Maansada: Tallo San

Waa tix yaroo talo iyo hoga tusaaleynaysa madaxweyñaha cusub waxaaney tilmaameysaa waxay bulshadu ka rajeyneyso waxanan ku bilaabey sidan,

Tixdan maansadeen
Muusaw tirinayaa
Waa iga talliyo
Tusaalaha Qaran
Taama lagu helo.

Waana tii ay
Tageero mugliyo
Shacab tiro lihi
Kugu tuhmayeen.

Inaad tay halyey
Tahli karayoo
U tun ridankara
Waxay tabayeen.

Dawlad tamarloo
Madax tayo liyo
Dhalin tacliinliyo
Tiro haween ahi
Ay ka taliyaan
Muusaw noo tusmee.

Talaabada hore
Wasiiro tunloo
Qorshahaaga taxan
Taaba galiyoo
Taariikhdu qortoo
Dhaxal nooga taga
Muusaw noo tusmee.

Waxaan tabayniyo
Hormarka togan
Kuwo na tusoo
Taam nooga dhigiyo
Tusan Muusaw.

Shacbi ku taboo
Samir taagsadoo
Sixir barar turqoo
Musuq tamar tiraa
Talo kaa Rabee
U tusmee wanaag.

Waxma taransade
Qaran uma tudhe
Tabaha musuqa
Tubta loo maro
Taabkeeda yaqaan
Tàash ha saarine
Muusaw naga tuur.

Tartankii la galay
Tariikh buu furoo
Dunidaan tusney
Inaan nahay tisqaad
Qaran taabo galoo
Gaar u taaganoo
La takoorayoo
Ictiraafka taba.

Wada tashi iyo
Is tix galin baa
Qaran tiigsile
Na tusaayee
Turxaanta dhamee.

Kuwi tanaasule
Nabada u tudhey
Turxaan saaroo
Waxay tabayaan
Talo ku dhamee.

Erayada:- Mohamed jamàç Hashi
( Abwaan Boodhari).

Leave a Reply