Garabka Jamaal cali Xuseen oo muujiyay kala socod ka dhex jira garabkooda ucid

(Faalo):garabka-jamaal-iyo-khilafkooda

Hargaysa(GNA);Iyada oo ay maalmo gaabani ka hadheen mudadii maxkamada sare u qabtay garabyada ku hirdamaaya Xisbiga ucid ee ay kala hogaaminayaan Musharaxa madaxweyne ee Xisbiga ucid Aqoon yahan Jamaal cali Xuseen oo wata garab  iyo gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo isna garab hogaaminaaya ayaa hadana waxa ilaa hada jira warar u muuqda ku mud iyo iiga jar ah iyada oo xaalada Siyaasadeed Xisbigaasi gaadhay Heer ay kooxo kala taageersan labadan garab ay weeraro isku qaadaan.

Hadaba Garab uu hor kacaayo Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo isagu ilaa hada ku cumaamadan jagada musharaxnimo ee Xisbiga Ucid balse gudoomiye faysal cali waraabe ku sheegay inuu ka dhamaaday Teeramkiisii musharaxnimo.

Garabkan ayaa hada galay Xaalada is mooganaana oo ka dhex jirta dhexdooda iyada oo  inta badan hadaladooda ay warbaahinta Mariyaan yahiin kuwo is burinaaya oo is diidan, kala socodka Garabka Jamaal cali Xuseen oo iyagu inta badan sheegta inay yahiin garabka Haysta Aqlabiyada Xisbiga Ucid ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay Go,aankii maxkamada Dastuuriga ahi ka soo saartay Khilaafka Xisbiga Ucid Waxa banaanka usoo baxaaya is xog ogaansho la,aan ka dhex jirta Hogaanka garabkaasi iyada oo ay arintaasina si xooga looga dareemay  saaxada siyaasada Somaliland, ka dib markii ay maalmahii ugu dambeeyay la helay warar Xog ogaala oo sheegaaya in ay furmeen wada hadalo u dhexeeya Jamaal cali Xuseen iyo Muuse Biixi Cabdi kuwaas oo salka ku haya midaw  loogu magac daray isgarabsi, Balse Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa isagu shalay Goor dambe gaashaanka U daruuray warkaasi ka dib markii ay qaar ka mida saxaafada magaalada Hargaysa si gaara ula Xidhiidhay,isaga oo sidoo kalana Xaaraan iyo Cadaalada Daro ku tilmaamay go,aankii Maxkamada Sare oo ay isaga iyo garabkiisu hore maxkamada Horteeda ugaga Dhawaaqeen inuu Go,aanku yahay mid cadaalada oo ay ku kalsoon yahiin.

Dhinaca kale waxa si xooga uga Xanaaqay hadalka Jamaal Cali Xuseen Saraakiisha ugu tunka weyn Garabkiisa oo iyagu ku tilmaamay in hadalkaasi uu jamaal Ku cabaareeyay Go,aankii maxkamada Sare uu yahay mid gafa oo ceeb iyo sumcad xumo ku ah Siyaasi raba inuu gaadho darajada Madaxweynimo, hadaba aan soo qaadano hadaladii ugu dambeeyay ee banaanka soo dhigay kala socodka iyo ismooganaanta ka dhex jirta garabka jamaal Cali Xuseen ayaa maanta ka dhacay Barxada Xarunta Xisbiga Ucid iyo barxada Hore Xaruntaasi Xisbiga ucid ka dib markii saraakiisha ugu culculus garabka musharax Jamaal Cali Xuseen ay si gooni gooniya ula hadaleen warfidiyeenada Magaalada Hargaysa  Masuuliyiinta Sida Gooni goonidaa ula hadlay Saxaafada maanta balse isku garab ka soo wada jeeda ayaa waxa ka mid ahaa Xuseen Badmaax oo ahaa Xoghayahii Cadaalada balse Bilawgii Khilaafka Xisbiga Ucid uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng:Faysal cali waraabe ka xayuubiyay Xilkii Xogyaha Cadaalada Xuseen badmaax oo ugu horeyn ka hadlaaya wararka ku saabsan inuu jamaal ka tanaasulay musharaxnimadii madaxweynenimo Ee Xisbiga Ucid ayaa sheegay in aanu jamaal kaligii awood u lahayn inuu go,aan qaato isaga oo ka jawaabaaya su,aal la weydiiyay oo arintaasi ku saabsan wuxuu ku jawaabay

;Anagu Xunkii Maxkmada ayaanu Qaadanay oo aanu Aqbalayney.

