Dardaaran: Maanso cusub

Waxa curiyey Abdisalaan Sh. Omar Ahmed:

In kasta oo aan baryahan

Habdhaca maansada

Habaynta luuqda

U hibayn maankay

Dardaaran baan kuu sidaye

Dhug u yeelo oo dhagayso

Aragtidaada oo gaabatiyo

Meeqaam aanad u meel marin

Hami aanad u meel dayin

Hiigsi aan hormood wadan

Marbaa lagu hungoobaayoo

Sidii neef haraad la il daran

U hooto socotaayoo

Haldoor ruuxii ku mooday

Ku hungoobaa heerkaaga

Botor in aad ciyaartaad rabtaa

Heerkeedii ma haysid

ila wada dheeshaad wadaa

Hada gagaduna waa cidlo

Ma ogtahay dadkaygoo

Horseedkii dawladnimo

inaad tahay hormoodkii

han u yeelo hiigsi

 horumar kuu horsed

Yaad hiil ka sugtaa

Yaa ku hogaamin kara

Yaa dawga aad maraysiyo

Himilada aad hiigso leedahay

Hormood u noqon kara

Ha baal marine hawraarta

Iyo ula jeedadadu halka

Ay ku idishahay adi weeye

 heerkaa aad tabayso

Ruux huwan inaad tahay

Hamigaaga ka yeel

Noqo mid samaha jecel

Noqo mid ay runta  iyo

Beentu u kala sooc tahay

Noqo mid ay aragtidiisu

Ku hagto wanaaga

ha noqon habaar qabe

aafo ku noqoda umadiisa

ogow aadmiga qalad iyo

sax mid uun inuu ku sifoobo

abuuristiisaa ahayd

dhaliil wixii aad aragtana

dhayal toosinteeda yeelo

qof sixid kaaga baahana

ha noqon mid durbaanka u qaatoo

jecel uun waxsheeg sheega

ha la yaabin waayaha

dunidaa sideedaba

loogu talagalay isbad badal

waa ayaamo is daba taxanoo

mid walba xuskeed iyo

xusuusteeda gaara leedahay

maalintaad aragtaaba

cilmi iyo aqoon gaara iyo

duruusteeday wadataa

kas iyo garashiyo

aqli toosanoo tiigsaday rabtaa 

ilayn aadmiga dhamaantii

allaheen iskama abuurine

xigmad gaaroo doonistiisuna tahay

kalidii inay caabudaan

ogaw hadaba inaad tahay

qof miisaankaa ku suntanoo

hadafkaaga ka yeel

himilo iyo hiigsiyo

haldoor inaad ahaato

hana ilduufin waqtiga

ilayn waa ku tabayaayoo

misana ku tuhmayaaye

ilayn waa rafiiqaagoo

kula raba kula raba halkaad rabtiyo

meeshaad astaysatee

inaad gaadho tabaysid

uumiyaha dhamaantii

ruux kastaaba han iyo

u jeedo gaaruu leeyahay

ruuxii doonistii tahay

inuu meel wacan rabo

kuna taama inuu mar uun

hantiyi doono yoolkiis

misana ka dhabeeya toobiyihiis

waan hubaa in uu hilinkaas

mar uun kii hantiya noqdo

dulucdaydu waxay tahay

garashadaa kaasho

hana noqon mid dheel dheel

iyo hawaawi u nool

hankaaga meel mari

noqo halyey dawga uu maraayo

hogo tusaalayn iyo cashar

ay ka qaataan dadku

dunidaa aad arkayso

inta magac meel dheer gaadhay

dhayal umay mutaysane

doonis gaar ah iyo

jid ay u mareen baa jiray

wixii dhib ka hor yimaadna

hadaf gaar ah iyo hiigsi ay lahayeen

samir iyo dulqaad

meel fog wax ka arag

himiladooda helisteed

ayuu damacoodu ahaa

adigana dhaayo arag nugul iyo

fiiro inaad u yeelatoo

cilmi iyo aqoon ku anfaca

ka taransatoo

horumar halkay ka gaadheen

kiisa wacan ka qaadatoo

ku dayataa haboon

misana maankaaga galiso

inaad farshaxan gaar ah

ku meel mariso fikirkaa

una yeesha mug iyo miisaan sanoo

u nugul wax ka qaadasho

deetana ka hufa ka haadiya

in uun cidaad bidayso

meel sare inuu taagan yahay

