Dawladduhu Masaaliix Ayey Kala Leeyihiin

 

Siyaasiga Cali Daacuun

Siyaasadda dawladda waxaa Jaangooya Xukuumadda haddii ay U Aragto Inay Dantu Ku Jirto in Soomaaliya noqotto (dhexdhexaad). Waxba Kuma Jabna. Haddaba, dib u raaca Taariikhda Burburkii Soomaaliya yaa Ka Qayb Qaatay.

Hadii Aynnu burburnay oo ilaa maanta aynnu Ka soo Kaban La’nahay Dhibtii Inagu Dhacday, Yaa ii Sheeggi Kara waxa BAXREYN Ay Inoo Qabatay?

  1. Masar dan ayey Leedahay, Dawladda Soomaaliya iyaduna Dan Ayey Leedahay. Sacuudiga Dan ayey Leeyihiin, Soomaaliyana
    Dan ayey Leedahay. UAE dan ayey Leeyihiin.

Qadar Dan ayey Leedahay, Soomaaliyana Dan ayey Leedahay.

Isku soo wada Duub, Shacabka Soomaaliyeed Waxay doorteen Dawladda uu Hadda
Madaxda ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Wuxuuna Magacaabay wasiirka Kowaad, Miyaanay haboonayn in
Aynnu ku ixtiraamno Madaxdii aynnu dooranay siyaasadda Soomaaliya.

Soomaalidu waa dad wax illlaawa oo aan Lahayn Taariikh Xusuuseed.

Siyaasi Cali Daacuun

Leave a Reply