;Xukunkii Maxkamada Anagu maanan jabine isagaa jabiyay.

;Jamaal kaligii go,aan ma gaadhi karo:Xuseen badmaax garabka Jamaal ee Xisbiga ucid.

Hadalka Xuseen Badmaax ee ku salaysan Go,aankii Maxkamada sare iyo aqbalkoodii iyo hadalkii shalay jamaal ku dhawaaqay waa laba war oo is khilaafsan islamarkaana muujinaaya kala socodka ka jira dhexdooda garabkaasi jamaal hogaaminaayo .

Cali Maxamed Yuusuf(cali guray) isna waa gudoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga ucid balse isna bar bilawgii khilaafkooda ayaa uu gudoomiye faysal cali waraabe ka caymiyay Xilkaasi waxaanu ku jiraa garabka Jamaal cali Xuseen waana Masuulka Labaad ee ugu tunka weyn garabkaasi uu Gadh wadeenka u yahay Aqoon yahan Jamaal cali Xuseen isna maanta ayuu Qalabka Warbaahinta kula Hadlay afaafka Hore Ee Xarunta Xisbiga Ucid waxaanu u sheegay wariyeyaasha si ka duwan siday ay u hadleen Badmaax iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid, isaga oo sheegay in wararkaasi yahiin waxa uu ugu yeedhay qiimeynta guud ee Saadaasha siyaasadeed Ee Xisbiga Ucid waxaanu ku sii daray inuu isagu si cad ula socdo taageerada muuse Biixi wixii ka dambeeya mudo laba wiiga ama (15) cisho ka diba waxaanu ku jawaabay

;Arintaasi waa Dib U qiimeynta Xaalada,15 cisho ayaa nooga hadhay noloshii Xisbiga ucid 15 cisho ka dib hadii faysal cali waraabe inta katiinad lagu qabto la xidhiwaayo Xisbi dambe oo ucid la yidhaahdaa ma jiraayo, anagu ma nahin alaab meel taaloo la dhigtay.

;Muusena waa musharax ana kamaan dhigine kulmiyaa ka dhigtay .

Sidoo kale cali guray oo ka Jawaabaayay su,aal lag weydiiyay taageerada muuse  uu u hayo iyo macnaha u sameyneyso hadii jamaal ka tanaasulo musharaxnimadiisa ayaa ku jawaabay.

;muuse wuxuu helayaa labadii musharax codkoodii ileen meeshu waa qabiile,waxaanan ku Qiimeeyay waddani waxa iskugu tagay wasiiradii ka yaacay Xukuumada bal weynu eegidoonaa codkay ku soo kordhiyaan,waxbay yeeleene waxba umay soo kordhin, midh uma keenayaan.

muuse hadaa ma isagaa Muuse biixi ma alaab meel laga helaybaa.

sidoo kale hadalkan Muj.cali Guray ayaa isna ka duwan oo astaan u ah in garabka Jamaal xaaladiisu tahay hawlaha dhankaaga wado,waana mid ka duwan hadaladii ay yidhaahdeen xubnahii ay isku guruubka ahaayeen.

isku soo wada xoodoo xaalada Xisbiga ucid ee haatan mursan ayaa la filaa halkay iskugu biyo shubato iyo garabka ay guusho ku dambayso, sidaa si lamida waxa loo dheg taagaa goorta ay is waafaqaan aragtiyaha iyo odhaaha lidka isku ah ee garabka jamaal ka soo baxaaya.

Faalo:mustafe Axmed(Herer)

Xafiiska wararka gobanimonews.com/news office

Hargaysa/Somaliland

Email:Herersx@gmail.com

 

Leave a Reply