Doorashada Somaliland: Guddida oo ku dhawaaqday in la xidhay goobihii codbixinta

Hargeysa(GNA)-Guddida Doorashada Somaliland ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay inay codbixinta Doorashadu ku dhamaatay nabad-gelyo iyo xasilooni, guud ahaan dalka oo dhan.

Guddoomiyaha Guddidaas Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo warfidiyeenka kula hadlay xarunta guud ee guddida, ayaa sheegay in dhamaan goobaha codbixinta la xidhay, saacadaha soo socdana ay bilaabmi doonto tirinta codadku.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in intii codbixintu socotay Magaalada Burco laba askari ku dhaawacmeen xabbad ka qaraxday mid kamid ah Askar Ilaalinaysay goob doorasho.

Ma jirto wax dhibaato ah oo kale oo dhacday intay codbixintu socotay, sidaas darteed waxay guddidu xaqiijiyeen inay guul ku dhamaatay howshii codbixintu.

Guddidu waxay intaa ku dareen inay tirinta codadku ka bilaabantay goobo ku yaalla degmooyinka qaar.

1642 Goobood oo ay Codbixintu ka dhacaysay ayay sheegeen in dhamaantood la soo xidhay oo ay si habsami ah u dhamaatay howshu.

 

Leave a Reply