Callankay ma Gaagaxo..Maanso cusub: by: Hoodo Mujaahid

HOODO-GARAYSMaansadan waxan Curiyey 18 May 2015 iyadoo ay igu kaliftay markii aan barta Facebook-ga ku arkay Hablo Soomaaliya oo gubaya sankan ka haysta Calankayga qaaliga ah ee ay u Shihiideen Mujaahidiintii xaq u dirirka ahaa ee uu kamidka ahaa Abaahay Mujaahid Maxamuud Nuur oo dhalashada Calankayga qaaliga ah godka u galay Hadaba waxan jeclaystay inaan dareenkayga ku cabiro maansadan kooban oo aan kaga hadlaayo Qiimaha iyo qaayaha leh iyo halka uu igaga yaalo hadaba ila wadaaga maansadan oo magaceedu yahay calankay ma gaaggaxo.

 

*Geeeediga colaaadaay
*Garashada ka naafooy
*Calanbaa la gubayaaa
*Guuuliiyo ayaaaaaniyo
*Geydh horumareeediyo
*Galad laguma keeeboo
*Rajo laguma gaaadhee
*Maskaxdiinu gudhanaa
*Doqon yahay gardaranti
*Calankey ma gaaagexe
*Gabano iii kacaaaamiyo
*Geesi ba u xabaal galay
*Gaari asay ku qaaadiyo
*Awlaad gacalihii dhaley
*Laga gooyey qoortaaaa
*Goonyaha ka joogooooo
*Walee galina uma baqo
**************************
(tawxiidka guudka ah
Gacmahaad ku haysaa
Ku gafaye suukooy
Alloow cudurku gooyaa)
*Geeeediga colaadaaaay
*Garashada ka naafoooy
*Calankey ma gaaaagexe
*Galbis noogumuu imane
*Daa wIil gadhyeeesheee
*Gabdhihiiyo haweenkiyo
*Inta dumar gambale iyo
*Ubadkaa ku guuuxoooo
*Weynaga Go.neydooooo
*Dhexdaa la.iska giijoooo
*Gasiin.aan illownoooooo 
*Hurdo lama gam aynooo
*Guryaa looma hoyan jirin
*Gooornaba iyo dharaaroo
*Geeridu xaq weeyeeeeee
*Godka iilka dhimmashiyo
*Noloshaa noo.gudboonaa
*Adigoooon gunaba jirin
*Isma lihi garba u dhigo
(Tawxiidka guudka ah 
Gacmahaad ku haysaa
Ku gafaye suukooy
Alloow cudur ku gooyaa)

Hoodo Mujaahid Maxamuud Nuur (Hoodo Garays)

Haldhaa09@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Leave a Reply