Dawladu Maxay U Daryeeli Weyday Hadraawi? Q/Maxamed Raaxeeye.

Waxay ahayd Abaara 10 Kii Subaxnimo Markii Aan Tegey Guriga Ama Baradu Uu Abwan Hadrwwai Ka Degan Yahay Magaalada Burco.
Ujeedada Aan Ugu Tegey Abwaanka Waxay ahayd Inaan Soo Eego Abwaan Hadraawi Waanan Ku Faraxsana Inaan U Tago
Waxaan Guriga Ugu Tegey Hooyo Hodan Oo Ah Xaaska Abwaan Hadraawi Iyo Abwaanka Oo Keliya Bariido Iyo Bogaadin Ka Dib Waxaan Waraystay Hooyo Hodan Aniga Oo Doonayey Inaan Bal Reer Iyo Noloshooda U Kuurgalo.
Ilaahay Mahadii Way Wanaagsan Yihiin Caafimaadna Waa U Dheeryahay Hadaba Waxa Meesha Ka Maqan Waxyaabihii Loogu Talagalay Ee Ay Lahaan Jireen Dadka Taariikhda Leh Ee Dunidu.
Hadraawi Waa Ninka Ugu Taariikhda Weyn Somalida Oo Dhan Waxa Nasiib U Heshay Inuu Ka Dhasho Somaliland Gaar ahaan Burco Oo Ah Halka Ay Badiba Ka Soo Jeedaan Dadka Magaca Ku Leh Reer Somaliland.
Dunida Dadka Magaca Leh Waa La Maamuusaa Xataa Waxa Qaar Loo Sameeyaa Taalooyin Iyo Miiqaam Sare Oo Lagu Muujinaayo Taariikhdooda Hadraawi Waxa Uu U Muuqdaa Mid ay Guud Ahaanba Ilawday Xukuumada Somaliland Waxaana Meesha Ka Maqan Daryeelkii Laga Doonayey In Loo Muujiyo Abwaanka Maadaama Uu Yahay Maanta Nin Da’weyn Oo Aan Lahayn Xoog Uu Ka Shaqaysto.
Waxa Guriga Yaala Gaadhigii Uu Lahaa Abwaanku Oo U Dayacan Darwal La’aan Taasi Oo Ay Gaadhay Inay Xaaskiisu Ka Xayso Gaadhiga Dawlada Ayaa Tahli Kariweydey Inay Darwal U Samayso Abwaan Hadraawi Taasi Oo Uu Codsi U Dhiibay Xukuumada Balse Aan Wali Looga Soo Jawaabin.
Waxa  Ugu Dhaw Golaha Deegaanka Burco Waxay Awoodi Waayeen Inay Guriga Abwaanka Ka Hagaajiyaan Geedka Garanwaaga Oo Ku Baxay Agagaarka Xaafada Xaaska Hadrwwai ayaa Ii Sheegatay In Golaha Deegaanku Yidhaahdeen Markii ay Tidhi Geedkan Naga Hagaajiya Soo Kirayta Cagafta Guraysa Geedkaasi.
Dawlada Somaliland Waxbadan Ayey Balan U Qabaty Abwaanka Haba Yaraatee Wax Ka Suuroobay Ma Jirto Waxaana Guud ahanba La Ilaaway Daryeelkii Lo Samayn Lahaa Hadraawi Oo Ahaa Halyey Ku Suntan Qaranka Somaliland.
Hadii Sidan AY Ku Sii Socoto Waxa Dhici Doonta Inay Sidii Hore Loogu Dayacay Dad Magac Ku Lahaa Qaran In Maalinta Uu Waqtigiisu Soo Galo Ay Ku Soo Hamba Baraan Aas Qaran Ha Loo Sameeyo Waar Maanta Ayuu Noolyahay Oo Daryeel Caafimaad Iyo Kaleba Idiinka Baahan yahay Ee Ha La Ogaado Abwaanka.
Waa Qalinkii Maxamed Raaxeeye.

Leave a Reply