Murrashaxa WADDANI oo booqday Xaafada Daami

Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ay weheliyaan xubno kamida Xisbigiisu ayaa booqday Xaafada ay degen yihiin Beelaha la hayb-sooco ee Daami, halkaasoo uu kaga qayb-galay munaasibad lagu taageeray.

Cirro oo halkaa kala hadlay Dadweynaha xaafada, ayaa sheegay inuu Xaafada Daami ka dhisi doono Xarun Caafimaad, Dugsi waxbarasho, Masaajidka xaafadaasna Dabaq saari doono, haddii uu talada ku guulaysto.
Wuxuu sheegay in xarunta Caafimaad loogu magac-dari doono Fannaanada caanka ah ee Maryan Mursal Ciise.

Halkan ka Daawo:

Dhaqdhaqaaqa Murrashaxiinta ee fagaareyaasha ayaa la madnuucay laga bilaabay 10-kii Bisha oo uu ku eekaa Olollaha Doorashadu.

Leave a Reply