hormood kuu noqon kara

ilayn dadka aragtidoodu

ma sinoo mid ba heego gaar ah

buu dusheeda saran yahoo

inuu kalidii halkii loo baahnaa

hiigsaduu is bidayaa

misana uu isku haystaa

halyey kii u mudnaaye

heer wacan jooga

halbeeg yeelo garan kara

halka kaaga beegan

hamigaaga sii inaad hayso

hilin kiisii ugu mudnaa

hana is odan waad habaysantee

u hiili naftaada iyo

inta hilmaamsan toobiyaha saxda ah

hareertaada ka eeg halka gadaloolada

 iyo qaloocu kaaga iman karo

ixtiraam iyo kala danbayn

baa lagu hodmaaye

meel aan karaamadaadiyo

jiritaankaaga dhawrayn

ka digtoonaw la faqeed

ilayn waa cid aan jeclay

halkay doonistaadiyo

wanaagaagu yaalo

bulsho inteed kalana

kula dhaqan xidhiid sanoo

u haboon dhexdiina

ka bogo inaad agtiisa

raali ka yahay rajadaad

sugaysee mudo ku hawlanayd

inaad mar uun midhaheeda

maamuus ku guran doonto

mar filato inaad sidaad han u yeelatay

kuu haboonayd kuula wadaagay

ogsoonaw inuu macaaga yahay

jawaabteedu waxay tahay

mudnaan intuu kaa lahaa

ku waajahdo qaabilkeed

ilayn lama kala maarmoo

duruufta dadkaa sideedaba

isku xidhanoo guusheeda iyo galadeeduna

waxay iman marka gees loo wada jeestee

loo wada xayto helisteed

hawaawi been ah ha u horseedin naftaada

hana is odhan dadkaa ugu horaysaayoo

hal ma waydiiyo cid kale

ha baal marin runta

hareertaada eegoo

bal in uun in ay hawli

kaa dayacan tahay

hubi oo fiirso

ilayn nimay hawli haysoo

hamuum u qaba halkii haraad tiri

heerkeedu halkuu taagan yahuu

qiyaasaayoo kama habaabo waligii

haasaawahaygu wuxuu yahay

han intaad leeduhuu hilinkeedu

ku tabaa heerkeeduna ku sugaa

hareertaadana ka day

halka aad u maraysiyo

habka aad u tiigso leedahay

heerkeedii in uu yahay

ilayn nina hawl yaraan

kuma hantiyo hiigsigii

hirka dheer ee kuu muuqdana

hab baa loo adeegsadaa

kugu haga heegada sare

garashooy ku eeday

ka gaabshay geestaada

kaa waa kaalintaadii

gar eexana diid

garnaqsigaygu halka uu jeediyo

dulucdiisa garan waa

kas iyo ula jeediyo

ma aqoon daray kaa tahay

inaad I kaafiyi waydoo

runta iyo qaabilkeed

gudoon gacan qaad iila wadaagtaa

misa anaa habawsanoo

maamuus iyo mudnaantaad lahayd

miisaankeedu inta uu leegyahay

miyirkayga oo san maankayga oo sax ah

hadana baal maraayoo garan la kii I hagi lahaa

ma anaa qalooca ku sifoobay

mise jahwareer baa dhexdeena yaaloo

garyaqaan inoo iftiinshoo

arin ku haboon muraadkeen

inoo muujiyeynu tabaynaa

hadal sanoo gunaanadkiisuna

weedho hufanoo bal in uun aan ku qanco

ayaan goobta kaaga fadhiyaa

umad jahwareersanoo

sidii dhalaan jagijagi dheelaysa

jarahay dagi lahaydna

jaanteedii garan la

jiho ay u socotiyo

halka loo jeedo ee

jaaha nuurku ka ifaayo

inay jaleecdo diidee

jamanaysa waxay doonto

ma jiheeyahaa ka lumay

mise jiljileecay u dhalatoo

hadba jiilka cusub

inay la jaan qaaday ku can baxdoo

waxay tabaysoo u jid martaan jirin

ma horjoogaheedii

jiifka ka kici lahaayee

u leexin lahaa dunidaa talaabsatay

la jaanqaadisteed

ayaan joogin goobta

mise jimicsi bay ka dhigataa

hadba dhinac u jooga jikaarka iyo

u jeedaalin meel aan fadhiba jirin

