Side baa loo qoraa qormo Curis ah? .

Badanaa laguma dhigo dugsiyada, habka loo curiyo qormooyinka , waxa uu ardaygu ka kasbadaa oo qudh, qoraalo jaantaa rogan ah, oo u ka daalacado jaraa’idada iyo mareegaha bulshada. Taas oo aan leysku halleyn Karin. Amase waxa yar oo  uu meelahaas ka bawsaday. Intaas yar oo aanu ku kaaftoomi Karin,

Taas waxa ay keentay in ay ardaydu kala kulmaan caqbado waaweyn xilliga imtixaanka,

Gaar ahaan curisyadda afka qalaad ku baxa, sida luuqadda Af ingiriisiga ah  oo kale ama carabiga,

Haddaba hadii uu Alle idmo waxa aan kuu soo bandhigi doonaa naxwaha guud, oo loo adeegsado af dhamaantiiba iyo xeerarka dajisan qoraalka gabi ahaanba ,

Aasaaska qorista mawduuc

waxa u aasaas ah qoraalka in la helo arrimo hordhac u ah oo ka mdi ah qaab qoraalka  mawduuc ama maqaalka taas oo  salidhi u yahay  seddaxdan arimood ee hoos ku xusan,

Fikir:-                                                                                                                                                                                        waa qaabka u tabinayo qofka  qalinka uu qaatay , fikirka  ka dhex -quuxayay ee uu  rabo in uu qayaxo ,uu na la damacsanyahay in uu  soo gudbiyo fikirkiisa xortaha ,

Hadday tahay fikir xasaasi ah oo caadifadeysan ama  fikir cilmiyeed  wacan oo muhiim ah inta  aanan galin mawduuc ah sidee baa loo qoraa ,                                                                                          Waxa yaalo badan oo gundhig u ah in  la illaaliyo   ayaa  jira  waxana ka mid ah :-                                      weedhaha:-                                                                                                                                                              Waa  in aad ku gaashaamantahay erayo badan oo aad ku cabireyso  ujeedkaaga si fudud , waxan muhiim ku ah in aad illaaliso fahanka wax aad qoraalkiis gudbineyso , umadana aad ka shaandhayso adigoo adeegsanaya erayada la fahmi karo .                                                                                       Habka :-                                                                                                                                                                               Habku waa laga ma maarmaan  in la raacaa si loo hirgaliyo hab qoraalka toos ah, taasan waxa aan ku sheegi doonaa xeerarka aan xusi doon haddii uu alle idmo waxa aan ku soo bandhig doonaa hab cilmiyeysan .

dhiraandhirinta  fanka curinta mawduuc ah.

dhiraandhirinta  qoraal  ma hawlyari,waxa lagama maarmaan ah in la maro hab  wax lagu curiyo ,oo ah tub jeexan oo qofka doonaaya loo calaamadiyo nidaam uu raaco  iyo tallooyin uu ku socdo.

.Waxa loo maraa hab qoraalka  dhiraandhirinta curiska mawduuc  ah ,  siddeed   marxaladood oo kala ah sida tan soo socota:-

Qayixitaan :cadayn

Faaleyn:faaqidaad

Tusaaleyn : muujin

Qaybin :kala gayn

Is barbardhigid:

Sababayn :

Natiijo:midho

Khulaasayn:gunaanad

Qoraalku ka ma soo hadho joogtaynta iyo sameynta qoraallo faro badan oo  aad diyaariso

Haddaba Akhriste aan ku yar nasano is dultaaga sideedaa hab ee loo qora mawduuc aanad waligaa iyo waaqaa hesheen in aad  curiso.  balse ay suuragal noqoneyso in aad bog dhan oo buuxa ka diyaariso adiga oon wakhtiga badan kaa qaadan qoristeedu.

afka uu doono ha sheegtee haddaad sideedan hab raacdo waxa aad heshay furayaasha fududeeya hab-qoraalka kooban waxa kuu fududaanayaa curis-kasta oo laga dalbado in aad curiso si sahlan baad u qoraysaa qormadaa curiska ah ee lagaa dalbaday , waa haddii aad fahanto akhriste habka mawduuc curis ah. oo ah taa halka sare aan ku soo carbaabney.

1)Qayixitaan :cadayn

Qayixitaanku:

waa in la cadeeyo sheyga marka la qayaxayo waxa uu ku soo uruuraa in la cadeeyo  arimahan ay ka kooban tahay walxaha qayixitaanku Al[1]laaba caddeeyo , oo ah in uu muujiyo sheygaa la cadeynayo hadday tahay:                                                                                                                                                                          Falka  , walaxda  ,tayada , shaqadaa . awood,abuurka, xiliga ,muuqaal,Intaas oo qaar ka mid ah ama gabi ahaantood lagu sifeeyo lana sheego shayga la qayaxayo, markaas baa la odhan karaa waa la cadeeyay ama waa laqayaxay walaxdeeda la doonayay in la tabiyo xogteeda,                                                                                                                                                       Tusaale aynu ku muujino arintaas innaga oo tusaale u soo qaadanayan weedha barakeysan ee Tawxiidka  qayixitaankeed  Allahayaw noo fududee,

