Ma Kalsooni Darraa Mise Waa Cabsi Sababta Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Somaliland Guri-Barwaaqo u Telefanka Uga Jawaabi Waayo?

Maalin kasta dagaal ayaa ka dhaca xafiiska wasiirka warfaafinta Somaliland Mr Guri-barwaaqo,sababtuna waxa weeyi wasiirku umadda kama qabto telefankiisa gacanta sidoo kale xoghayntiisa wuxuu amar ku siiyey in aysan cidi u soo geli Karin,sidaa awgeed dadka caadiga ah iyo shaqaalihii waxay maalin kasta is haystaan xoghaynta wasiirka Guri-barwaaqo.

Hadaba su’aashu waxay tahay maxaa sabab u ah in Wasiirka Cusub ee warfaafinta Somaliland Guri-barwaaqo telefankiisa gacanta dadka uga qaban waayo?

Dadka arimaha maamulka iyo siyaasadda ka faalooda aaya waxay ku macneeyeen sababtu inay tahay  cabsi iyo kalsooni daro wasiirka ka haysata u jawaabista dadka caadigaa ah iyo suxufiyiinta ,sidaasi awgeed mudane Wasiir umaddu rajo weyn ayey ka qabtaa ee telefanka ka qabo oo umadda qanci.

Umadda Somaliland waxay rajo weyn ka qabta balan qaadkii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland umadda u sheegay xiligii ololaha sidaasi darted mudane wasiir si hubsiimo leh oo foojignaan badani ka muuqato u fuli mudane wasiir wixii dhaliilo jirana sax oo wasaaraddaada hagaaji oo dhalinyaradda waxbaratay ka shaqeysii oo xilalka wasaaradda u dhiib.

Qalinkii: Maxamed Ibrahim

Email:maxamedibrahim5@gmail.com

 

Leave a Reply