Hargeysa: Maxkamad xukun ku riday Budhcad lacag ka dhacay Nin Ajaanib ah

Kazawa Saichi, waa sawir qaade u dhashay dalka Japan, wuxuu booqasho Somaliland 24 December, isagoo Visa Sharci ah Ku soo galay dalka.

Kazawa Saichi, waa Sawir Qaade u dhashay dalka Japan oo Hargeysa yimi dhawaan..ARDAATV

Sida laga soo xigtay xukun ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodijeex  kaasoo soo baxay sagaalkii bishan January, koox dhalinyaro ah ayaa dhac  ugu geystay Degmada Ibraahim Kood-buur Ninkaas, kaddib markii isagoo lugaynaya meel wado ah ay ka codsadeen inuu Sawir ka qaado.

Waxa la sheegay in isagoo kamaro ku sawiraya qaar kamid ah dhalinyarada Budhcad ah uu mid kamid ahi Dhabarka kaga yimi oo uu ka dhuftay Shandad uu dhabarka ku sitay, taasoo ay kala baxeen  lacag Qadarkeeda lagu sheegay 5000$, Mishiin kuwa Macluumaadka lagu kaydsado ah, Lenskii Kamarada iyo Sharcigii dal ku galka.

Haddaba Sheekadan oo dhamaystiran iyo sida wax u dhaceen halkan hoose ka Daawo:

Dhacdadan oo Warbaahinta maxaliga ah  ku soo baxday ayaa noqotay mid nooceedu ugu ku yahay dalka soona jiidatay Indhaha Bulshada.

Leave a Reply