Awoodaha Ku hirdamaaya Xisbiga waddani iyo Hogaamiyaha siyaasada oo laga dhigay Gacan yaraha gudoomiyaha warbixin

awoodaha-waddanihererwaa maxay hogaamiyaha Xisbiga Waddani shaqadiisu?

Keebaa Awood Sareeyay gudoomiyaha Iyo Hoagaamiyaha Xisbiga Waddani?

Muxuu Awoodo Siinayaa Xeerka Xisbiga Waddani Hogaamiyaha ?

Faalo iyo Falaqeyn ku saabsan awoodahooda

Faaol qore:mustafe Axmed(Herer)

Xilka Hogaamiye ayaa noqday mid ku cusub Saaxada Siyaasadeed Dalka Somaliland, iyada oo ay dhegaha Shacabka reer Somaliland maqleen Erayga hogaamiye horaantii bishan octobar(10/2016) ka dib markii ay Xisbiga Waddani iyo Garabkii ka Cadhooday shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ahaa kii lagu doortay Musharaxa iyo musharaxa ku xigeenka Xisbiga kulmiye uga qayb galaaya doorashada Madaxtooyada Somaliland,horaanta Sannadka 2017.

garabkan oo bulshada iyo warbaahintu u yaqaaneen magacyo badan Sida

Barakacayaasha siyaasada kulmiye balse iyagu la baxay garabka isbadal doonka dimuquraadiga ah ee Xisbiga kulmiye ayaa si cad u shaaciyay inay ku biireen xisbiga waddani islamarkaan soo bandhigay hordhaca heshiish ay wada galeen iyada oo heshiishkaasi ay ku jirtay xilka hogaamiye oo buslshada ka dhex abuuray Su,aalo iyo doodo badan

hadaba shirkii maanta ee xisbiga waddani ee lagu doortay musharaxiinta madaxeynimo iyo ku xigeenimo ayaa lagu shaaciyay awoodaha ay kala leeyahiin Gudoomiayaha iyo Hogaamiyaha Xisbigaasi

Awooda Hogaamiyaha  Xirsi Xaaji Cali:

sida ku cad xeerkii maanta lagu ansixiyay shirkii golaha dhexe ee xisbiga waddani Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo ah wasiirkii Horee Madaxtooyada Somaliland ee xukuumadan Siilaanyo ayaa noqonaaya mid kal kaaliye u noqondoona Gudoomiyaha Xisbiga Waddani islamarkaana ka Hoos Shaqeydoona gudoomiyaha Xisbigaasi.

sidoo kale Awooda Hogaamiyaha Ayaa la hoos geeyay inuu maamulo islamarkaan uu ka shaqeeyo arimaha ay ka mid yahiin

la taliyaha Musharaxa Xisbiga ee jagada madaxweynimo

abaabulka iyo isku xidhka xisbiga iyo qurba jooga

iyo maamulida Arimaha Doorashooyinka Ee Xisbiga Waddani.

awoodahana ayaa noqday kuwo hoose u dhigaaya islamarkaana badalaaya dareenkii markii hore laga qabay xilka hogaamiye.

Keebaa Awood Sareeya Gudoomiyaha Iyo Hogaamiyaha ?

sida ka muuqata qoraalkan aynu ka soo xiganey Ansixintii maanta Ee xeerka Xisbiga waddani Awooda Hogaamiyaha Ayaa noqoneysa mid hoos timaada Gudoomiyaha Xisbiga waddani marka laga Reebo Maamulida Doorashada iyo Ololaha Dorashada.

Muxuu Awood Siinayaa Xeerka Xisbiga waddani Hogaamiyaha?

xeerka Xisbiga waddani waxa uu awood siinayaa hogaamiyaha Xisbigaasi mudane Xirsi X.Cali Xasan oo kaliya maamulida Arimaha Doorashada Khaasatan wakhtiga Ololaha oo uu xilka Hogaamiye Xirsi isagau si khaasa u hoos imandoona

hadaba faaladiina gaaban ee aynu ku falaqeynayna Xilalka Isxabaarsan ee xisbiga waddani iyo Awoodaha ku hirdamaaya ilaa hada ay ka taagan tahay su,aal la xidhiidha taas oo ah maadaama ay tahay mid ku cusub xisbiyada Siyaasada Somaliland iyo Guud ahaanba maamulka Siyaasadeed E Dalka Somaliland,sida iyo ay siyaasiyiinta Soomaalidu isku siiyaan una Turjuntaan Qeexida Awoodaha siyaasadeed, ayaa waxay su,aashu tahay maxaa ka dambayndoona awoodahan halkee ayay ku dambeyndoonaan saameyn intee leegbay ku yeelan karaan xisbiga waddani dhexdiisa

su,aalahaasi iyo kuwa kalaba waa qaar natiijadooda la filaayo

mustafe Axmed maxamuud (herer)

email:Herersax@gmail.com

phone:0634248872/0634061560

Leave a Reply