Drs. Adna Aadan oo ku baaqday in la aqoonsado Somaliland

Marwo Adna oo digniin iyo dardaaran u jeedisay Shacbiga iyo Murrashaxiinta Madaxtinimada Somaliland, iyadoo ka dareen-celisay qaabkii ay u dhacday codbixinta Doorashadu…Daawo Video 

Marwo Adna Aadan Ismaaciil, Wasiirkii hore ee arr. dibada, Qoyska,

Hargeysa(GNA)-U-qaybsanaha Wadahadallada Somaaliya Adna Aadan Ismaaciil oo maanta shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay inay Somaliland ka qabsoontay Doorashadii ugu quruxda badnayd ee ka dhacda qaarada Afrika, taasina ay ka markhaati kacayso rabitaanka dhabta ah ee Shacbiga iyo dawladda Somaliland.

Drs. Adna Aadan Ismaaciil, waxay tilmaantay inay guusha Doorashadaasi ay tahay mid u soo hooyatay Qaranka Somaliland, loona baahan yahay in sidii quruxda badnayd ee codbixintu u dhacday, loo aqbalo natiijada Doorashada, iyadoo ka digtay wax kasta oo dhaawac u keeni kara hufnaanta Doorashada iyo himilada Bulshada.

Marwo Adna bilihii la soo dhaafay Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay dan-jire, horena u noqotay Wasiirka Arrimaha dibada iyo Wasiirka Qoyska, ayaa dhinca kale si gaar ah ugula dardaarantay Murrashaxiinta ku tartamay Doorashadaas oo ay u jeedisay inay aqbalaan natiijada ka soo baxda Doorashada, si ay meel mar u noqoto guusha ay somaliland gaadhay.

Dhanka kale, iyadoo ku hadlaysa Luuqada Ingiriisiga waxay u beyaamisay Beesha Caalamka inay gaadhay Somaliland mustawihii ugu dambeeyey ee lagu aqoonsan lahaa, sidaas darteed ay xaq u leedahay inay hesho Ictiraafo Caalami ah.

Hadalka Adna Aadan wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay dawladdo badan oo addunka ahi la dhaceen sidii nabad-gelyada iyo xasiloonida ahayd ee ay ku dhamaadeen codbixintii Doorashada Madaxweynaha 5aad ee Somaliland hogaamin doona shanta sannadood ee soo socda.

Leave a Reply