Jaamacadda Camuud oo ka Jawaabtay Eedeymo uga yimi Wasiirka Waxbarashada

Muxuu Wasiirku ku eeddeeyey Jaamacada Camuud, maxayse kaga jawaabeen Maamulku…?Hoos ka Daawo

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Camuud, ahna Madaxa xidhiidhka Bulshada Prof. Diiriye

Boorama(GNA)-Madaxa Waaxda Arrimaha Bulshada iyo xidhiidhka Arday Jaamacada Camuud Prof. Diiriye, ayaa jawaab ka bixiyey Eeedeymo musuqmaasuq oo uu u jeediyey Wasiirka Wasaarada Waxbarashadu todobaadkan.

Eedeynta ayaa la xidhiidhay qaabka loo xulay Ardayda la shaqaynaysa Guddida Doorashooyinka ee ka qayb-qaadanaya Ololaha bixinta Kaadhka codbixinta oo ka socda Gobolka Awdal.

Masuulka u hadlay Jaamacada Camuud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Eedeynta Wasiir Habane u jeediyey Jaamacada.

Halkan ka Daawo War Muuqaal ah oo ay Jaamacaddu soo saartay:

Wasiir  Cabdilaahi Ibraahim Habane, ayaa ku eeddeeyey Ardayda Jaamacadaha ee la shaqaynaya Komishanka Doorashooyinka dhexdhexaadnimo la’aan iyo inay cid gaar ah ama xisbi gaar ah la shaqaynayaan.

Halkan ka Daawo:

Jaamacadda Camuud ayaa ah mida ugu weyn Gobolka Awdal, iyadoo guud ahaan kamida hormuudka Jaamacadaha waddanka.

 

Leave a Reply