Caamiye! Tix gabay ah W/C. Maxamed Yaasiin Maxamed Ilkacase

mym

Gabaygan gaaban waxaan marayey xiliyadii dagaalada waxaanan u tiriyey dhalnyaro uu ka mid ahaa cabdilaahi bide waana kan gabaygaasi ee akhris wanaagsan waxaanu ahaa gabay kaftan iyo jareexo ahaa oo aanu aad ugu kaftanay

caynaanka gabay waayo dheer waanigaan curine

  1. ma cadaynin maansooyinkaan caanka ku ahaaye
  2. cindiga iyo laabtiyo kaskiyo cunaha dhuuntayda
  3. calooshiyo qalbiga kama sal go'in caynay leedahaye
  4. layguma casuumine hidaa ii cimaamadaye
  5. aan cadeeyo caawaba dhacdadu waa cajiib qorane
  6. markii uu cartamay maalintuu sebenku ceeryoomay
  7. kaaruhu cargaagtamay shilkuhu dhowr cod uu bixiyey
  8. ee suugu caarada la baxay cunaha uu dhaafay
  9. cishadii madaafiicda daran laysu celinaayey
  10. cuna buurka siikaawihiyo midaan wax cayntaynin
  11. oo cago leh caliyow markay cugatay beesheenu
  12. ee barbaartu ay ciidameen baad ka cararteene
  13. caga dhabadka nimankii ku tegey seeto cidhifkeeda
  14. ee oodwayne oon cidi fadhiyin ka cega taagleeyey
  15. ee aan cad iyo maati qixin amase caynaanin
  16. ee canaanta ii soo dirow caamiyaad tahaye
  17. ninkii weerar caabiyey ninkii cadawga taakeeyey
  18. ee cududa libineed hantiyey caray cartii deeqa
  19. ee caagan bixiyaan nahoo loo cimaamadaye
  20. baqacarar ninkii taw yidhow ceeb adayska lehe
  21. caqli xumo libtaad tuurtayeed cida uga baydhay
  22. cadaloolkan guusha ah waxbaba hawcalaacaline
  23. cabdilaahi how dudin dhacdadan kugu cidaadnaatay
  24. caruurtiyo haweenkaa ogsoon camal falkiiniiye
  25. adigiyo colkaaguba gabada ciirtay taladiine

                                                                               allaa mahadle 
                                               maxamed yaasiin maxamed ilkacase
                                                             mymnaleye@hotmail.com

Leave a Reply