Shan arrimood oo diinta ku saabsan oo baraha bulshada Soomaalida qabsaday

Isticmaalka baraha bulshada ayaa ka mid noqday nolol maalmeedka dad badan oo Soomaaliyeed, waxay noqdeen meelo la’isku dhaafsado aragtiyo, lagu doodo, islamarkaasna lagu xiriiro.

Calaamada Mareegta Buuga wajiga (Facebook)

Doodaha ugu badan malaha waxaa dhaliya arrimaha siyaasadda ku saabsan, balse dhawaanahan arrimaha diinta ku saabsan ayay doodahooda aad usii kordhayaan.

Soomaalida waa dad wada Muslimiin ah, oo sunni ah, hase yeeshee waxaa jira firqooyin ku kala aragti duwan fasiraada qodobada qaar oo diinta ka mid ah.

Balse moowduuceena kaas ma ahan, waxaanse halkan kusoo qaadanaynaa sooyaalka dhacdooyinkii doodihii ugu badnaa dhaliyay ee arrimaha diinta ee Soomaalida dhexdeeda sanadihii lasoo dhaafay, kuna faafay baraha bulshada dhexdeeda, qaarkood waxa ay dhaliyeen murano , qaarkoodna hadal-hayn badan, qaarna fatwooyin ayaaba laga soo saaray sida tan hadda raadkeeda qoyanyahay ee ninkii lagu eedeeyay in uu nabiga u gafay.

18-kii Sabtembar, 2017 : Maxkamad ku taala koonfurta Gaalkacayo ayaa waxbo ku weysay nin la sheegay in uu nabiga u gafay oo magaciisu yahay Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

Baraha bulshada ayaa lasoo galiyay muuqaal uu ka dhex muuqdo ninkan,waxaana lagu eedeeyay in uu sawir nin kale oo agtiisa yiilay ku sheegay in uu yahay nabiga. Sheekh Cabdiwali ayaa beeniyay in uu nabiga u gafay.

Hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa fatwo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Sheekh Cabdiwali uu diinta ka baxay, iyaga oo dowladda ugu baaqay in talaabo laga qaado ninkaas.

Waxay noqotay arrin dhalisay muran, hadal hayn iyo fatwooyin kala duwan oo wadaadkan laga soo saaray.

3dii bishii Agoosto, 2017-kii war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda diinta iyo awqaafta Jamhuuriyada Iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ayaa lagu sheegey in kaniisadda Hargaysa oo maalmahaas hadalhaynteedu socotay ay sii xirnaan doonto.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambaysay kadib markii baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta gudaha lagu faafiyay sawirka iyo war ku saabsan kaniisad gumeystihii Ingiriiska Hargaysa ka furay 70 sano ka hor dib loo dayactiray, dibna loo furayo.

Bishii April ee sanadkan ayaa waxaa soo shaacbaxday koox diimeed cusub, taas oo dadka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay dib u islaamaan, aysana jirin wax aan iyaga ahayn oo diinta islaamka haysta.

Bayaan kasoo baxay hay’adda culumada Soomaaliyeed 12-kii April, 2017 ayaa kooxda Al Saadicuun Bil Xaq ku tilmaamay in aysan diinta islaamka ka turjumaynin, yihiina dad doonaya in ay dhiigga islaamka banaystaan sida uu BBC-da xiligaas u sheegay Sheekh Bashiir Salaad oo ah guddoomiyaha culumada.

Meelaha qaar sida Puntland iyo Somaliland ayaa laga mamnuucay kooxdan in ay ka shaqeeyaan, markii dambana shanqartooda waa la waayay.

Bishii Sabtembar 2014-kii culumada waawayn ee Soomaaliyeed oo uu ka midyahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka hadlay buug uu qoray nin lagu magacaabo Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil , buugaas oo lagu magacaabo “Xadka riddada maxaa ka run ah”, wuxuuna sheekha xiligaas BBC-da u sheegay in uu buugaasi yahay mid waxa ku qoran ay dadka ka marin habaabinayaan diinta islaamka.

Buugga ayaa dhaliyay muran badan oo bulshada dhexdeeda ah.

Bishii Agoosto, 2012-kii dhacdo iyaduna muran badan dhalisay ayaa in magaalada Kismaayo lagu arkay kawaanno lagu qalayo hilibka waraabaha, waxaana la sheegay in mas’uuliyiinta Alshabaab ee markaas xukumayay magaalada ay sheegeen in hilibka waraabaha uu xalaal yahay.

Haseyeeshee culumada inta badan iyo dadweynaha ayaa fikirkaas aad uga horyimid, sheegayna in waraabaha uu xaaraan yahay in la cuno.

Haddaba, arrintan ayay dad badan u arkaan in laga baran karo in dadka arrimaha diinta ka hadla ay baraha bulshada ku soo bandhigaan doodo ay difaaci karaan, ama ay la kulmaan cadaadis ballaaran.

 

Leave a Reply