Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal

(1936kii – 2016ka)

 “Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye,

Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’,

Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’,

Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye,

Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye,

Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-araggiiye,

Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede,

Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii wicilkiiye,

Waxan waayey, webi dhaqanku laa, oo ka wabax laaye,

Waxan waayey, wiilkii indhaha, waaxda maqalkiiye,

Waxan waayey,lama waarayee, waafi Dun-carbeede,

Waxan waayey, waaniye jeclaa, wadar dadkiisoo dhan.,

 Tuduc ka mid ah Maansada Baroor-diiqda ah ee Xasan Daahir Ismaaciil, Weedhsame,

 Qalinka Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 Qormada: 2aad

Hargeysa, 16/1/2016ka,

Ralli iga ahad, Axmed Yuusuf Ducaale oo ay Cali Sugulle isku soo gaadheen Dugsiga Sheekh isla markaana goob-joog u ahaa galabtaa la eryay ayaa ii sheegay in ay dhalashadiisu ku beegnayd 1936kii oo ay isku fil ahaayeen.

Marka aynu eegno noloshiisa qoysnimo Cali Sugulle wuxu yeeshay saddex xaas, carruurtii uu dhakayna waxa ka nool toban u kala-baxa 8 gabdhood iyo laba wiil. Carfi Jaamac ayaa ugu horreysay oo laba hablood u dhashay, waxa ku xigtay Saado Jamac Geelle oo leh shan hablood iyo laba wiil iyo Jamaad Xasan Axmed oo gabadh keliya u dhashay.

Cali Sugulle Cigaal, Dun-carbeed, isaga oo iska lahaa taariikh faneed oo hodan ah oo u gaar ahayd, ayaynu haddana ka dheehan karnaa sidii uu ugu xidhnaa ama fan-wadaag, suugaan-wadaag iyo masrax-wadaagba uu la ahaa qamaamuurtii ka horreysay ee lahayd Cabdillaahi-qarshe, Xuseen Aw Faarax Dubbad, Maxamed Ismaaciil Baa-sarce (Barkhad-cas) iyo qaar kaloo badan….iyo qaar kaloo badan waa halkii Maxamed Mooge e’. Fanka hodanka iyo ma-guuraankaba ah ee Cali Sugulle Cigaal waa mid ku taxan soo-if-bixii iyo curashadii Qaraamka ama heellada oo ah halka uu ka soo galay.

1954kii wuxu ka mid noqday aasaasayaashii Kooxdii Walaalo Hargeysa oo magacyada uu xusay ay ku jireen: Xuseen Aw Faarax, Cabdillaahi-qarshe iyo Barkhad-cas.

Sidii uu Cali Sugulle laftiisu ii sheegay 1998kii mar aan Dubai kula kulmay hawlaha fanka waxa ku dhiirri-geliyay Maxamed Ismaaciil Baa-sarce oo loo yaqaannay.’

Cabdillaahi-qarshe wuxu Cadan ka soo wareegayaa 1945kii oo uu ka soo degayaa magaalada Berbera ka-dibna u soo gudbayaa magaalada Hargeysa. Wuxu la kulmayaa Balwadii oo galbeed ka curatay 1943kii oo uu calan-side u ahaa Cabdi-sinimoo oo ay ku lammaanayd Qadiijo Ciye Dharaar oo loo yaqaannay magac-faneedka Qadiija Balwo.

Balwadii ayaa u soo guuraysa Hargeysa, waxaanay markii danbe u digo-roganaysaa Heello oo uu horseed u ahaa Cabdillaahi-qarshe. Markii magaca Balwada lala xidhiidhiyay balwooyin badan oo ay jaadka iyo sigaarkuba ka mid ahaayeen ayaa magaca la beddelayaa. Waxa kale oo intaa u dheeraa iyada oo Balwada lagu sharaysan jiray fanka oo cusbaa iyo rag iyo dumar wada fadhiista. Waa sida uu ku sababeeyay soo-if-baxii Heellada Cabdillaahi-qarshe mar lagu wareystay RTD-da Jabuuti 1993kii.

