Guriga Wasiirka Madaxtooyada oo Gubtay

Dab ayaa ka kacay guriga uu Magaalada Hargeysa ka degen yahay Wasiirka Wasaarada madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, gelinkii hore ee Isniinta maanta.

Dabka oo aan wax khasaare nafeed ah geysan, ayaa gubay qayb kamid ah guriga, sida  Ku sheegay Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye guuto Axmed Sawaaxili, oo Warbaahinta la  hadlay markii la  bakhtiiyey.

Halkanka ka Daawo:

Ma jiro wax war ah oo ka Soo baxay wasiirka iyo Qoyskiisa iyo faahfaahin Ku saabsan sababta dhalisay dabkaas.

Leave a Reply