Maxaa ka Dhaxayn kara Natiijadii Doorashada Wakiilada iyo ta Doorashada Madaxtooyada ee Socota S/land?

Iyada oo ay Fooda inagu soo hayso Doorashadii Madaxtooyuada Somaliland, oo ay ka hadhsantahay Mudo ka Yar Sadex (3) Bilood ayaa waxa dhawaan Xilkii Gudoomiyenimo ee Golaha wakiilada Somaliland,iska casilay Gudoomiyahii Golahaasi Maamulaayay  Tan iyo Markii la Doortay Golahaasi wakiilada Somaliland, oo uu hayay Xilkaasi Mudo 12 Sanno  Iyo 10 Bilood ah.

Hadaba iscasilaadaasi Gudoomiye Cirro ka dib waxa Golaha wakiilada Somaliland, ka Dhex Bilaamay Loolan iyo Olole Siyaasadeed oo ka dhexeeya Xildhibano Hunguri ka galay Kursiga 3Aad ee Awooda Qaranka Somaliland oo ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Amma Waaxda Sharci Dejinta Somaliland.

Loolanka Iyo isgarabsiga Ka Dhex Jiray Xildhibaanada Aqalka Wakiilada Somaliland, ee ku Aadanaa Hanashada Kursiga Gudoomiyaha ka Sakaw waxa si weyn ugu Dhex Jiray gacmo iyo Faragalin Siyaasadeed oo ay wadeen Xisbiyada Siyaasada Somaliland, Khaasatan Labada Xisbi ee kala Ah Xisbi Xaakimka Talada Dalka Haya ee Kulmiye iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani kuwaas oo mid walba uu isku dayaye inuu ku Guulaysto Hogaaminta Aqalka Wakiilada Somaliland,iyada oo labada Xisbiba ay galeen Kaabayn Xoogan oo ay adeegsanaayeen  Mudanayaashii Tartamaayay iyo Xildhibanada Xulufaysigu ka Dhexeeyay.

Loolan iyo Kaabmayn Dheer oo Mudo Wiiga Soconaayay ka dib Mudanayaasha Aqalka Wakiilada Ayaa saaka Abaaro 9:30 Subaxnimo waxay Hoolka Shirarka Ee Golahaasi ku soo xarooday iyaga oo uu ka muuqday Sheegashooyin Iyo Laab Garaac Badan oo ay Qola walba ku Baanayeen inay iyagu Guusha wataan iyaga oo kala Watay Laba Xildhibaan oo ka wada Tirsan Deegaanada Gobalada Bariga Somaliland, Balse ka soo kala Jeeda Xisbiyada uu loolanka Xoogani ka dhexeeyo ee Waddani oo uu Gadhwadeen ka yahay Gudoomiyahii Xilka Golaha Wakiilada ka Degay Mudane. C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) iyo Xisbiga Hada Kursiga Dalka ugu Sareeya Hogaaminaaya ee Kulmiye oo uu Hogaaminaayo Muj:muuse Biixi Cabdi.

Markii uu fadhiga oo uu Shirgudoominaayay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka wakiilada Dr:Cali Yuusuf oo halkaasi ka shaaciyay Murashaxiinta ku loolamaaya tiradooda, intaasi ka dib waxa Xildhibaanada Khudbada un jeediyay Labadii murashaxa iyagoo mid walba Halkaasi uu ka Jeediyay Khudbad uu ku sheegaayay wuxuu Qabandoono iyo Qorshahiisa Siyaasadeed ee uu ku Hagoomindoono Golaha wakiilada,Fadhiga oo ay fadhiyeen Xildhibaano Tiradoodu ahayd 78 Mudane ayaa ahaa mid Degan balse Si weyn looga Dareemaayay Kaambayn  Ama Xamaasada Siyaasadeed oo ay Wadeen Xisbiyada Kulmiye iyo waddani kuwaas oo wakiilo ka socday ay ku sugnaayeen Hoolka Doorashadu ka dhacaysa iyo Xarunta Golaha wakiilada.

Ka Dib markii ay Murashaxiintii ay Dhamaysteen Khudbadoodii Iyo Barnaamijkoodii Siyaasadeed waxa la guda galay oo si Toosa loo Guda galay Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.

Natiijadadii Doorashada iyo murashaxa Helay Xisbiguu ka soo Jeeday:Markii la Qaaday Codkii waxa ku Guulaystay inuu Noqdo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cirro ka dib Gudoomiye ku xigeenkii 1Aad,Mudane:Baashe Maxamed Faarax oo ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye kaas oo kaga helay Murashaxii la Tartamaayay Hal (Hal Dheeri) isagoo Helay islamarkaana ay u codeeyeen 39 Xildhibaan oo ka mid ahaa 78 Mudane ee ku sugnaa Hoolka Doorashada.

Murshaxa laga Guulaystya iyo Xisbiguu ka Tirsanyahay: Gudoomiyaha Cusub ee Golahu Doorteen waxa uu tartan Xoogan oo dhinacyo Badan ka Xaasaasiya uu la galay oo ay fooda isku dareen Xildhibaan C/raxmaan Talyaanle oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani horana ugu soo Tirsanaa Xisbiga uu maanta la Loolamaayay ee Kulmiye.

