Gorfeynta Silsilad maanseedda MIIMLEY. Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham

MAHADNAQ
Mahad iyo ammaan Eebbaa mudan, nabad-gelyo iyo naxariis ALLE ha dallaalimayso Nebi Muxumed iyo ehelkiisa, asaxaabtiisa iyo guud ahaan dadkii raacay.

AFEEF
“Aniga oo ka warqaba in guud ahaan Soomaalidu aanay u bislaan ama ogolayn gorfeynta iyo falanqaynta. Gaar ahaanna, maansoleydu aanay uba baran in ay arkaan qof aragtida ay qabaan mid ka geddisan qaba. Aniga oo shantii sanno ee ugu dambaysay ku hawlanaa soo bandhigga dhaca hantida qaranka. Ummaddana u soo bandhigay hanti 80 guri iyo jago iskugu jirta. Si badheedh ahna farta ugu fiiqay ciddii hantidaa lunsatay. Hawshaana aan halkaa kaga hadhi doonin. Isla markaa, aan ogolayn in hantida ummadda cid gaar ahi ku takrifasho. Shaqadaa intii aan ku jiray dhibaatooyin badan oo kala jaad jaad ah kala kulmay, una soo dhabar-adaygay. Dadkuna marag ka ahaa. 
Runta sheegisteedana aan cidna uga habran. Ayaan silsilid maanseeddan”MIIMLEY” fikirkayga xorta ah ka dhiibanayaa. Wali ba anigoo dareemi kara in ay dhibsan doonaan maansoleyda silsilad maanseeddan ka qayb qaatay.

 

Sababtuna waxa weeyaan in dadka Rabbi hibada u siiyay in ay tix mariyaan badankoodu, ciddii fikir ahaan ka hor timaadda ay maanso sida hubka wax gumaada ugu adeegsadaan. Taasina waxa ay keentay in gar iyo gardarra ba la la doodin. Hasa yeeshee, innagoo goortan Qarnigii labaatan iyo koowaad ku jirna, in xorriyaddayda hadalka iyo cabbirka fikirkayga aanu xuub cabsiyeed ku dahaadhnaan doonin ayaan halkan ku xaqiijinayaa. Kalsooni buuxda ayaanan qofnimadayda ka qabaa, waxa aanan leeyahay awood aan ku dhagaysto wax aan dhibsanayo.
Maadaama, silsiladda ummaddu leedahay, oo danta guud lagu lafo-gurayo, qof kasta wuxu xaq u leeyahay in uu aragtidiisa sidii uu ku cabbiro kara ba ku cabbiro tix iyo tiraab.” Cabdinaasir Axmed Abraham.

HORDHAC

Silsiladdan waxa abyay Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” Ammin ku aaddan February. 12. 2017. Xaraf-raaceedu waa “M” Inta ogaalkayga ah waxa hadda soo galay 23 qof, iyada oo wakhti aad u kooban socatay.

Waxa aanan filayn in ay jiraan dad raba in ay qorraxda gacantooda ku qariyaan. Kuwaas, oo ah maansoleyda qabta fikirka ah in aan musuqmaasuq jirin.

Waxa aan sidoo kale aad u kala caddayn ula jeedka rasmiga ah ee maansoleyda garabka dawladda dhalliilay, sababtuna waxa weeyaan in ay gawl-gawlayaan hadalka oo mid ba wax u jeedo. In musuqmaamuq jiro dad badan baa og, joornaallada, mareegaha wararka iyo muuq-baahiyeyaasha ba waa lagu sheegaa. Haddaad is weydiiso intaa maxaa ka duwan ee ay sheegayaan. Waxa kuu soo bixi in aanay macno sidaa u sii buuran meesha oolin. Qoraalkan waxa aan ku idinkula wadaagi doonaa, taariikh kooban oo ku saabsan silsilidihii geyiga ka curtay bal si maansoleyda aan macnaha silsilad dhaaddanayn wax uga faa’iidaan.

Sidoo kale waxa qoraalkan aan ku soo bandhigi doonaa, meelo door ah oo aan ku saluugay silsiladda, aniga oo labada garab ee silsiladda ku hirdamaya mid ba gaarkiisa wax uga odhan doona.

Markii aan maansooyinka oo dhan wada dhagaystay, waxa iiga soo baxay in arriman hoose;

  1. In maansoleyda silsiladda ku jirtaa da’yar u badan tahay. Kuwaas oo silsilad baa socota uun u soo galay. Isla markaa, aan xog ka hayn silsiladii geyiga ka curtay.
  2. In maansooyinka silsiladda ku jiraa ay u badan yihiin qaar dhisme ahaan iyo macne ahaan ba jaban oo aan hal-aroor lahayn. Markii aan qaar ka mid ah qoray ee aan ku eegay aragtidii miisanka maansada ee “Gaarriye” waxa iiga soo baxay deel-qaaf badan.
  3. In aflagaaddo iyo cay qaawan oo tiro beeshay la isku adeegsaday.
  4. In yoolkii silsiladda maansooleyda ka qayb gashay badankoodu dacal-mareen.
  5. In garabka dawladda dhalliilay uu kuwa ka soo horjeeda laaluush-cuneyaal ugu yeedhayaan.
  6. In garabka dawladda raacsan ee midigta fogi, kuwa ka soo horjeeda u haystaan “Qaran-dumus.”

Qodobba kale oo door ah iyo kuwaa maraggooda ba hoos ayaan ku xusi doonaa. Mar aan is-weydiiyay sababta keentay in silsiladdan goortan furanto, waxa ay weydiintaasi dhashay su’aalo kale oo door ah oo ay ka mid yihiin;

– Intan oo maanso-yahan ma dalka ayay ka maqnaayeen? 
– Haddii ay joogeenna ma hadda ayay ku soo hambabareen in dalka la boobay?
– Ma imika ayuu musuqmaasuqu bilaabmay? 
– Ma markii hore ayay dadkooda dhinac ka raacsanaayeen oo hadda goortan xukuumaddu cadceedda casar noqotay ayay ka daba-geynayaan wixii ay hore u odhan kari waayeen? 
– Gabyaagii kale ee aan ku barannay in ay had iyo goor danta ummadda ka hadlaan oo aan ka magacaabi karo, Cabdiraxmaan Cashuur iyo dhiggiisu maxay uga muquurteen in ay ka qayb qaateen silsiladda?
– Haddii silsiladda oo aan wakhti yar socotay sidan qaawan la isku caayay, sii socodkeedu khayr intee leeg ayuu dhali karaa? 
LA SOCO…

 

Leave a Reply