Carwada Sacadadiin oo samaysay Qiimo-dhimis

Bandhig Carweedka Sacadadiin oo sanadkan lagu sameeyey qiimo-dhimistii ugu weynayd iyo farriin ku socota Macaamiisha…

Maamulaha Shirkadda Sacadadiin Khadar Axmed Ciise

Hargeysa(GNA)-Carwada Dharka iyo agabka kale ee Guryaha iyo Dadka ee Sacaadadiin, ayaa samaysay qiimo-dhimistii ugu balaadhnayd si ay Macaamiisheeda uga faa’idayso.

Carwadan oo sanad walba Shirkaddu samayso todobaadyada u dambeeya ee Bisha Ramadaan, ayaa sanadkan qiimo-dhimisteedu gaadhsiisantahay heerkii ugu sareeyey, sida uu Munaasibada daah-furka Carwada ka sheegay Maamulaha Sacadadiin Axmed Axmed Ciise.

“Qiimo-dhimistu waxay ka bilaabmaysaa 5% illaa 60%, ayey gaadhaysaa, waxaanan u haynaa Macaamiisha Dharka Carruurta iyo dharka dadka waaweyn oo tayo iyo bilicba leh” sidaas ayuu yidhi Khadar Axmed Ciise.

Carwadan, ayaa ah tii 13-aad ee ay Shirkaddu Macaamiisheeda uga faa’idayso xilligan oo kale. inkasta oo qiimo-dhimistu sanadkan ka fiicantahay sanadihii hore, sida uu sheegay Maamuluhu.

Halkan ka Daawo Warbixin Muuqaal ah:

Geesta kale, Carwada Sacadadin oo ku taalla dhinaca Galbeed ee Caasimada Hargeysa agagaarka Buurta kala-jeexan, waxa kale oo ay qayb ku leedahay badhtamaha Magaalada Hargeysa, ka soo horjeedka Hudheelka Gargaar.

Gobanimonews

Hargeysa Office

 

Leave a Reply