Maxaa iska Badalay Nidaamkii Cod bixinta S/land?

 

Koomishanka Doorashooyinka S/land oo Nidaamka Cod bixinta ku Sameeyay Musuq-Maasuq +Ku Shubasho laga Cabsi Qabo inay Dhacdo Xiliga Doorashad

Hargaysa(GNA);Doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Maalmaha Koobani inooga Xigaan kuna Beegan 13/11/2017, oo Maalinta Isniinta ee Todobaadka Dambe Guud ahaan Ka Dhicidoonta Gobalada Iyo Deegaanada Somaliland.

Doorashadan ayaa Diyaar Garawgeedu soo maray Mudo Dheer oo Sannado ah iyadoo Habsami u socodka Diyaar Garawga loo Soo maray ay ahayd islamarkaana ay ugu Weyneed ay ahayd Nidaamka Doorashada Madaxtooyada Lagu Galaayo Nidaamka Diwaan Galinta Codbixiyeyaasha Doorashada Madaxtooyada oo ahayd Caqabadahii Ugu Mudnaa ee Sababay In Doorashooyinka Somaliland oo ay ugu Horeyso Ta Madaxtooyada Somaliland ay Dib uga Dhacaan Xiligoodii ayaa isagu Soo maray Mar xqalado kala Duwan oo Badan iyadoo Gaba gabadii lagu guuaystay In laga Gaadho Nidaamkii la Doonaayay ee ahaa in la helo Nidaam Doorasho oo ka Madhan Guud ahaanba Qaybaha Musuqmaasuqa.

Qaabka Diwaan Galinta ee Xukuumada iyo Koomishanka Doorashooyinku Soo bandhigeen ayaa ahaa mid ku Cusub Saaxada Doorashooyinka Qaranak Somaliland islamarkaana ah Nidaam Ka Hortagaaya Talaabo kastoo la xidhiidha Musuq maasuqa.

sidoo kale Nidaamka Koomishanku Soo Bandhigeen ee la islaqaatay ayaa ahaa Nidaam Ku Cusub Qaabka Loo Galaayo Doorashooyinka kaas oo ahaa Hab Casriya oo Loo Adeegsanaayo Aalada Casrigaa ee Computerizedka ah Nidaamkan ayaa la sheegay inuu yahay Markii ugu Horeysa ee laga Isticmaalo Adoonka iyadoo dhinaca kale la sheegay in Somaliland Tahay Waddankii ugu Horeeyay ee laga Hir galiyo Nidaamkan.

Diwaan Galinta ayaa ahayd mid Dadka Isdiwaan Galiyay laga Qaaday sawir Indhah ah (Eyes priting) iyadoo Qofkastoo isdiwaan galiyay laga Qaaday Sawir isha ah Qaabkaas oo ah mid loogu talo Galay inay ku dhacdo Doorasha Xor oo Xalaala,markii uu soo dhamaaday ee lagu Guulaystay Nidaamkaasi Doorashada ayaa waxay Koomishanka Iyo Xisbiyada Qaranku Shaaciyeen in Doorashada Madaxtooyada iyo Doorashooyinka Kale ee Golayaasha lagu Galaayo islamarkaana Goob kasta oo ka mida Goobaha Codbixinta Doorashada la dhigaayo Computer uu ku jiro Dhatada Codbixiyeyaashu islamarkaana laga Guuray Nidaamkii Hore ee Ahaa waraaqaha (Theory System) iyadoo loo Guuray Nidaamka Elegtarooniga ah(Electronic System).

balse Dhinaca kale Waxa Hada Soo ifbaxday in Koomiishanka Doorashooyinku ay Wax ka badaleen iyagoo Guud ahaanba ka Guuray Nidaamkii Mudad badan Hir galintiisu ka Socotay Hawsha qaranka islamarkaana lagu bixiyay Lacago dhan Hal Bilyan oo Doolar ah (1 Billion Dolar) Barnaamij Iclaamina oo Gudida Koomishanku ku Baahiyeen Qalabka Warbaahinta Somaliland iyo kuwa Caalamiga ah ee ka Hawl gala Gudaha S/land kaas oo Buslhada Lagu Baraayo Nidaamka Codeynta Doorashada Madaxtooyada Somaliland islamarkaana Codbixiyeyaasha loogu soo bandhigaayo Nidaamka Iyo Qaabka ay marayaan ayaa shaaca ka Qaaday in Guud ahaanba Doorashada aan lagu galayn Qaabkii Hore lagu sheegay in lagu Galaayo Doorashada.

Qaabka cusub ee Koomishanka Doorashooyinku ku sheegeen in lagu Galaayo Doorashada Madaxtooyada ee Todobaadka Dambe Dalka ka dhacaysa ayaa ah Nidaam aan waxba kaga Duwanayn Qaababkii Hore ee lagu Galay Doorashooyinka iyadoo sidoo kale ay Suura Galtahay in uu dhaco Musuq maasuqii laga cararaaya iyadoo bulshadu ay ka Walaacsan yahiin inuu Dhaco Musuq maasuq iyo wax isdaba marin soo Food Saara Natiijada Doorashada Madaxtooyada .

dhinaca kale Koomishanka Doorashooyinka Ayaa iyagu u muuqda kuwo ku fashilmay inay hir galiyaan Nidaamkii Qaranku ku bixiyay Dhaqaalaha Badan islamarkaana ku kacay inay u badalaan Nidaamkii bulshada loogu sheegay markii Hore in Doorashadu ku dhacayso Xubnaha Gudida Koomishanka Doorashooyinka ayaa iyagu aan Bulshada reer Somaliland wali fahansiin sababta keentay in la badalo Nidaamkii Hore loo sheegay in doorashada lagu galaayo arintan ayaa Noqonaysa talaabo lagu macnayn karo musuq maasuq Gudida Doorashadu ku sameeyeen Nidaamkii Hore ee la wada Saxeexday.

sikastaba ahaatee Xubnaha koomishanka ayaa ilaa hada aan ka hadal Sababta Keentay In wax laga Badalo Nidaamka Codbixiyeyaasha Doorashada Madaxtooyada Sannakan 2017ka

kala Soco gobanimonews wixii Xogee ka soo korodha Waxa iska badalay Nidaamka codbixiyeyaasha Doorashada Madaxtooyada

Mustafe Axmed Herer

Gobanimonews.com

email:Herersax@gmail.com

facebook:Garaad Mustafe Axmed Herer

Leave a Reply