Boqolaal ka qalin jabiyey Jaamacada Hargeysa + sawirro

Madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb-galay munaasibad Jaamacada Hargeysa u qabatay Arday ka qalin-jabisay + sawirro
Img Description

Gabdhaha dhamaystay aqoonta jaamacaddeed ee heerka 1aad

Hargeysa(GNA):-madaxweynaha jamhuuriyada somaliland ee Axmed Maxamed Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo loo qabtay arday ka qalin jabisay jaamacada Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo oo weheliyaan xubno ka mid ah golaha wasiirada, hogaamiyaha xisbiga Kulmiye, gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland iyo masuuliyiin kale ayaa si weyn ula farxay ardayda maanta ka qalin jabisay jaamacada Hargeysa oo noqotay dufcadii 13aad ee ka qalin jabisa jaamacadaasi.

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka hadlay munaasibada ardaydan loo qabtay ayaa u hambalyeeyey ardayda waxaanu yidhi “Farxad weyn ayey ii tahay inaan maanta ka soo qayb galo xafladan qalin jabinta ah ee loo qabtay ardayda ka soo baxday jaamacada Hargeysa, waa arin aad u weyn waanan u hambalyeynayaa ardayda, macalimiinta, shaqaalaha jaamacada iyo intii la shaqaynaysayba, tacliintu waa waxyaalaha ugu waa weyn ee dawladani ku dedaalayso weeyaan ee qarankani u baahan yahay, waxyaabaha horu markeena iyo horu socodkeena anafacaya weeyaan.”

Gudoomiyaha jaamacada Hargeysa Dr. Maxamuud Muuse Yuuusuf oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa si xeel dheer uga waramay isbadalka iyo horu marka ay gaadhsiiyeen jaamacada Hargeysa mudo 11 bilood ah oo ay hayeen maamulkeeda, waxaanu sheegay in guud ahaan horu marka ay jaamacadu gaadhay aanay jirin cid ka caawisay balse ay jaamacadu iskeed u gaadhay, iyada oo uu madaxweynaha somaliland-na ku sharfay inuu xadhiga ka jaro mashaariicda ay ka hir geliyeen jaamacada, waxaanu hambalyo u diray guud ahaan ardayda sanadkan ka qalin jabisay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada hargeysa.

Gudoomiye ku xigeenka jaamacada Hargeysa Prof:-Siciid Muxumed Jibriil oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa hambalyo u diray ardayda maanta ka qalin jabisay jaamacada Hargeysa waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya qaybta Acedamic-ga iyo cilmi baadhista ee jaamacada Hargeysa waxaan fursan uga faa,iidaysanayaa inaan hambalyo u diro guud ahaan ardayda maanta ka qalin jabinaysa jaamacada Hargeysa oo noqonaysa dufcadii 13aad ee ka soo baxda jaamacada.”

Xaaji Cabdiwaraabe oo la guddoonsiiyey Shahaado

Xaaji Cabdiwaraabe oo la guddoonsiiyey Shahaado

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka jaamacada Hargeysa ee qaybta maamulka iyo horu marinta Maxamed Cali Xirsi oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardayda sanadkan ka qalin jabinaysay jaamacada Hargeysa,waxaanu ka waramay dedaalka ay ugu jiraan horu marinta jaamacada.

 
 

Leave a Reply