Madaxweyne Muuse oo Tacsi diray

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Muxumed Xasan Maxamuud oo ku geeriyooday shalay oo ay taariikhdu ahayd 23/12/2017, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ganacsade ah oo ka baxay qaranka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, iyo dib u dhiskii dalka, Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 

Aamiin Aamiin Aamiin. 

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply