Doorashada Somaliland: Guddida oo ka warbixiyey sida ay Gobolka Sool uga socoto Codbixintu

Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa ka warbixiyey sida ay codbixinta Doorashadu uga socoto Gobolka Sool iyo Degmooyinka hoos-yimaada.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Doorashada oo ay weheliyaan xubno kamida howl-wadeenada Gobolku

Masuuliyiinta oo goor-dhaweyd saxaafada kula hadlay Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay inay si nabad-gelyo ah Gobolka oo dhan uga bilaabantay Doorashadu.

Halkan ka Daawo:

Degmooyinka Gobolka SOOL, ayaa waxa kamid ah deegaamo aanay hore Doorashada Somaliland uga dhici jirin.

Leave a Reply