hankaygii jab hamigaygii fogaa

heerkiisuna ahaa hilinkaad maraysaan

horumar buu idiin horseedi

hadal hayntaydii ahayd

mar uun baydun ladi

libintana adun yeelan

la dhici farxad

dhex jibaaxi naq iyo doog

horaa nin abwaanii u yidhi

anuun baa iska hadlaayee

malaha dadkan aan la hadlayaa

dhaguhu uma daloolaane

damiirkaygu isiin waa

 iska yeel waxaad doonto

ku wiirso cid jilicsanoo

ku biday hiil iyo garab

u haraadan ruux haga

hiyi raaca ma yeelo

uma hungoobo meel madhan

uma haqal taago jawi

jaahiisu aanu jirin

u janjeedhid nin is boqray

I jamo oo ii sacabo tun

Hal ku dhagiisu yahayna

Jaale ma odhan wali

Mana jecli la joogiis

Jidka uu maraayiyo

Ula jeedadiis ma tabo

Jees jeeska uma nugli

Dhib yarina uma jiboodo

Iska jiidh oo hadana jiidh

Jawaabtaadu ha ahaato

Jaro habawsan baan u arkaa

Dheemaal gurashadiyo

Dhuunigaaguun u noolaw

Dharag oo ha hanbayn

Dharaarba dhan u jeedso

Ma diiri galin baa ka dhigataayo

Dhalan habaabiskaa ku nooshahay

I jiid aan ku jiidee ilayn waa gacmo daalise

Dhan uun u janjeedhoo

Jihadu yey kaa lumin

Adoon joogin meel dhexe

Ama u jilib laaban hawl adag

Ha dhex dabaalan bad wayn

Daran doori hadalka ha u orann

Deel qaafkana ka ilaali

Dabnahaaga weedho ka soo baxa

Duurxulkaaguna yuu noqon

Damac maqalkiisu dhaw yahay

Duruus baanan ka dhigtaa

Wixii dheel dheel kuu ah

Dhawris baanan u noolahay

Dhagtiisa ilaalinaya

Dhidibkana adkaynaya

Dagmo uma nugli

Ku dayna waan ka dhigtoonahay

Jeerood ogaatana

Damacaygu wuxuu yahay

Darajadaydu halka tahay

Dalan baabi baa ku hodoo

Dirkaan ahaad ilawday

Daah fur baa iigu kaa dhiman

Dib u fiiri wixii dhacay

Jidhiidhicada iga daa

Nabar aad adigu isku jiidayna

Dhaymihiisa raadso

Ka jeedso ciirsi la

Hana cuskan meel dagan

Jiridaadu yey noqon

Mid ay laamaheedu

Luxaan lulaan oo ay ladgaan

Dulmarkiyo doco docayntiyo

Daahfurka dooda

Duluc u yeel dul mar ah

Door bid daadihi inaad tidhaa

Damiir yeelo xaalan

Doorkiisu hagan yahay

Daymana ha u yeelan

Nimay tiisu dayacan tahay

Dood inaad wadaagtaana

Doqoniimay kugu tahay

Dalanbaabi ha is bidin

Damiya yoolkiis

Digashana ka dhawr

Dookhu nimuu diiday

Daganaan u tabi

Damac waxaad leedahay

Diirdiiranina u yeelo

Deeqsi in aad ahaatoo

Dadka intii dhiban

Damaqdo xaalkoodu

Dafiraa ha noqon

Tiisuun ay u cadahay

Doojin Karina cid kale

Dirqi yey kugu noqon

Deeqdaad bixinaysaa

Damiim iyo ha noqon

Ama aan daajin Karin

Meel u baahan gacan qabad

Dibin daabyo iyo ciil

Door aan kuu wacnayn

Dibad yaal haw noqon

Ha noqon mid is doorsha

Hana noqon ruux is hiifa

Dad waxaa u liita

ruux doorka ku toosan iyo

Dawga aan maraayo

Ka dida oo hilmaama

Doraad iyo shalayto

Damac waxaad u lahayd

Daa im oo hadadin

Daji meel barwaaqo ah

Kuna diirso inaad mar uun

Dagi doonto halkaad dooratay

Eed asiibtay doorkaagu inuu yahay

Waa dan iyo xeelad

Dib ha u eegin ruux ku dagay

Waa duul daadaamayoo

Dibirada iyo daala dhaca

La da, a ah oo aan is dhaamin

Tiisaba daryeelaa dadaloolada

U muuqdiyo gufeeya meel dayacane

Doodaadu waa maxay

