka mid ah mid uu tiriyay mar uu ingiriisku qabtay isaga oo geed hoostii hurda iyaga oo moodaya Nin la odhan jiray Ciise Qaxar Alle haw naxariistee Ciisana waxa uu ahaa nin ingiriiska dhuunta u galay oo xitaa qoryaha qasab kaga caadi jiray , Cabsi badana Ku beeralay gumaystihii ingiriiska.
Gabaygaana waxa ka mid ahaa :……..
*Ma ninkaygan ciirciirayaa ciise lagu sheegay”
* Comaadayaal duulayuu cada la boobaaye
*Carow shabeel iyo libaax cayta ka idleeye
*carowrinka qudhaatuu tagaa tan iyo ceeldhaabe.

Hadaba Cali sugule Aragatida dheer ee sugaaneed waxa uu ka wataa waa aabihii alle haw naxariistee.

Abwaan Cali Sugulle Cigaal “Dun carbeed” waxa uu u soo taagnaa waayihii ka la geddisnaaee nolosha Soomaalida, xornimodoonkii, midowgii,xukuumadihii iyo wakhtigan la ka la xiise gooyay inta ba.Waxa uu ku caan ahaa aftahammada hadal helista, waa na sababta halabuurkiisu uga dhex ifayo suugaanta Soomaaliyeed. Bal eeg halhaysyadan bulshadu isu dhiibdhiibto:“Dab iyo dhagax, layskuma dhuftee, ka la dhowra”“Nin lagu seexdow ha seexan”-“Af qalaad aqoontu miyaa?”“Waa’ baa beryay, bilicsan; arooryo baxsan, maalin boqran!”“Waa loo tartamayaa, maxaad taqaan”“Ma hadhin hadal lays yidhaahdaa”Iyo qaar kale oo badan.Maansadiisu waxa ay mar walba sii oddorostaa barta ummadda iyo hoggaankuba ay cagta dhigi doonaan, iyada oo ka dab qaadanaysa sida markaa tallaabada loo gurgurayo. Bal aynnu farshaxankiisa ka daawanno hal mid oo muujinaya sida 1962-kii durtaba ay u garnaqsanayeen labadii midoobay, oo aynnu ka dhex aragno muuqaalka xilligan ee labada ka la lusha.“Heestan waxa ay isku ruwaayad ku jiraan ta kale ee tidhaahda‘Nin lagu seexdoow’waa 1962-kii ‘Hiddiiddiiyooy’ waa garnaqsi waxaana wada hadlaya laba hablood oo jilayey dadka iyo dalka Soomaalilaan iyo laba wiil oo Soomaaliya metelayay.
Heestan waxa ku luuqeeya Hoballada Waaberi, waxaanay odhanaysaa:
Hablaha:
Hir bay laacoo hinqaday
Hillaac bay baxoo handamay
Haddana waayoo hakaday
Halyeey waayoo habraday
Haween baan ahoo hamrraday
Hiil iyo midna hoo ma karo.

Wiilasha:
Hurdada aawadaa ma ledo
Hummaaggaagi bay hor kacay
Hawshaada ma soo hadh galo
Hawshaan ku la qaybsadaa
O’ harraadkaan ku la qabaa
O’ anigu waan ku la hayaa
E’ adaan i hagaajinayn.

Hablaha:
Adduunyo hal baan lahaa
O’ hashii horor baa la tegay
Haaneedkaa loo hayaa
O’ hadhuub madhan baan sitaa

Wiilasha:
Haween ma dhammaa la yidhi
Hablow anigaydin hanan
E’ hubaal hal ma siisannaa?

La soco qayb kale

 

Leave a Reply