Gabiley: Xisbiga WADDANI oo agab Ciyaareed guddoonsiiyey 25 Kooxood

Xoghayaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xisbiga Waddani Oo 25 Kooxood Oo Ka Dhisan Gabiley Gudoonsiiyey Agabka Ciyaaraha, Xadhigana Ka Jaray Laba Xafiis Oo Xisbigu Leeyahay   

Gabiley, (GNA) – Xoghayaha Xisbiga Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee xisbiga Waddani, Yoonis Axmed Yoonis ayaa gaadhsiiyey 25 kooxaha Ciyaara Kubadda Cagta ee ka dhisan gobolka Gabiley.

Xoghayaha “Maanta agab yar oo kooban ayaan keenay iyadoo xili olole lagu jiro ayaanu go’aansanay maadaama oo aanu reer Gabiley nahay in dhalinyaradii Gabiley aanu wax ku celino.

Xisbi mucaarid ah ayaanu nahay, waxaananu doonaynaa in bulshada aanu la dareen noqon haba yaraatee, sababtoo ah anagu ma hayno khasnadii qaranka oo xisbi Mucaarid ah ayaanu nahay, hadii Alle yidhaahdo marka aanu talada dalka ku guulaysano Xukuumada Xisbiga Waddani halkan meel ka fiican in aanu gaadhsiino gaar ahaan Ciyaaraha iyo Dhalinyarada gobolka Gabiley maadaama oo sideedaa sanadood ee xukuumada Kulmiye ay joogtay hagraday oo dayacday Gobolka Gabiley oo taariikh ku leh ciyaaraha oo tartankuudu uu mudooyinkii u dambeeyey uu meel fiican gaadhayey, laakiin gaadhidaa ay gaadhayeen waa kuwo ay iyagu kasbadeen oo ay isku isdhiirigaliyaan dhalinyaradu, mana jiro wax ay Wasaarada Ciyaaruhu u samaysay.

Waanu ka xunahay in Gobolka Gabiley oo ah meesha labaad ee dhaqaalaha Somaliland ka soo baxo, in garoomadeedu aanay waxna ku soo celin oo ay burbur san yihiin.” Ayuu yidhi Xoghayaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee xisbiga Waddani.  

Dhinaca kale waxa iyaguna madashaasi lagu gudoonsiinayey 25-ka kooxood ee ciyaaraha kubadda cagta ee gobolka Gabiley, Gudoomiyaha Ololaha ee xisbiga Waddani, Mudane Xamse Cabdilaahi Khayre, La-taliyaha Arimaha dibada ee Musharaxa xisbiga Waddani, Marwo Faadumo Siciid iyo masuuliyiin kale iyo dhalinyarada kooxahaa kubadda Cagta ee gobolka Gabiley, kuwaas oo sidoo kalena isku afgartay in codka la siiyo Murashaxa xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Ciro si uu u noqdo Madaxweynaha shanta sano ee socda ee Somaliland.

Leave a Reply