Muuqaal dhamaystiran: Dhoola-tuskii Taageerayaasha Kulmiye ee Hargeysa

Boqolaal kamid ah Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa dhoola-tus balaadhan ka sameeyey Magaalada Hargeysa, iyagoo isugu soo baxay fagaaraha Beerta Xoriyada Hargeysa, waxaana kala qayb-galay xubno kamida hogaanka Xisbiga oo uu kamid yahay Madaxweyne ku-xigeenka, ahna Murrashaxa Madaxweyne ku-xigeen Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Cirro).
Masuuliyiinta ayaa khudbado u jeediyey Taageerayaasha, waxaanay uga warameen Barmaamuj-siyaasaddeedka xisbiga Kulmiye uu doonayo inuu dalka ku hogaamiyo hadii uu talada ku soo laabto.
Halkan ka Muuqaal dhamaystiran DAAWO:

Geesta kale, waxa ay taageerayaashu socod ku mareen jidadka waaweyn ee Magaalada Hargeysa, iyoo wata Gaadiid ay ka babanayaan Heeso lagu amaanayo Xisbiga Kulmiye, iyagoo geesta kalena ruxayey calamo iyo agab kale oo ka sameysan astaamaha Xisbiga Kulmiye.

Leave a Reply