Puntland: 18 Qof Oo Ku Dhimatay Biyo Ay Cabeen

Ku dhowaad 20 qof ayaa ku geeriyooday halka in ka badan 100 qofna ay isbitaallada u jiifaan kaddib biyo dadkaasi ay ku sumoobeen, gobolka Bari.

Wararka ka imaanaya degmada Isku Shuban ayaa sheegaya in tuulo halkaas hoostagta ay ku dhinteen 17 qof halka 100 kalena ay la xanuunsanayaan biyo ay ka cabeen ceel degaanka ku yaalla.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dadka qaar ay kaadida ku dhagtay oo ay aad  u xanuunsanayaan.

Dhanka kale, Guddoomiyaha degaanka ay masiibadu ka dhacday ee Timirshe Cabdullaahi Shire Aw Yuusuf ayaa  sheegay in 18 ay dhimasho marayso dadka la ildaranna ay yihiin 150 qof.

Waxa uu sheegay in illaa iyo iminka aynaan dadkaasi helin wax gargaar caafimaad ah oo kaga yimid dowladda dhexe, Puntland ama hay’adaha caalamiga ah ee caafimaadka qaabilsan.

Leave a Reply