RW. M. Cumar Carte: “Dalka waxa dib u dhigay waa jahliga hadheeyay dhalinteena”

Reysal-wasaare ku-xigeenka oo Shahaadooyin iyo Abaal-marino guddoonsiiyey Arday Qalin jabisay…

carte2Muqdisho, 24 August, 2016..(GNA)- Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ka qeybgalay munaasibad qalinjebin ah oo ka qabsoontay Magaalada Muqdisho, taasoo ay ku qalin-jabiyeen arday gaareysay kumanaan oo  u badan shaqaale ka tirsan xafiisyada hey’adaha dowladda. carte4
Munaasabadda oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin katirsan dowladda ayaa Ra’iisal Wasaare xigeenku ku gudoonsiiyay abaalmarino iyo shahaadooyin ardayda kaalimaha hore ka galay waxbarashadooda.carte

Mudane Carteh ayaa sheegay in dalka uu u baahanyahay dhalinyaro ka fiyoow qabyaaladda oo ku xeel-dheer qeybaha kala duwan ee cilmiga.

‘’Dalkeenna waxa dib u dhigay waa jahliga hareeyay dhalinteena ee u horseeday in lagu tilmaamo sifooyinka xun, dalkeenna u ma baahna dhalinyaro jaahiliin ah oo isgu qarxiya hoyooyinkooda ee waxaan u baahanahay dhalinyaradan cilmiga baratay ee ku hanweyn dib u dhiska dalkooda”.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa hambalyo u diray dhamaan ardaydii manta qalinjebisay kuna booriyay iney dib u la soo noqdaan astaamihi wanaagsanaa ee lagu yaqiin dhalinyarada Soomaaliya.

“Waxaan idiin ku hambalyeeynayaa sanadihi dheeraa aad waxbarashada ku jirteen, waxaan idinku dhiiragelinaya inaad sii wadaan halganka aad ugu jirtaan wanaajinta mustaqbalkiina”  carte3 

Mudane Maxamed Cumar Carteh oo soo xiray munaasabadda ayaa sheegay in xukuumadda ay masuuliyad isga saareyso shaqo u helida dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka qalinjebiyay Jaamcadaha ku yaalla dalka.

Leave a Reply