DAAWO: “Xisbiyada Waxaanu Kula Talinaynaa Waar Dadka Ka Daaya Beenta & Naxliga..” Sh. Aadan-Siiro

Sheekh-Aadan-SiiroHargeysa (Gobanimo) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Xaaladda Dalku marayo, Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee Saddexda Xisbi Qaran wadaan iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

Sheekh Aadan ayaa khudbaddii Jimcaha ee Maanta si faahfaahsan ugaga hadlay sida ay muhiimka u tahay in Qof kasta oo Reer Somaliland ahi uu Masuuliyad iska saaro Dadka iyo Dalkeenna Somaliland, maaddaama oo lagu jiro Xaalad Kala-guur ah oo Culayskeeda leh, isagoo sidooo kalena ka digay in Musharraxiinta Xisbiyadu ay ku ololeeyaan Hadallo Naxli ah oo Ummadda kala dilaya ama kala fogeynaya, waxaanu yidhi “Kolba sida aad tihiin ayaa kuwa idin hoggaaminayaana ay noqonayaan, Hoggaanka aynu ka hadlaynaa Maaha inta yar ee Muslimiinta u talisa, ee waxaynu ka hadlaynaa inta Masuuliyaddu saaran tahay. Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi ‘Qof kasta oo Muslim ahi waa Masuul, Qof kastaana wuxuu masuul ka yahay wixii la raaciyey, Qof kasta oo Masuul ahna waalla waydiinayaa wixii la raaciyey ayuu yidhi…”

Sheekh Aadan wuxuu sheegay in Ummaduhu jabaan marka Hoggaankoodu aanu Runta u sheegin “Ummadi waxay jabtaa markay ka tagto Waaqaca rasmiga ah, Ummadi markay jabayso Hoggaankeeda ayaa wuxuu ku dhaqaa waxaan sugnayn oo dhalanteed ah, Ummadi markay guuleysanayso Hoggaankeedaa Runta u sheega, waxa horyaalla ayuu u sheegaa, waxa ku waajib ah ayuu u sheegaa, si Dadku ay Runta u waajahayaan oo ay samaystaan wixii ay waxaa kaga hor-tagi lahaayeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Rasuulku wuxuu yidhi, waxa soo dhawaatay inaad daba-gashaan oo ay iskugu kiin Habar-wacdaan kuwa ILAAHAY ka gaaloobay, (Idinkuna wakhtigaa) waxaad tihiin marka Biyaha badan socdaan Daad-xoorta Biyaha soo dul-marta ee Cad ee aan Tayada lahayn (oo kale), wakhtigaana Qalbiga ayaa idin madoobayaana oo waxaad karaahiyeysanaysaan Geerida (waxaad nacaysaan Geerida).”ayuu yidhi, waxaanu ka digay in Ummadda been lagu Hoggaamiyo “In Ummadda been lagu hoggaamiyo, oo Caqiiqada iyo Hantida Ummadda Cid laga iibiyo iyadoo wax la qarinayo, arrintaa Fiditaankeedu waxay gaadheen dhammaan Waddamada Muslimiinta, taasina waata keentay inay Muslimiintu jabaan, iyadoo ay jabinayaan kuwii hoggaaminayey, Qoladeenan Cidlada fadhidaana waxaynu ka mid nahay Ahlu Sunnaha ballaadhan ee Adduunka hoggaaminaya. Maalinta Qiyaamaha ILAAHAY Saddex ma eego, Sheekh Sinnaysta, Miskiin Kibir badan iyo Nin Ummad u taliya oo Maalin walba Been la soo taagan, Dhulkaanu Madoobaynaynaa iyo halkan ayaanu Malab ka dhigaynaa, iyadoo aanay jirin wax Alaale iyo wax ku kelifaya.”

Sheekhu wuxuu dardaaran u diray Xisbiyada Somaliland ee tartamaya “Xisbiyada waxaanu kula talinaynaa Waar Beentan bilaa Shaadhka ah ee kuusan ee meel la dhigo aan lahayn Dadka ka daaya, waxa Dadka isku diraya ee Ummadda kala fogeynaya ka daaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Haddaad is-tidhaahdo samee Mashruuc Dadku isku dilaan waa Dambiyada waaweyn ee jira, wax la aqbali karayana maaha, Waayo? Mashruuc Qof ku dhinto oo la abuuraa waa Dambiyada la galo kuwa ugu waaweyn, sidaasi darteed Arrintaa waxaanu uga digaynaa kuwaa Dadkaa Maanta Ciidda cunaya ee aan Caafimaad haynin, ee aan Waxbarasho haysanin, oo aad ogtihiin Hargeysa oo Biyuhu intay u jiraan aad ogtihiin Foostadii 15 kun laga siinayo, ee qaarna Biyaha dewarsanayaan, Waayo? Hargeysa marka afar loo Qaybiyo meel baa Biyaha hesha intii kalena way Biyo la’yihiin, Ninka u badheedhaya inuu Ummadda Caynkaas ah halkaa u fadhiisto ee Masuuliyadda intaas leeg qaado, innaga oo leh Masaaliixda iyo Mafaasiidda keebaa fudud. Laakiin maaha tii rasmiga ahayd ee Ummaddu doonaysay, iyadoo ay sidaas tahay inay Maanta dhacdo in Dadkii la collaysiiyo maxaad ku fali Dawladnimo aan Hargeysa midaynayn ?, waxaynu u baahan nahay Dawlad midaysa Afartaa Milyan iyo Shantaa boqol ee kun ee Muslimiinta, waxaanuna leenahay waar Dadka Naxliga ha laga daayo.”

Leave a Reply