“Dekeddii Berbera Iyo Haamihii Laysku Dacareeye, Siilaanyo Siduu Damacsanaa…” Akhri Tixdan

arrinta ka taagan gobolka Saaxil ee magaaladda Berbera gaar ahaan marsada caalamiga ah ee Berbera oo xukuumaddu damacsan tahay inay shirkad gaar ah ku wareejiso iyadoo muddo xileedkeeduna gaaban yahay,halkaas oo dadweynaha reer Berebera guud ahaana reer Saaxil ay ganafka ku dhufteen,isla markaana cod dheer kaga soo horjeesteen qorshaha xukuumaddu wadato.

hadaba Mujaahid Cali Xaraaro ayaa arrintan u soo qaatay tix uu ku salaysiiyay talaabooyinka saambuusa laga eedaamay ah ee xukuumaddan gabalkeedu sii dhacayo kula meeraysanayso dekedda Berbera, waana tan ee daalacasho wacan

Saaxil oon dagaal xumi ka dhicin, digiyo baaruudi

deyr baaba lagu meersadoo, loo dabaal degeye

dalxiisna waaba loo tagaa, lagu dabaashaaye

siilaanyo siduu damacsanaa, loo diyaafadi

dekedii berbera iyo haamihii, laysku dacareeye

duunyada la diray iyo dakhligoo, wada durduuraaya

Isagoo diilintii iyo dacalki, soo muuqdo

doolarkoo hortiina lagu booba, yaad wada dul joogtaan

dilaalna kama soo heshaan, waana dubataan

dulmiga la falay duunyada, la dhacay dumarka ooyaaya

da yartan derbiyada kuududee, debinta ruugeysa

agoontan ilmada duugeysee, diilal yadu hayso

aleylehe damiirkaa damqaday, iyo diirka oogada e

dedaalse waan jeclaa, xaalad aad dib u jaleecdaane

dad yahaw ka kaca meeshan, aad dadar ku ruugeysaan

la soco…………………….

Leave a Reply