Maxamuud Xaashi: Ganacsadaha Qarsoon ee ka Wakiilka ah FLY DUBAI

Xogta qarsoon ee ku jirta Arinta Warbaahintu ku mashquulsanayd ee gabadhii Fly-Dubai laga soo dejiyey..by: Xamse Siisow..

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi

Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka, waxa wasiir kasoo Noqday maxamud Xaashi Cabdi oo imika ah Wasiirka Madaxtooyada……
Maxamud Xaashi markii loo magacaabay wasiirka wasaarada Duulista Hawada isla markiiba wuxu Sameystay Mashruuca Security-ga oo Dawlada Ingiriisku maalgelisay, waxa mashruuca ku wehelinayey Nin la odhan jiray David oo u dhalashadiisu Ingiriis ahayd….shaqada hirgelinta mashruucaa waxa inta badan gacanta ku hayey ninkaas.
Mudo kadib wuxu kusoo rogay rakaabka Security Charges $10 in qofkaste oo ka dhoofaya madaarka Da’diisuna ka weyntahay 12 jir laga qaado……..wasaarada Maaliyada waaxda Customs ka ayuu uso bandhigay inay u qabtaan lacagtaa lkn wey ka cudur daarteen maadaama marka hore ba ay u qaban jireen $3 oo isna Security charge ahaa…….deetana waxay heshiis la galeen shirkada Nasha oo dhammaan adeegyada Handling ka madaarka qabata…
Sikaste haku dhameeyee adigu Golayaasha Qaranka labada aqal ba wey u pass gareeyeen…….ujeedadii uu kalaha markii ay u hirgashay wuxu la Shirkada Nasha kala wareegay shaqadii isagoo sameystay shirkad uu leeyahay oo la odhan jiray HORN RISK MANAGEMENT… aan kasoo gudbo arinkaas oo aan usoo noqdo ujeedada….Wasiir Maxamud Xaashi Cabdi waxa uu damac ka galay inuu kala wareego shaqada shirkada Nasha oo Marxuum Madaxweyne Mohamed xaaji Ibrahim Egal, sharci usiiyey inay shirkada Nasha oo ah shirkad muwaadiniin reer somaliland ahi leeyihiin ay bixiso adeegyada madaarada Somaliland………Dedaal dheer buu u galay arinkaa Lakin Madaxweynaha Qaranka Dr.Ahmed Mohamed Mohamoud ayaa ka diiday in laga qaado shirkada Nasha maadaama ay Duruufo badan lasoo martay Adeega ay u hayso Qaranka……….
Markii ay u socon weyday taasina wuxu markiiba Xidhiidh la sameeyey Shirkada Fly-Dubai inay Duulimaaadyo ka bilawdo waddanka isagoo ku xumaynaya Mulkiilayaasha shirkadaha Daallo Airlines   iyo NASHA……wey usoortogashay wuxuna ka noqday Wakiil, lakin isagoo bulshada ka qarinaya wuxu ku magacaabay Omer Safeway….
Maamulaha Madaarka Egal Mohamed Yusuf iyo Wasiirka Duulista Farxaan Aadan Haybe labaduba waxay ku hadlayeen Afka Shirkada FLY-DUBAI iyagoo ku metelaya wakiilka ay u shaqeeyaan Ganacsade Maxamud Xaashi Cabdi, dee haddii aanay afka shirkadaa ku hadlayn Ma haboona in qof masuul ahi ka hadlo waxaan shaqadiisa ahayn, goorma wasiirka iyo maamulaha madaarku noqdeen shaqaalaha Check-in Counters  u fadhiya shirkada NASHA ee Seats Allocation iyo adeegyada kale…
Passenger ku waa qofka ay shirkada diyaaradu lacagta ka helayso waa customer……..Handling Charges ka NASHA ka qaadayso diyaarada, Rent Fee ga wasaarada Duulistu ka qaado NASHA, passport Tax ka ay wasaarada maaliyadu ka qaado passenger ka, Landing Fee ga wasaarada maaliyadu ka qaado shirkada diyaarada, Security charges ay qaado Wasaarada Duulistu…..dhammaan Lacagtaasi waxay kasoo gashaa Qofka passenger ka ah waana source of income haddii aan la raaligelin customer xagee Maamule/wasiir/Agaasime Mushaharkaga ka helaysaa….
Wasiir Cali Mareexaan Xaq buu u lahaa in lagu ixtiraamo Mansabka Xilka uu hayo…waxa laga yaaba in gabadha laga shakiyey markii ay Seat/kursiga bedeshay oo Security Issue inay u dajinayeen ayaa  dhici karta in la aamino damaanada wasiirka  ayey ahayd…
waa ayaandaro inaad saxaafada lasoo fadhiisataan hadaladaa Deelqaafka ah..
Waxaan kusoo gunaanudayaa in arinkani salka ku hayo Siyaasad Ganacsi.
وبلله التوفيق
POLITICAL ANALAYST
Sayid-Hamze Suleiman Siizaw

Leave a Reply