Muuse Biixi oo magacaabistii u horaysay ee Madaxweyne soo saaray

Magacyada Guddi uu  magacaabay Madaxweynaha la doortay iyo ujeeddada loo magacaabay…

Madaxweynaha la doortay ee JSL

Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, ayaa soo saaray Warqadii ugu horaysay ee magacaabis ah, taasoo uu ku magacaabay Guddi farsamo oo isugu jira Wasiirro, xubno kamid ah Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Siyaasiyiin kale.

Warqadan oo Ciwaan looga dhigay, ‘Xafiiska Madaxweynaha La Doortay’ sumaddeeduna tahay REF: JSL/XM/WLD/009/12/2017, taasoo soo baxday December 6th, 2017, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ku magacaabay guddidan ka shaqayn doonta qabanqaabada Xaflada Caleemo-saarka iyo xil-wareejinta.

Waxa lagu bilaabay qaraarka Madaxweynaha la doortay;

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.

Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:

  1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
  2. Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
  3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
  4. Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
  5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
  6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin
  7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
  8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
  9. Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin

Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.

[ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi,

Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa inuu 14 Bishan la wareego Xilka, iyadoo uu kala wareegi doonno Madaxweyne Axmex Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

 

Leave a Reply