Akhriso Shuruudaha Laga Rabo Shaqaalaha Hayada Shaqaalahu Baahisay +Tiradadooda

Hargaysa(GNA) Halkan ka Akhriso warkaasi

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL waxay u baahan tahay 21 Jaamici oo kala shaqeeya tirinta Shaqaalaha Dawladda

  • Hay’adda shaqaalaha dawladda JSL ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku hawlanayd qorshaynta habka ugu haboon ee loo tirin karo isla markaana loo tayyeyn karo shaqaalaha dawladda

  • Kadib markii aan ogaanay muhiimada ay leedahay in la sameeyo xog ururin iyo falanqaynta warbixinta shaqaalaha dawladda.

– Kadib, markii aan darisnay baaxada tirada shaqaalaha hay’adda shaqaalaha dawladda ka hawl gala

– Kadib markii ay noo cadaatay in aan u baahanahay Jaamiciyiin hawshan nagala shaqeeya isla markaana nagula wareega dhamaan gobolada Somaliland

– Kadib markii aan ka tallo qaadanay khubarada arintan nagala shaqaynaya

– Hay’adda shaqaalaha dawladda JSL waxay halkan ku baahinaysaa 21-shaqaale oo ay ka xulan doonto soo codsadayaasha soo xaraysta in ay muddo nagala shaqeeyaan hawshan

– Haddaba hadii aad dhamaysatay waxbarashadii heerka Jaamacadeed isla markaana aad dananayso qabashada shaqadan, si aad tartanka uga qayb-qaadato waxaad u baahan tahay in aad hay’adda shaqaalaha ku soo xaraysato:

1- Shahadadii Jaamacada
2- Sooyaalkii noloshaada “Cv”
3- Laba sawir oo kur ah

– Muddada qabashada xogta ayaa bilaabantay maanta oo Isniin ah taariikhduna tahay 25/12/2017 waxaanay socon doontaa ilaa maalinta Sabtida 12:00pm duhurimo , iyadoo imtixaankana la geli doonno Isniinta soo socota 8:00am subaxnimo 01/01/2018

F.G- Shaqadan waxaa ka reeban in ay soo codsan karaan qof shaqaale dawladeed ah

Fadlan soo gudbi ama gaadhsii walaalkaaga jecel

Wixii faahfaahin ah fadlan ka hubi: https://www.facebook.com/CivilServiceSL/

#QalinAanQabiilKuXidhnayn

 

Leave a Reply