Monday , 26 June 2017
Breaking News

Madaxweyne Siilaanyo oo Isku-shaandheyn kale sameeyey

Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay La-taliyihiisa Arrimaha Gaashaan-dhiga….

Madaxweyne Siilaanyo iyo xuska 18 May 2010-2017

Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland ayaa isku-shaandheyn ku sameeyey Agaasimeyaal Guud, sidoo kalena waxa uu magacaabay La-taliye dhinaca Gaashaan-dhiga ah.

Warsaxaafaddeed ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada goor dambe oo caawa ah, ayaa waxa lagu sheegay in Madaxweynuhu isku bedelay ilaa saddex Agaasime Guud oo uu ka bedelay Wasaaraddihii ay hore u joogeen, waxaana kamida Agaasimeyaasha laysku bedelay Agaasimihii hore ee Wasaarada Qorsheynta Xasan Cumar Hoori oo loo bedelay Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu hogaankii hore ee Howl-gelinta Ciidanka Qaranka u magacaabay La-taliyihiisa gaarka ah ee Arrimaha Gaashaan-dhiga.

Warsaxaafaddeedka oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4891/062017 uu ku magacaabay la-taliye madaxweyne, isagoo isku bedelna ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha dalka.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo magacaabidda jagada La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Dabagale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga (Bedel hore hoggaanka hawlgelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland). 

Isku bedelka Agaasimeyaasha Guud Madaxweynuhu:

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Waxbarashada & Tacliinta Sare, Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta iyo Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

 

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan;

 

Wuxuu go’aansaday

 

  1. In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Warfaafinta iyo wacyigelinta).

 

  1. In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare).

 

  1. In Mudane, Hassan Cumar Hoorri, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta).

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cigse(Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL,

Leave a Reply

Scroll To Top
Descargar musica