Monday , 26 June 2017
Breaking News

Daawo: Gudoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka oo sharaxay sababaha keena xanta ha inuu Xidhiidh Hoose la leeyahay Schoolka Nuuradiin wakhtiyada Imtixaanka

;Dukaan Xaafadaydu leedahay iyo Iskuulka Nuuradiinbaa Jaara markaa Sababtaasaa keentay in la igu xanto…..Daa,uud Axmed Faarax Gudooiyaha Xafiiska Imtixaanaadka qaranka Somalilad,

;Waxaan ilaahay Hortii la tagayaa in Aanan waligeed dhicin inan Ardayd Somaliland u kala eexan.

Hargaysa(GNA).Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland, Daa,uud Axmed Faarax (Gadhwyne) ayaa maanta soo ban dhigay sababta keentay in wakhtiyada Imtixaanaadka ay suuqa soo gasho xanta iyo warar sheegaaya inuu xidhiidh Hoose la leeyahay iskuulaadka Gaarka loo leeyahay khaasatan Iskuulad gaara oo inta badan ku guulaysta Kaalmaha hore isagoo sababta Arintaana ku macneeyay inay tahay in Dukaan Xaafadiisu leedahay iyo Iskuulka Nuuradiin Ay Jaar yahiin taasina ay noqotay sababta loogu aaneeyo inuu hoose ula shaqeyo.

dhinaca kale gudoomiye Daa,uud oo hadalkiisa sii wata ayaa digniin iyo fariimo adag u diray Waalidiinta iyo Ardayda wakhtiyada Imtixaanaadka ku mashquulsan inay bixiyaan waxyaabo ka baxsan nidaamka iyo tayada waxbarashada dalka isagoo Ardayda kula dardaaramay inay isku diyaariyaan imtixaan ka duwan oo ka tayo sareeya kuwii hore.

Geesta kale gudoomiyaha Imtixaanaadka ayaa ka hadlay wararka intabadan isaga lagu xanto ee ah inuu xafiiska ku raagay waxaanu ugu jawaabay dadka hadaladaasi suuqa marinaaya inay taasi tahay arin xaga ilaahay ku maqan.

Halkan ka Daawo Gudoomiye Daa,uud oo ka jawaabaaya Su,aal Nuxurkeedu ahaa Xanta sababta iskuulaadka qaar kootada ugu xidheen Kaalmaha Hore.

Waraysi Qaade:Mustafe Axmed Maxamuud(Herer)

Gobanimonews.com/Office

Hargaysa/Soamliland

 

Leave a Reply

Scroll To Top
Descargar musica