Farsamada gacantu maxaa ay uga muhiimsan tahay Tacliinta wakhtiga dheer la barto?

Khadar Raygal Xayd..waa Farsamo yaqaan ku shaqeeya xirfad uu wakhti kooban bartay..

Warbixin uu diyaariyey Wariye da’yar oo ka howl-gala Telefishan, ayaa lagu waraystay dhalinyaro reer Burco ah oo ku shaqeeya farsmada gacanta, kaasoo bartay xirfado kala duwan oo farsamo.

Wiilasha la waraystay, ayaa sheegay in barashada farsamada gacantu ka caawiso da’yarta inay shaqooyin helaan, halka waxbarashada caadiga ahi wakhti dheer qaadato.

Halkan ka Daawo:

Arrimo kale oo ku saabsan muhiimmada Farsamada gacanta

Dawladda ayaa sanadihii dambe xoogga aad u saaraysay sidii loo kobcin lahaa dugsiyada lagu barto xirfadaha gacanta, si dhalinyarada looga jiheeyo shaqo la’aanta.

Laakiinse wali taa si fiican ugumay guulaysan Xukuumadda wakhtigeedii dhamaaday, iyadoo madaxweynaha dhawaan la doortay uu balanqaaday inuu wax ka qaban doono shaqo la’aanta dhalinta, muhiimad gaar ahna uu siin doono horumarinta farsamada gacanta iyo hindiseyaal kale oo lagu qaramaynayo Dhalinyarada.

Sanad kasta Jaamacadaha dalka waxa ka baxa Kumanaan dhalinyaro ah oo bartay Cilmi kala duwan. waxa ugu badan ee ay Da’yartaasi ku takhasusaan Digree-ga koowaad ee Jamaacaduhu waa Sharciga, Maamulka iyo Maareynta, Tiknoolajiyada, Siyaasada iyo Dhaqaalaha.

Sanadahan dambe waxa kordhay, kuwa barta Culuumta Caafimaadka, Engineering-ka  iyo Beeraha, kuwaasoo laftooda markay Jaamacadaha dhameeyaan caqabado kala kulmaan ku shaqeynta Xirfadaha ay barteen.

Si kastaba ha ahaatee  kuwa Jaamacadaha ka bartay Xirfadaha gacmeed, waxa ka fursad badan Dhalinyarada wakhtiga kooban ku bartay sida loogu shaqeeyo Xirfadaha, kaddibna toos ugu shaqeeyey oo iyaga la odhan karo waxay ku barbaareen deegaanka Wershadaha.

Leave a Reply