Doorashada Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo iyo Murrashaxiinta oo goob ka wada codeeyey

1642 goob-doorasho oo ku kala yaalla 21 Degmo oo dalka ah, ayaa saaka si rasmi ah looga bilaabay codbixinta Doorashada Madaxtinimada Somaliland, waxaana lagu wadaa inay codkooda dhiibtaan in ka badan todoba Boqol oo kun oo cod-bixiye.

Codbixiyeyaal safka ugu jira inay codeeyaan

Murrashaxiinta Saddexda Xisbi Qaran iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa codkooda ka dhiibtay goob Doorasho oo ku taalla xarunta Hay’adda Shaqaalaha.

Goobaha codbixinta ayaa la furay 7:00 Arroornimo ee saaka waxaanay codbixintu socon doontaa ilaa lixda galabnimo.

Goobaha qaar, ayaa dad badan safafka ugu jiraan sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen.

Murrashaxiinta Madaxweyne oo markii ay codeeyeen warbaahinta la hadlay, ayaa hambalyo iyo dardaaran u jeediyey Shacbiga Somaliland.

Murrashaxa Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay saluugsan yihiin dhexdhexaadnimada  Ciidanka Amniga, laakiinse haddana wuxuu bogaadiyey sida howshu u socoto.

Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa dhankooda hambalyo u diray Shacbiga codkooda dhiibanaya.

Gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Deegaamo kamida Buuhoodle oo aan hore looga qaban jirin Doorashooyinka, ayaa doorkan Doorashadu ka dhacaysaa.

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayey si habsami ah uga bilaabantay saaka Doorashadu.

 

 

 

Leave a Reply