Somaliland: Horumarka ayey halis ku yihiin naxliga iyo nacaybka Olollaha Doorashada hadheeyey

Shacbiga Somaliland kuma faraxsana in dib loogu noqdo 1994-kii iyo shalay
“Kursiga laguma gaadho cay, aflagaado iyo xiisad abuur ee waxa lagu gaadhaa Bulshada oo lagu kasbado Barmaamuj..” Madaxweyne Siilaanyo oo dardaarankiisii laga dhego adaygay..
Hargeysa(GNA)-Dadka Somaliland waa Bulsho nabadda jecel oo u nugul dhibaatooyinka ka dhasha xasilooni-darada, sababtoo ah wakhti ka yar rubuc-qarni ayey ku nasteen degenaanshiyo nololeed, dawladnimo iyo mid dhaqaale oo ay ka unkeen meel hoose markii dalka dib loogu soo laabtay sagaashamaadkii.
Waa shacbi, iyagoo aan haysan nolol ku filanoo ay 70% shaqo la’aan yihiin dhalinyaradoodu, hooyooyinku 100% u dhintaan Umul-raaca, kala badh dadkuna aanay helin biyo nadiif ah, haddana jecel nabad-gelyada, dawladnimada iyo jiritaanka dalkooda.
Sidaasoo ay tahay dhamaadka sanadkan 2017-ka, musawirka siyaasaddu wuxuu u muuqdaa mowjad ka soo horjeeda rabitaanka Shacbiga iyo nidaamka dastuuriga ah ee heshiiska lagu yahay oo ah shayga ugu muhiimsan ee ay Adduunka ka iibiso Jamhuuriyadan aan wali helin aqoonsiga Caalamiga ah. Waxa taas sabab u ah, arrimo badan oo isku-furmay iyo saaxada siyaasadda oo marti-gelisay wajiyo cusub iyo wadci hor leh oo ay 26 sanno kaddib, madaxa la gashay Somaliland.
Walaaca Doorashada 2017-ka
“Waxaa la inagu ammaanaa nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay, waxa la inagu ammaanaa hab wanaagii ay inoogu dhaceen doorashooyinkii faraha badnaa ee aynu soo marnay oo si wanaagsan inoogu socday laakiin…” sidaas waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo walaac ka muujiyey hadallo xanafta leh ee ay hogaamiyeyaasha asxaabta siyaasaddu fagaareyaasha Olollaha Doorashada ka jeedinayaan.
Dr Sacad Cali Shire oo wareysi uu siiyey Telefishanka Qaranka Maanta waxa uu kaga hadlay halista ay sumcada dalka u leedahay eedaha ay isku gudbinayaa Murrashaxiinta Xisbiyadu, ayaa intaa ku daray “hadda waxaad moodaa in hadal xajiimaysan iyo xanaf leh inuu jiro oo aad moodo In quruxdii iyo wanaaggii aynu ku kasbanay ilaa hadda siday wax inoogu socdeen wasakheeyay oo uu saameeyay Cayda, dhalleecaynta iyo ceebayntu cod ma keenaane Caddaawad uun bay keentaa, caddaawaduna burbur uun bay keentaa ee waxba ma dhisto” ayuu yidhi.
Wasiirka isagoo hadlaya ku taliyey “marka waxa loo baahanyahay in siyaasiyiintu ay ka fogaadaan wax allaale wixii colaad iyo kala fogeyn dhexdeena ku abuuri kara ee waxyeeli kara geeddi socodka ictiraafkeena iyo horumarkeena”.
Laakiinse haddii ay sii socdaan hadallada qalafsan ee Siyaasiyiintu wuxuu sheegay “Arrinkaasi wuxuu dhaawacayaa geedi socodka ictiraafkeena, Doorashooyinkeena caalamka oo dhan baa isha ku haya, guulo badan baynu ka soo hoynay ilaa maanta, dooddii maalintii dhawayd ugub bay ku ahayd gobolka haddii aanay Afrikaba ku ahayn, waa tusaale wanaagsan oo ka mid ah tusaaleyaasheenii hore”.
