himbirkii Ku Noolaa Beedka Shimbiraha

Markii uu Alle (SWT) uu dunida guudkeeda ku abuuray Nebi Aadan (CS) iyo Xaawa, waxa uu awood u siiyey inay dhalaan ubad mataano ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, sidaas baanu bani’aadamku ku tafiirmay, kuna tarmay.

Haddaba, waxa dhacday in ay is khilaafeen laba wiil oo uu dhalay Aadan, kuwaasoo la odhan jiray Qaabiil iyo Haabiil, waxaanu khilaafkaasi sababay in Qaabiil qudha ka jaro walaalkii Haabiil.

Kadib isagoo afariirsan oo argagax iyo naxdin ka muuqato, oo garan’la maydka walaalkii si uu yidhaahdo, ayuu Alle (SWT) u soo diray shimbirka Tukaha kaasoo dhulka qodanayey, waxay ahayd xikmad iyo aqoon ka maqnayd Qaabiil, sida ku cad,  suuratul maa’idaha aayada 31-aad ee quraanka kariimka ah, waana sababtii keentay inuu qoday dhulka, ka dibna uu ku aaso maydka walaalkii, halkaasoo ah meeshii ugu horreysay ee laga bartay in la aaso maydka dadka bani’aadamka ah.

Dunida aynu ku nool nahay guudkeeda, waxa Alle (SWT) ku abuuray makhluuqaad badan, haddii ay noqon lahayd barriga, biyaha iyo kuwa sammada haadaba.

Haddaba, marka aynu dib u halacsano qaar ka mid ah dhaqannadii Taariikhiga ahaa ee dunida ka jiray qarniyadii aynu soo dhaafnay, waxa caado u ahaan jirtay oo ay rumeysnaayeen in tukuhu yahay dhambaal sidaha geerida iyo inuu hadalkiisu uu ahaa waxyi uu Alle u soo dhiibay, isla markaana uu xidhiidh dhow la leeyahay geerida.

Haddii aynu tusaale u soo qaadano, sababihii dhaliyey caaddeysiga mushriknimadaas ay ahaayeen in aan la’aasin maydka labka, isla-markaana la arki jiray nooc ka mid ah shinbirkaasi oo dul-haadaya maydad badan dushooda, ka dibna quudanaya.

Waxa kale oo ay rumeysnaayeen dadka haysta diinta budhismku in haddii la saaro jidhka qofka dhintay gurada sare macdabta ay ku cibaadaystaan (temples) uu qaadi doono shinbirkaas, ka dibna dib loo soo galin doono nolol cusub.

Waxa tariikhda lagu sheegaa in shinbirkaasi lagu quudiyey dad badan oo u dhintay cudurka daacuunka ee la yidhaahdo (Bubonic plague) kaasoo ka dilaacay wadamada yurubta galbeed qarnigii 13-aad ee la soo dhaafay.

Sidoo kale, dadka ku nool wadanka dalka Greek’guna waxay rumeysnaayeen inuu yahay guhaan, oo haddii uu soo dul fadhiisto guri ama geed u dhow, ka dibna uu ciyo saddex jeer uu ka dhiman jiray qof ka mid ah qoyskaas, laakiinse, haddii aanu ciyin, iskana duulana, aanay la kulmi jirin wax dhiilo ah ama dhibaato ahba qoyskaasi, waxaanay ku odhan jireen shinbirkaasi “Go on your way, and bring me good news.” taasoo macno ahaan noqonaysa “Dariiqaagaa haysoo, war wanaagsan noo sheeg” waxaanay markii danbe ugu magac dareen “Group of crows “ oo ahayd kalmad Greek ah, oo macnaheedu yahay  “kooxdii dillaaga ahayd”.

Dhamaan shimbiruhu waxay leeyihiin xirfado iyo fikrado kala duwan, kuna salaysan hadba kala duwanaanshaha xaaladdaha ku gadaaman ee jira, sidoo kalena ay jiraan kala duwanaansho dhinaca kartida, maskaxda iyo qaab-dhismeeka ay maskaxdu u sameysan tahay, haddana inkastoo aan la aqoon sida ay u eegyihiin maskaxaha shimbiraha naasleyda iyo shimbiraha kaleba, balse waxa ay qorayaashu ku doodaan aragtida ah awoodaha xaaladdaha qaar ay u isticmaalaan kaydsiga cuntada, damqashada iyo  awoodaha fikradaha macquulka ah ee isku-garashada muraayada.

Xirfadaha garasho ee shimbiraha naasleydu waxa ay qayb ka tahay maskaxaha loo yaqaano neocortex, shinbiraha aan lahayn qaab-dhismeedkaasi, laakiinse leh maskaxda maareynta hawlaha adag la yidhaa “ Pallium.

Haddaba nooc ka mid ah tukaha oo ay isku qoys yihiin waxa uu qadhaabtaa

kalluunka, khudaarta, midhaha geedaha, maska, caarada, beedka, cufka shimbiraha, cayayaanada, khashinka, raqda xayawaanka iyo wax kasta oo uu heli karo, kaasoo lagu qiyaaso inuu maalin kasta u doonta qadhaabkaasi masaafad u jirta illaa iyo 40 mayl.

Waxa hab-dhaqanka iyo dabeecada uu leeyahay lagu tilmaamaa mid dagaal badan, oo leh caqli badan, kaasoo mararka qaarkoodna leh muran iyo ciyaar badan, lagamana yaabo inuu si fudud uu u illaawo codka uu maqlo, waxaanu leeyahay dhawaaqa laxamka jiibta ciyaaraha ee la yaabka badan ee ay ka mid ka yihiin qaybaha kala duwan ee ay leeyihiin luqadaha aadamuhu.

Noocan ka mid ah bahda shimbiraha ee la isku yidhaahdo Tukaha, waxa uu dhalaa kiisa dhadig afar illaa iyo shan beed sannadkiiba, beedkaas oo ku dilaaca muddo 18-maalmood ah, ka dibna, waxa ay quudisaa muddo 4- todobaad ah, waxaana lagu qiyaasaa inuu gaadho cimrigiisu in ka badan 16-sanno

Haddaba noocan oo ka mid ah qoysaska tukaha kaasoo loo yaqaano Jay ayaa ah mid ku nool beedka shinbiraha, isla-markaana ah mid xasarad badan oo baabiiya cufka hoyga shinbiruhu ay sameystaan, ka dibna tukayaasha kale waxa ay saaraan maxkamad cadaalad ah, taasoo lagu xukumo darajooyin kala duwan, kama danbeystana way dilaan.

Dulucda qormadeydan haddaan hoos ugu soo daadego, ma lihi cidbaa innaga noqotay shimbirkii Jay ee ku nool beedka shimbiraha,  laakiinse waxaan odhan lahaa in dhug loo yeesho masuuliyiinta ku nool beedka shimbiraha.

Maxamed Faarax Qoti

Leave a Reply