Guddida Doorashooyinka oo shaaciyey xilliga lagu dhawaaqayo natiijada Doorashada

Guddida Doorashada oo hadlay goor dhaweyd

Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in maalmaha 16 ilaa 18 Bisha lagu dhawaaqi doono Natiijada Doorashada Madaxtinimada ee Isniintii dalka ka dhacday, sida uu sheegay Afhayeenka Guddidaas Siciid Cali Muuse oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay goor-dhaweyd ku qabteen Xafiiskooda guud ee Magaalada Hargeysa.

Guddida, ayaa sheegay in dhamaan sanaaduuqda codbixintu ku soo xeroodeen xafiisyada 21 degmo Doorasho ee dalka, halkaana lagu tirin doono, kaddibna loo soo gudbin doono Xarumaha gobolada.

Cabdiqaadir Iimaan Warsame Afhayeenka Guddida Doorashooyinka, ayaa ku celiyey inay gabi ahaanba howshu ugu socoto si fiican, wax caqabad ahina ilaa iyo ahdda aanu jirin.

Guddidu waxay ka digtay in la sameeyo natiijooyin male awaal iyo been abuur ah oo lagu khalkhal gelinayo Bulshada iyo hufnaanta doorashada.

 

Leave a Reply