Nin Gaadhi Jiidhsiiyey Muslimiin Ku Cibaadaysanayey Masaajid Ku Yaala Waqooyiga London Iyo Dad Soomaali Ah Oo La Sheegay Inay Waxyeelo Ka Soo Gaadhay

London; (GNA) — Gaadhi ayaa la jiidhsiiyey dad ku tukanayey Masaajid ku yaala waqooyiga magaalada London, waxaana khasaare ka soo gaadhay dhawr qof sida ay bileysku sheegeen.

Waxaanay intaasi ku dareen in hal qof falkaasi loo xidhay. Gaadiidka Gurmadka London ayaa iyaduna sheegtay in dad dhaacawyo ka soo gaadheen gaadhigaasi loo qaaday cusbitaalka.

Qof goob joog ah ayaa tilmaamay inuu arkayey dad ay ciidamada Bileysku gargaar siinayaan.

Guddida Muslimka ayaa Tweeter-ka ku sheegay  in dad ku cibaadaysanayey Masaajidka Finsbury Park mosque gaadhi la jiidhsiiyey markii ay masaajidka ka sii baxayeen, waxaanay tilmaameen in dadka waxyeeladu soo gaadhay ay ku jiraan dadkaasi tukanayey.

Bileyska London ayaa ku dhawaaqay in falkani uu yahay mid weyn waxaanay xidheen dhamaan meelaha ku dhaw goobtaasi weerarku ka dhacay.

Leave a Reply