Eray aan I deeqayn

falanqayntiisa hay farin

Laba dig lana hay xidhin

Doorkaagana bal hubi

intifaaciisu siduu yahay

Hay danbaajin anigana

Ilayn isku dan ma nihine

Digashada iga daa

Isku soo wada duuboo

Diiradaadu halkay tahay

Iyo damacaaga bal ii sheeg

Inaan isku daw nahay

Iyo inaan kala diga roganoo

Daris aynaan noqon Karin

Laba doorku is raacshay

Sina wax uwada arkaaya

Dib jirka iyo dibad yaalku

Dabinada ay dhigayaan

Dulucdooda ma duwi karo

Indhaha uu ku arkaayana

Hal uu ilduufay baa seegan

Silbibixashada iska dhawr

Sooryadaadu ha ahaato

Samir iyo dulqaad

Saldhig aad uga dhigto

Sawtkaagu halkuu tabo

Samacaaguna u nugul yahay

Sifihiisa inaad ahaato

Ha kala soorin saadaashaas

Aragtideedu daalacan tahay

Doorashana u baahan

Inaad ka duur xulato

Mid kuu wacan

Hana diidin waayuhu

Inuu dariiq dalag dalag badanoo

Door aan ku haboonayn

Damacaaga ka yeeli karo

Adigoo dabaal baran

Ha dhex muquuran bad wayn

Dad horaa wuxuu yidhi

Nin kuu digay kuma dilin

Daganoow I dhagayso

Duuduub ku qaado warkayga

Hana ilaawin shalayto

Halkuu duubku kaaga dhacay

Durtaba inaad hilmaamto

Darajooyin aanay mutaysana

Deeq ahaan ugu hibayso

Dibin daabyo iyo ciil

Ruux ku biday oo hadana

Ag joogiisa aad door bidayso

Ma diirka naxaan kugu ooloo

Ku wiirsigaa ku nooshahay

Mise dhex mushaaxa halawsiga

Habqanka iyo is dhexyaal

Ayaa meel dooran u aragtaayoo

Wax aad hibanaysoo

U hanqal taagaysoo

Han u yeelataan jirin

Hadal badani haamo ma buuxshe’e

Dardaaran diiranoo

In uun ruux damiir le

Damqi kara ma ku idhi

Daran doori hadal ma kuu furay

Doonistaadu siday tahay

Duro iyo waswaas wax ku

Duwa oon danahaaga ahayn

Ma kaaga digay goor hore

Mise anuun baa iska daalayoo

Hadal waano intaan ku idhi

dhagahaaga umaad amrin

dhuux oo dhagayso

kolaad eray ku deeqoo

ku anfaca ka qaadatana

anoon ku dayrin kuna diidinoo

I damaqdo dhaliishaadu

Daris baan idhaahdaa

Ha ka daalin la rafiiqii

Dib u eeg wuxuu gabay

Daalaco oo bal dooji

Dan inaad wadaagtaan

Damaceegu fog yahay

Ha noqon dan laawe

Dood uun iska furaayoo

Door bidaaya wuxuu doono

Dookhu yuu kaa noqon

Waxaad iska dooratoo dagan

Dadan oo aanad u meel dayin

Dabuub iyo ula jeediyo

Dil dilaaci warkoo

U iftiimi ruux dama

Daw ku haboonu maro

Dagal iftiimay weeye

Daruur hoortay subax

Dhibcihii iyo daadku

Dhex mushaaxaayo arlada

Biyuhuna durdurayaan

Dul sabaynayaan carada

Daawashada indhahaa

Ku ildoogsada aragtida

Nuurkaa baxaayee

U curtay dalkayga

Naftaa ku diirsatay

Daawayna u tahay

Ruux dareemay baahida

Dhex taal umadiisa

Duraan iyo canaan

Aad ku durto cid kale

Darif aad iska istaagto

Hawl intii kuu taal

Dayr aad isku oodo

Dabar aad isku xidho

Dayrin aad u badheedho

Midna kuuma taale

Dacalkaaga qabso hawsha

Cududaadana ku waajah

Dalag inaad beerato

Duruufta taal laga baxo

Waxba ha is maroorin

Is murgin oo is boqrin

Duryanka iyo jooji

Hadal aan xigmad lahayn

Dadaal intaa la timaado

Dadkuna ku badhaadho

Kaalintaada ku muuji

Han inaad u yeelato

Ifafaalo wacanoo

U xagliso xageeda.

 

Leave a Reply