Tawxiidku:- waa kaliyeelida Alleh loo kalliyeelo, rabbi kaligee dhamaan noocyadda iyo muuqaaladda ay cibaadadu leedahay , teeda yar iyo teeda weynba, waxana lid ku ah in cid la la wadaajiyo cibaadadiisa uu adoomaha  uu ku waajibiye ,

La lama wadaajin-karo, cid karaamo leh sida nabiyada malaa’igta iyo awliyada.ama aan sharaf laheyn sida shaydaanka iyo maydka iyo sanamka iyo saliibka iyo qaar kale oo siloon duli  Allah saaree  aamiinta igu dar..

Intaas kaga kaalay Akhriste noqdadii koobaad ee  Aheyd qayixitaanka

2)Faaleyn:faaqidaad

2:Faaleyn:-waa xog bixinkasta taas oo lagu cadeynayo  walxo badan amma tilmaamo  badan iyadoo waliba la muujinayo badkana la soo dhigayo sumada ay baadi-sooc ay ku leedahay, hadday tahay muuqaalka , dherarka, xajmiga, miisaanka , keega muuqada iyo keega aan muuqan dun iyo Dacal waxay tilmaamo ay leedahay ayaa la huwinayaa mid la taaban-karo iyo mid aan la taaban-karinba.

Inta kadibna waxaynu akhriste tusaaleyn-doonaa oo isku dayeynaa in aynu faallo ka kooban ka bixino mawduuc aynu tibaaxnay ee tawxiidka ahaa halkii inaga oo ka sii anbo qaadidoona,

 

Tawxiidku :waa baadisooc iyo ugu weyn  ee dhamaan diimaha caalamka oo dhan uu kaga soocanyahay islaamku, waanna fariinta ugu culus ee  Alle iyo rasuulkiiba ay ku baaqayaan dunida oo dhan  la doonayo in ay gaadho,                                                                                                       Waa U jeedada ugu weyn ee uu alle u abuuray jin iyo insiba oo ah tawxiidka iyo islaamnimadda ,waa dariiq kaliyee lagu hello  raali-ahaansha rabbi  , cadhadiisan lagaga dheeraado ,tawxiidku waa xaqa  ugu weyn ee uu Rabi ku leeyaha adoomihiisa,waana xaqa la mataabtaan ah oo aan u banaanayn aadamaha in ay ku tacadiyaan xaqaas muqadiska ah,

 

3)Tusaaleyn : muujin

Tusaaleyn:- waa dariiq kaliye taa lagu muujin-karo xog aad u baahnayd  Iftiiminteeda ama muujinteeda,  waa nidaam lagu qayaxo waxkasta oo la doonayo in la suureeyo .amm fahankeega la soo dhaweeyo, sawirna laga bixiyo, iyada oo la muujinayo arintaa la cadeynayo.

Akhriste haddaynu tusaaleyno mawduuceena tawxdeedka  ee ayn ka sii Anbaqaadno tusaalaheena oo noqonay sida tan soo socta:-

Tawxiidka waa cibaadda oo cid qudha  lagu  gaar yeelo tusaalle ahaan waxa inoo ah suubanaha iyo saxaabadiisii cibaadda rabi kaligii  sida ay ugu gaar yeeleen Allaah,ama sida uu astaan ugu ahaa nabi ibraahim kaliyeelida Alle iyo  la qaadicidii mushrikiintii wakhtigiisa nooleyd , waxa kaloo tusaalle inoo ah dadka heysta dariiq axmediyaha  iyo tubtee nabii braahiim(SCW) , waa dadka muslimiinta ah waxa ay yihiin kuwo Alle kaliya caabuda oo aan cibaadda cidna la wadaajin. Ee kalidii oo qudha caabuda,

Tusaalahan aan soo qaatay waxa ku muujiyay kuna dooday nin la odhan jiray aadan gabay xoog oo ahaa reer ceerigaabo ,isagoo iska difaacay sayidka oo gaalnimo ku toogtay beesha waqooyi gaar ahaan isaaqa,waxaana uu yidhi isaga oo uu jawaabaya sayidka unna tusaaleeya arintaas tawxeedka.