Maxaa kamida Hadallada Xanafta leh ee Olollaha Doorashada
Murrashaxiinta ku tartamaya Doorashada Madaxtinimada iyo Siyaasiyiinta la kala safan, ayaa maalmihii dambeeyey ee Olollaha Doorashada dhaleecaymo shakhsi weerar ah iyo wax lagu tilmaamay naxli-abuur isu jeediyey, waxaanay qaarkood isku eeddeeyeen inay ku lug lahaayeen Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay 1994-kii.
Murrashaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eeddeeyey Murrashaxa WADDANI Cabdiraxmaan Cirro in xisbigiisa looga Ololleynayo Koonfurta Soomaaliya.
Tan ayaa sababta in Murrashaxa WADDANI kaga jawaabo hadal dhiif colaaddeed kicinaya oo ah inuu ku lug lahaa xasuuq iyo dagaallo sokeeye oo Somaliland ka dhacay xilligii Dawladnimo curdinka ahayd.
Siyaasiyiin badan oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa dhegaha Bulshada ku hurgufay dhaleecaymo loo arko inay Bulshada nacayb iyo naxli ka dhex abuurayaan.
Waxa kale oo eeddeymaha siyaasiyiintu taabteen arrimo aan raali-gelin dhegaha Bulshada oo la xidhiidha dacaayado iyo Iin-siyaasaddeed wakhtigan sheegisteedu halis iyo xagal-daac ku tahay nabad-gelyada Somaliland.
Iyadoo hebello lagu xidhiidhinayo , ayey Murrashaxiinta iyo siyaasiyiinta la socdaa fagaareyaal kaga dhawaaqeen ‘wax u eeg in Somaliland ku socoto xaalad la mid ah wixii dhacay 1994-kii’. Waxaanay kuwa arrintaas soo hadal qaaday farta ku fiiqeen in haddii la doorto Murrashaxa ay ku dhaleeceeyeen inuu ku lug lahaa dagaalada sokeeye dalku uu burbur waajahayo.
Shacbigu kuma faraxsana waxa dhacaya
laakiinse shacbiga Somaliland waxay u arkaan fidmo-wadayaal kuwa warkaas sheegaya, sababtoo ah waxay meesha ka saareen maslaxadihii iyo midnimadii lagaga soo gudbay marxaladaas.
Marka laga tago arrimaha naxli abuuray ee ay isu jeediyeen Murrashaxiinta iyo Siyaasiyiinta asxaabtu, waxa jira dhowr arrimood oo kale, kuwaasoo shucaac ku furay hufnaanta Olollaha Doorashada.
Waxa kamid ah arrimaha kale ee ku lamaan Olollaha, Qabyaalada oo aad ugu dhex milantay Siyaasada, waxyaabo ku lidi ah Qaranimada oo xisbiyada qaarkood lagu dacaayadeeyey, fal-galka qabyaalada oo abuuray kala-qaybsanaan deegaan iyo qabaa’il iyo isku-dhacyo aan badnayn oo dhex maray Taageraaysha asxaabta qaar iyo astaamo muujinaya inay luntay quruxdii Doorashadu oo dadka indheer garadka ah u muuqda.
Arrimahaasoo dhan muuqaalkoodu wuxuu naaqusiyey xamaasadii iyo xiisihii ay Bulshadu u qabtay Doorashadan oo noqonaysa tii saddexaad ee nooceedaa ee ka dhacda Somaliland, wixii ka dambeeyey 1997-kii.
Dardaaranka madaxweynaha tanaasulay
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo aan isagu ahay Murrashax Madaxweyne, ayaa bishan dhexdeedii dardaaran iyo tallooyin u jeediyey Murrashaxiinta iyo taageerayaashooda, waxaanu ugu baaqay inay ku dhaqmaan anshaxa Doorashada iyo asluubta siyaasaddeed, isagoo ku yidhi “Kursiga laguma gaadho cay, aflagaado iyo xiisad abuur ee waxa lagu gaadhaa Bulshada oo lagu kasbado Barmaamuj iyo aragti siyaasaddeed”.
Olollaha Doorashada, ayaa galay wareegii 4aad, iyadoo Xisbiga UCID oo furay Kaltanku uu Isniinta maanta isu soo baxyo ka sameeyey Gobolada dalka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com

Leave a Reply