Baaq ku socda ragga mujaahidiin iyo madaxdahdaqameedka Burco iyo Daallo ee isku magacaabay Garxajis.

Waxan xalay ka dhegaystay warbaahinta Jamhuuriyada Somaliland koox isku magacawday madaxdhaqameedka ka soo jeeda beesha Garxajis iyo koox isku magacawday mujaahidiinta iyo madaxdhaqameedka Burco. Labadaba hadalkooda waxa ku cadaa inaanay aqbali doonin sida ay komishanka doorashooyinka jsl wax u wax wadaan iyo hanjabaad!

Arrinka ay ka hadleen iyo habka ay u hadleen waxay igu noqotay u qaadan-waa iyo amakaag! Sababta oo ah:

1.Doorashada oo ah hawl qaran.

2.Codbixintii oo nabad iyo qanac qaran ku dhamaatay.

3.Saddexda musharax ee xisbiyada qaranka oo amaan iyo hambalyo

   u diray dhamaan shacabka jsl sidii qurux badnayd ee ay u

   codeeyeen.

4.Saddexda musharax ee saddexda xisbi qaran ay ula kulmeen goob-Joogayaasha caalamiga ah ee ay kalsooni ugu ula qaateen inay Shacabka jsl si nabad ah oo xor ah ugu dhamays tireen codaynta.

5.Komishanka doorashooyinka oo weli aan dhamays tirin tiradii

   Sanaadeeqda ee dalka oo dhan, una hadhsanaayeen qayb ka

   tirsan gobolka maroodi-jeex iyo Burco.

6.Waddani oo caboshadoodii ku saabsanayd G/Maroodi jeex oo aan

   Komishanku ka soo jawaabin, ayagoo sharciyin hubinaayay inay

   Hubiyaan bud-dhigga cabashada waddani iyo sanaadiiqda ay ka

   Cabanayaan oo aan komishanku weli samayn tiradii kama

   Danbaysta ahayd.

7.Masuuliyiintii Waddani oo ka hordhacay jawaabtii komishanka,

   Qabtayna shir saxaafadeed ay ku joojinayaan wada shaqayntii

   Ay la lahaayeen komishanka doorashooyinka jsl. 

Markaan eegay 8daa qodob waxa ii soo baxday taageerayaasha xisbiga qaran ee Waddani inay gadoodi doonaan,kuna kici doonaan mudaharaadyo saamayn ku yeesha hab-socodka doorashada jsl.

Hadaladii ka soo yeedhay masuuliyiinta Waddani iyo musharaxooda ayaa waxuu taageerayaashii ku abuuray aragti qaldan oo odhanaysa inuu kulmiye kaga shubtay.Talaabadan oo ah tii masuuliyiinta dalku ay ka digayeen doorashada ka hor iyo intii lagu dhex jirayba.

Balse masuuliyiinta xisbiga Waddani waxa kala waynaatay kursiga oo innama may qadarin manayna qiimayn kobcinta iyo hab-socodka hirgelinta nabada,xasiloonida iyo dimuqraadiyada ka hana qaaday jsl. 

Waxa aan baaq u dirayaa muwaadiniyiinta adeegsanaya magaca Garxajis ee ka soo hanjabaaya buuraha Daalo walaalayaal magaca noo daaya,waxa idiinka haboon idinkoo yidhaa anagoo ku hadlayna magaca h/yoonis. Ma maanta oo aad leedihiin musharax ayaynu Garxajis noqonay? Faysal oo Garxajis ka soo jeedaa miyaanu musharax ahayn? Waxan leeyahay walaalayaal magaciina ku hadla oo noo daaya kaad hore laba jeer ka hiiliseen maantana aad u badheedheen inaad ku anda-cootaan tolaayeey yaa Garxajisaay!

Calool nugulaa miyaanu cirkaba kor u eegin..carrada waxa jira miyaanu caqligiisa u sheegin.

 Ducale Sultan waxuu yidhi: Geela xaynka naagaha ku jira xoorkiisa dhami mayo!

 Xuseen Xasan Badmaah Ducaale Suldaan

Hargeysa/JSL

 

Leave a Reply