Maanso: Hirdan

Cabdisalaan Sheikh Cumar

Waa Maanso la magac baxday hirdan oo soo baxday 22/05/2017, waxaanay ka hadlaysaa marxalada loolanka siyaasi ee manta taagan iyo shacabka maanta habqanka ku idlaaday huwana waxaan hiil u ahayn oo ay ka mid tahay in ay qabyaalad iyo nin jeclaysi dantooda seejinaayo kana leexdeen dawgii ku haboonaa ee ay horumar ku hiigsan lahaayeen hadaba waxa uu gabaygani si gaar ah u taabanayaa siyaasiga manta doorkuu leeyahay iyo shacabka garan la wixii dantooda ah.

Waxaanay ku bilaabantay sidan:

Heedhe hada heedhe

Hubaa jira aan dhaxanta

Hiil kaaga noqon Karin

Hubso oo u fiirso

Hamuum waxaad u qabto

Halgan inaad u gashoo

Ha Hilmaamin waligaa

Haybaynteeda iyo haybteeda

Isir raac u yeelatoo

Ka ilaaliso habqanka

Hurgufto oo aad haadiso

Xanaf halkii huwanee

Hibanaysa siday doonto

Hal aad hal u gayso

Misana aad wadarteed hubin

Hirdheer bay ku tustaa

Hirashadiisu habqan tahay

Halawsan oo halmoog ah

Hiyi raaca iyo u laabkaca

Meel huluuqdeedu badan tahay

Haybinaysoo u hirdamaysa

Hagis meel u baahana

Hafarta oo ilawda

Laba aan isku haad ahayn

Inaad is barbardhigtoo

U hawl gasho kala doorashadeed

Waa han yari ee ogsoonow

Nin hirdamaayow is hubi

Halkaad loolan ugu jirto

Horteeda bal u fiirso

Hayntaadana dib u eeg

Inaad hiigsanayso heer

Hirashadeedu hagsan tahay

Ana doorkan manta ah

Hiil baan kuu ahoo

Sidaa doonto yeel kaa diid

Yeeli waa si aad door mooday

Dayran oo oodan

Daw aad u martaa jirin

Iska soo horjeedso adigu

Isna diidsii wax dan kuu ah

Helisteeda aad doorbidayso

Haybinayso oo aad haldoor

Inaad ka ahaato u hanwaytahay

Hamuumna aad u qabto

Halyey inaad ka ahaato

Heerkan manta joogee

Heeganka loo wada yahay

Haraad iyo gaajana

loo maray oo lagu idlaaday

Halbeegaa la ataystay

Mar uun in la hantiyi doono

Hagarlaawana ugu digaysid

Halka qaloocda hagaajinteed

Hormood inuu ka ahaado

Ha iska hor iman adiguye

Damacaag midee

Dookhaaga meel mari

Dayr adagna u same

Oo aan marnaba si dhib yar

Danaystuhu u tiigsan Karin

Halkaa dooratay ee aad haybinayso

Ruux ku daneeyey doonistiina

Tahay danwadaag inaa yelataan

Ha dayrin dookhii

Hana dafirin magacii

Hana duudsiin doorkii

Hibashadaada ruux hagrada

Hiifa oo is diidsiiya

Hiil iyo garabna aad ka eegayso

Horjoogana ka ahaado

han halkaa u leedahay

ha ka eegin hana u xaglin xagiis

hiigso inaa tidhaahdo.

Waxa curiyey: Abdisalaan Sh. Omar Ahmed

Leave a Reply