Natiijada iyo Aragtiyaha laga Dhiibtay:Sida aynu Horaba Warbixinteena ku Xusnay waxa Doorashada Gudoomiyaha Wakiilada Ku Guulaystay Baashe Maxamed Faarax oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyada oo Loolanka Xisbiga Kulmiyena ahaa inuu Kursigaasi uu Hanto islamarkaana Doorashadan soo Galo Gacanta Xisbiga Kulmiye oo aanu mar dambe ku Noqon Xisbiga Waddani Gacantiisa, Iyada oo Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadiisuba ay u arkaayeen in Hadii Gudoomiyaha C/raxmaan Cirro Badalaa uu noqdo Xildhibaan Taabacsan Siyaasada Xisbiga ay Sida weyn isku Hayaan ee waddani, ay tahay Guul daro Weyn oo Soo Waajahday Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisaba.

Dhinaca Kale Hogaanka Xisbiga Waddani ayaa isna Qabay oo Rumaysanaa Aragtidaasi iyagoo Qabay in Hadii ay Ku Guul daraystaan oo ay Waayaan Hogaaminta Shir Gudoonka Golaha Wakiilada ay soo Food saartay Dhabar Jab iyo Guuldaro Siyaasadeed.

Hadaba marka la sku wada Daro Dareenada iyo Aragtiyaha Xisbiyada iyo Xulufadooda ee ku aadaneyd Doorashada Gudoomiyaha wakiilada waxa sidaasi oo kale Aaminsan Taageerayaasha Xisbiyada Iyo Qaybo ka mida Shacabka Somaliland, intooda Falaqeysa Arimaha Siyaasada Somaliland iyaga oo Doorashadii iyo Natiijadii ka soo baxday ku kala Fikrado duwanaa iyada oo Qaarna ay wadaan Dabaal degyo ay ku soo dhaweenayaan Doorashadaasi kuwaas oo u arka in ay tahay Tusaale muujinaysa Saadaashada iyo Natiijada laga filanaayo Doorashada Soo Socota Ee Madaxtooyada.

Guud ahaan Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadiisa iyo waliba Taageerayaasha Taabacsan Siyaasada Kulmiye ayaa u arka inay Guusha kulmiye ka Gaadhay Shirgudoonka Golaah Wakiilada ay la micno tahay Kulmiye oo ku Guulaystay Doorashada madaxtooyada Mar labaad iyadoo Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisuba ay Yaqiinsan yahiin in Guusha Ay ka Gadheen ay tahay Iyagoo iska Horqaaday Gidaar iyo Darbi Weyn oo Horyaalay islamarkaana Carqalada ku ahaa Hanaan Socodka Tubta uu Kulmiye rabo inuu mar kale ku Hanto Hogaanka Talada Hogaamineed ee Qaranka Somaliland.

Geesta kale Xisbiga Maanta lagag Guulaystay Gudoomiyahay Golaha wakiilada Somaliland oo ah Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Hogaankiisa iyo Falaqeeyeyaasha Siyaasadu waxay Aaminsanyahiin inay Fooda Dareen Guul daro Siyaasadeed oo sababi karta inay kala kulmaan Doorashada Madaxtooyada ee dalku isku diyaarinaayo qabsoomideeda, inkastooy Wali rajo kaga jirto inay ku Guulaystaan Kursiga Gudoomiye ku Xigeenka oo isna hada Iscidhiidhsigiisu ka Dhex Socdo Golaha wakiilada oo Todobaadka Dambe loo Balansanyahay Doorashadiisa.

isku soo wada Duuboo waxa Jira Farqi Xoog leh oo siyaasadeed oo ka dhexeeya natiijadii   ka soo Baxday Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland,iyo Natiijada la filaayo inay ka soo baxdo Doorashada Somaliland Food ku soo haysa ee Madaxtooayda,iyada oo Isku Eekaashahaasi uu yahay mid tusaale u ah Dhibcaha ay ku kala Helayaan labda Xisbi ee maanta Doorashadan ku tartamay ee Waddani Iyo Kulmiye oo garabsanaaya Xukuuamada Talada Haysa Hada.

marka la eego Tirada codka lagu kala baxay  Golaha Wakiilada iyo Saadaasha laga Filaayo Natiijada Doorashada Madaxtooyada waa kuwo Meelo badan iska Shabaha waxaana melahaasi ka mida Qodobadan Hoos k Xusan

1:Doorashadii Golaha waxa lagu kala Guulaysta Cod aad u yar oo ahaa Hal Cod Halka Saadaaliyeyaasha Siyaasada Lafaguraana ay leeyahiin Doorashada Madaxtooyadana Codadka iyo Natiijada lagu kala baxayaa waa mid Aad U Hoosaysa

2:Doorashadii Gudoomiyaha waxa ka dhex muuqday isxulufaysi beelaysan oo xildhibaanadii Codka Bixinaayay waxay loo Abaabulay Qaab Salka ku haya Deegaano iyo Beelo wadaaga Siyaasada Arimaheeda.

3:Loolanka Labada Xisbi ee Waddani iyo Kulmiyana wuxuu Diirada Saarayaa Isbahaysi iyo Heshiishyo Deegaano iyo Beelo salka ku haya.

qodobadaasi iyo kuwo kale oo la mida waa kuwa Sameeyay Muuqaal isku Eekaasho Siyaasadeed oo ka dhexaysa Natiijadii Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxtooayda waxa laga filaayo.

Faalo:Qore:Suxufi Mustafe Axmed Maxamuud(Herer)

Email:Herersax@gmail.com

Facebook:garaad mustafe Axmed Herer

Tell:0634061560

somtel:0659112810

Leave a Reply