Published On: Mon, Sep 16th, 2013

Jowhar: Boqolaal qoys oo ku baro kacay Fatahaada Webiga Shabeele oo ku sii fidaya Laamiga Muqdisho iyo kuwo kale oo halis ku sugan

Jowhar(GNA)-Boqolaal qoys oo ku noolaa Deegaamo ka tirsan Degmada Jowhar oo uu maro jidka isku xidha Muqdisho iyo Jowhar, ayaa Guryahoodii ka baro-kacay tan iyo bishii August, kumanaan kalena waxay qarka u saaranyihiin inay qaxaan,ka dib markii uu ku fatahay Wabiga Shabeele deegaamadii ay ku noolaayeen.

Fatahaada Biyaha Webiga ayaa soo gaadhay waddada laamiga ah ee isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho, waxaana loo furay biyahaasi si ay waddada uga gudbaan buundooyin, taasoo sababtay inay fooda saaraan deegaamo kale oo badqabay. 

Inka badan labo boqol oo qoys oo ku noolaa tuulada Garaash ayaa maanta ka barakacay halkaasi, kadib markii ay saaka soo galeen daadadka ka dhashay fatahaadu, kuwaasoo u kala yaacay  deegaanka Kongo iyo magaalada Jowhar. 

In ka badan labaatan tuulo ayaa dadkii ku noolaa ay ka baro-kaceen fatahaada wabiga Shabelle kadib markii 14kii bishii August ay biyuhu ka soo fataheen deegaanka Baarey, sida ay ku warantay mareegta Jowhar.com, waxaana socda dedaalo la doonayo in lagu xidho meesha biyuhu ka soo fataheen.

Todobaadkii hore ayaa daadadku halis geliyeen magaalada Jowhar waxaana dadaal badan oo ay sameeyeen maamulka degmada Jowhar, ganacstada, dhalinyarada, gaadiidleyda iyo inta badan shacabka magaalada waxa ay ku guuleysteen inay u weeciyaan daadadka deegaano kale oo ay hore u mari jireen. 

ma jiraan ilaa hada wax khasaare nololeed ah Daadadku geysteen oo la soo sheegay, hase ahaatee waxa sii kordhaya cabsida laga qabo inay saameeyaan Deegaamo badan oo ku yaala Gobolka.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com  

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>