Maanso cusub: Duco Qaadan Waydaye Dantaadu Habaar Miyaa..?

Maanso Jawaab u Ah Tixdii Xildhbaan Rayte‏

Maansadan Kaftanka siyaasadeeda waxaa curiyay Sacad Cali Kaahin
Raamalay ( Balaaki )
Waxaanu ugu jawaabayaa tixdii uu tiriyay Xildhibaan Ibraahin Rayte ee
halkudhigeedu ahaa anigoo wax dili kara duco qaadan maayee halay
doorto-baan idhi
bal hadaba waatan jawaabtii ee lasocosho wacan
 
Adigoo Durbaan Madhan
Digta Reenka Faaruqa
Dawankiisa Tumi Kara
Hanjebaad Daldali kara
Daasad Shaanni Ruxi Kara
Dumarkiyo Caruurtiyo
Ninka Jilicsan Didin Kara
Wadaadada Kudari Kara]
 
Duco Qaadan Waydaye
Dantaa Miyuu Habaar Yahay ?
 
Adigoon Wax Dili Karin
Waxana Daaya Odhan Karin
Sabeen Daylan Kolaytahay
Deerro Aan Birayn Karin
Dadna Aan Kudhici Karin]
 
Duco Qaadan Waydaye
Dantaa Miyuu Habaar Yahay ?
 
Adigoo Dakanno Daran
Dabinkeeda Xidhi Kara
Faji Daahan Dhigi Kara
Doobirtaada Magan Gala]
 
Duco Qaadan Waydaye
Dantaa Miyuu Habaar Yahay ?
 
Ragii Soo Dagaalamay
Adoon Derejo Dheerayn
Burco Duuray Xaadirin
Buuraha Dushoodiyo
Mandheera-na Ka Daahirin]
 
Duco Qaadan Waydaye
Dantaa Miyuu Habaar Yahay?
 
Adigoon Col Diri Karin
Duulaanna Hidin Karin
Cidna Aan Duqayn Karin]
 
Duco Qaadan Waydaye
Dantaa Miyuu Habaar Yahay?
 
Adigoon Dabayl Iyo Duufaan
Siyaasiya Doc-na Aan Ka Kicin karin
Dawga Halisi Mari Kari
Diblamaansi  Wayn Iyo Dimuqraadi
Noqon Karin]
 
Duco Qaadan Waydaye
Dantaa Miyuu Habaar Yahay?
 
Adoon Dacar Qadhaadh iyo
Deebaaqda Mili Karin
Dabka Maalin Furi Karin
Dumin Karin Wuxuu Jira]
 
Duco Qaadan Waydaye
Dantaa Miyuu Habaar Yahay?
 
Dulucdeedu Waxay Tahay
Codku Dawersi Weeyee
Dalka Markii Lasoo Galay
Dirirtii Sukeeyaha
Adigoo Dabuub Adag
Dibnahaaga Laga Qoray
Imikana Kudaray Dood
Haamihiina Duudsiyay
Halay Doorta-baan Idhi
Daw Manoogu Leedahay?
 
Adeer Waad Degdegaysaa
Dib Fiirso Xaajaw
Ha Darjiidhin ee Joog
Digtoonaw Sagaal Jeer
Debcidana Anays Kale]
 
Awr Dabarka Soojaray
Adoon Dooh Ku Odhan Karin
Darka Waxarro Gayn Karin]
 
Duco Qaadan Waydaye
Dantaa Miyuu Habaar Yahay?
 
Lasoco Q-dambe
By Sacad Cali Kaahin ( Balaaki )

Leave a Reply