Iyada oo ay Balwadu ka curatay galbeed, ayay Heelladu ka curatay Hargeysa oo magalada Boorame bari kaga beegan. Sidaas ayaa berigaa loo odhanayaa:

“Balwadii baxsatoo bareey qabatee,

Bigfoor ma ku baadi-doonnaa,”

Bigfoorkuna wuxu ahaa baabbur ka mid ahaa kuwii Ingiriisku beryahaa adeegsan jiray oo la odhan jiray ‘Bedford’.

Inta aynaan ka bixin Qaraamka ama Heellooyinka, malahayga waxa ila fiican ama ila habboonba in aynu halkan ku xusno codka Hayaan oo uu Cali Sugulle Cigaal leeyahay. Heellooyinku waxay kaga duwan yihiin Heesaha, magaca waxa la siiyaa codka ama laxanka halka magaca heesaha laga siiyo midhaha. Heellooyinku waxay ka koobnaayeen ereyo miisaan ahaan aan ka fogayn Dhantada. Magac-bixinta Heellooyinka ayaa inta badan aad looga fiirsan jiray oo midhaha la siin jiray magac u dhigma ama u qalma codka, taas oo aad ka dheehan karayso dhammaan magacyada codadka qaraamka ama Heellooyinka oo looga danbeyn jiray Cabdillahi-qarshe oo intooda badan isagu iska lahaa, fankaa magac-bixintana hor yaal u ahaa.

Marka aynu fanka magac-bixinta ka had\laynno waxaynu tusaalayaal nool u soo qaadan karayna codadka qaraamka ee ay ka midka yihiin Ciil iyo. Waa mid ka mid ah codadka loogu dhegaysiga badan yahay. Midhaha lagu qaado waxa laga falkiyay xarafka ‘Ca’. Codku waa mid tiiranyo iyo ciilba ka muuqdaan sidaasna Cabdillaahi-qarshe ugu wan-qalay ‘Ciil’. Waxa kale oo ka mid ah codka ‘Laac’. Midhaha waxa laga unka xarafka ‘La’. Codka meel hoose ayaa laga soo qaadayaa oo laga soo bilabaya ka dibna kor ayaa loo kacayaa, markaas ayaad moodaysaa in wax la laacayo ama la tiigsanayaba. Haddii aad labadaa cod si fiican u dhegaysataan dareenkaas ayaa idin ku soo dhacaya. Bal isku daya in aad dhugmo u yeelataan. Waa fan iyo farshaxan u gar aha Cabdillaahi-qarshe iyo intii ku xeersanayd fanka soo tabantaabisay.

Cali Sugulle Cigaal, wuxu ku lahaa Qaramka codka Hayaan. Maalin aan ku marti-qaaday Gebilay intii aan Akaademiga ka shaqyn jiray isaga iyo nin aanu saaxiibbo nahay oo Xuble la yidhaahdo ayuu Cali Sugulle Cigaal iiga sheekeeyay codka Hayaan oo uu in yar ku luuqeeyay. Marka uu ku luuqaynayay isaga oo labada sacab isku haya oo is-lulaya ayuu codka qaadayay. Hummaaggaa iyo muuqlkaa marka aad fiiriso, dareenka kugu soo dhacayay wuxu ahaa in uu Cali Sugulle sawirayay awr hayin ah oo haamo culus sida oo socda. Haddii aan beyd ka xuso Heelladaa Hayaan, waa kii lahaa:

“Hayaay sida beel hayaamaysoo,

Hir doogle aragtaan handanayaa,”

Cali Sugulle Cigaal, suugantiisii hodanka ahayd, waxaynu ka soo qaadan karnaa oo kale hees caan ahayd oo uu tiriyay 1954kii, taas oo ku saabsanayd deegaanka ‘Hawd iyo Reserved Area’ oo gumeysigii Ingiriisku ku wareejiyay Boqortooyadii Itoobiya. Heestan oo hal-ku-dheg iyo hal-haysba u noqotay ummadda Soomaaliyeed, meel ay joogtaba Cali Sugulle wuxu ku yidhi:

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

 

Leave a Reply