DAAWO: C.salaan C.laahi Warsame oo Hargeisa lagu Xidhay & Rag Cadaan ah oo la sheegay in lagu wareejiyey (Video)

DAAWO: C.salaan C.laahi Warsame oo Hargeisa lagu Xidhay & Rag Cadaan ah oo la sheegay in lagu wareejiyey (Video)

Laascaanood (GNA) Cabdisalam Cabdilaahi Warsame ayaa 2-Bishii 11-aad ee Sanadkan Ciidamada RRU ee maamulka Somailand, ay ku xidheen Magaalada Laascaanood, Waxayna Markaasi usii Gudbiyeen magaalada Hargeisa Iyadoo Halkaasi uu ku xidhnaa.

C.salaam ilaa iyo hada ma jirto Maxkamad lasoo taagay, Iyo danbi loo haysto oo Lagu Cadeeyay Nooca uu yahay, Waxaana soo baxay maanta Warar kale oo sheegay inuu maamulka Somaliland kusii Wareejiyey Rag Cadaan ah iyadoo loo qaatay dalka Jabuuti.

Odayaal iyo Waxgarad Shir ku qabtay magaalada Buuhoodle ayaa ka hadlay Arinta C.salaan Cabdilaahi oo ay sheegeen inuu kamid ahaa Odayaasha deegaanka Buuhoodle, Islamarkaana lagu Ogaa inuu yahay Nin Reerkiisa iyO Caruurtiisa u shaqaysta, Waxayna Sheegeen in hadii uu danbi galay lagu Cadeeyo oo Maxkamad lasoo taago Hadii kalana Xoriyadiisa loosoo celiyo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA ODAYAASHA KA HADLAY

“Waxaanu u Naqaanaa, Reerkiisa u shaqaysta,  Waa in danbiga uu leeyahay lasoo Bandhigo,   Dadka in la iska Qabsado, oo la iska haysto waa Khalad, waxa dadka iska Horkeenaya ee dhibaatada ugu wacan waa waxaasi oo kale, Waxaanu Maqalnay in dal kale loo gudbinayo ” Ayay dhaheen Qaar ka  mid ah Odayaasha kulanka ka hadlay.

Leave a Reply