Dariiqada Axmediyaanu nahay eheladeediiyee,

Afka kama dhignoo jamacaan idilkii haynaayee,

Amuuru diinka waxaan raacsanahay nabi ibraahiime,

Gaalada ninkii nagu ismaa waanu na aqoonee,

Insha allaahu aakhiraba waysku arki doonaayee,

Ina cabdulle xasan markuu maqlay gabaygaas tusaalaha wacan ee ku jiray  awgeed, wuxuu ogaaday in xaqiiqadu ahayd sida abwaanku sheegay wuxuuna abwaanka sida la tilmaamo u diray Baqal hadyada ah wuxuu tiriyey geeraar uu ku amaanayo ,
 

 

 

Qaybin :kala gayn

Qaybintu: waa habka lagu qeybiyo walxaha  si kala duwan  ama kooxeyn ah abla ablen dhincyo faro badan laga eegaayo, hadday tahay qeybaheega , heerarka kala gadisan , iyo xalada kala duwan taas oo lagu muujinayo wasladaha  ama qeybaha walax la xusayaa ka koobantahay , tiro ahaan ,tayo ahaan , tamar ahaanba, nooc-kasta oo ay tahay cabir-kaste cadad kaste iyo  ceyn-kaste qaybaheega ayaad xusaysaa kolba adiga oo waafajinay  mawduuca  aad  ka waramayso.

Haddaynu tusaale u soo qaadano mawduuc aynu ka waramayne ee ahaa  tawxiidka  waa sida tan oo ah .

Tawxiidku:-waxa uu u qeybsamaa saddex qeybood oo waaweyn oo ka laha

Tawxiidka Ka warama sida Alle kalidiii lagu caabudi lahaa, cidna lala wadaajiyeen
Tawxiidka Ka warama sida Alle kalidii lagu gaar yeeli lahaa                                                                                                               ,mulki iyo maamulba caalamka oo dhan  cidkalena la wadaajiney la ahaanshaheega
Tawxiidka Ka warama magacyadda rabbi iyo sifooyinkiisa sareey ee gaarka u leeyahay

Siyaabo kale gadisan baa loo eegi karaa marka la Abla Ableynayo qeybaha tawxiidka ama dhinacayo kale leyska taago karaa, intaas baa inoogu filan ka tusaale ahaan .

 

 

 

 

Is barbardhigid:

Is barbardhigid:- waa  habka aad isku barbardhiga laheyd  ama aad isku miisaami la heyd laba  Arimood oo lid isku ah kala cadeyntood,  una furfuri-karto wax isku dhex laaqmay , ama isku dhex jira, dadkan aad ugu dhaadhicin laheyd  kala duwanaashahooda  iyo farqiga u dhaxeeya hadday tahay mid  la Arki karo  ama mid aan la arki karin  xajmi ahaan, qiimo  ahaan, tayo , tiro , awood, liidnimo , sareyn , hoosayn , weyni , iyo yariba, wax  qoraagga waajib ku noqoneysa  in uu si cadaalada leh isku barbardhigo  labada arrin ee uu isku miisaamaayo , isaga oo fikirkiisa xorta ha cabiraayay , waxa qurux badan in uu qaws galiyo ama si kale u muujiyo sheyada  u is barbardhigayo.

Bal Akhriste aynu ku tusaaleyno mawduuceen tawxiidka ku saabsanaa. Inta aynu nidhaahno tabaarak tiir bir ah aan galo tusaalaheenna isbarbardhida ah.

Tawxiidka gaalad Waa mid ku lifaaqan wadaajin Alle cid kale lagu ladhayo  ama  lagulamaneey
Tawxidk muslim Waa tawxiid  saafi ah oo badhax tiran cidna lala wadaajin Rabbi swt

 

weynu ka badin karnaa oo dhinacyo badan baan ka eegi-karnaa laakeen tusaale intaas baa inagu filan.

 

 

 

 

 

 

Sababayn :

Sababayntu:- waa  in ls sheego walaxda aad  tabineyso  wixii sabab ah ee la xusi karo , ama sababeyn oo in la xuso  faallo lagu sababaynayo ujeedada keentay  amma ku qaaday in ay  u dhacdo sidaas  oo ay noqoto  kunna khasbatay in ay sidaa waxa uu dhacaan ama ku kaliftay .

Aynu sii wadano mawduuceenii tusaalaha innoo ahaa ee tawxiidka innaga oo sababteed sheegayana.

 

Sababta shirkiga Waxa keenay waxa ay  rumeysteen seddex Ilaah in ay jiraan ka dibna  shirking bey sameeyeen
Sababta Tawxiidk Waxa keentay  waxa ay rumeeyeen Alle qudh in la caabud kalidii loo gaar yeelo ,  rabbi weyn uu gaar yeeleen sidaan ay ku noqdeen muwaxideen

 

x

Dhinacyo badan baa laga eegi karaa marka la Abla Ableynayo sababeynta cilada keensatay  qaalinimada iyo tawxiidkaba ama dhinacyo kale ayaa leyska  taagi-karaa, intaas baa inoogu filan tusaale ahaan,

 

Natiijeyn

Natiijeyntu :- waa qodobka ugu danbeeyay ee dhacdooyin Iyo warbixintaad tabineysay ood xusto wixii ka soo baxay ee midho leh ama laga dhaxlay, natiijooyinkeega iyo cawaaqibtii ka dhalatay  raad-keega  taban iyo keega toganba. waa ina uu qoraagu mawduuciisan ku xusaa

bal haddaba akhriste aana tusaale u soo qaadano mawduuceenii  ka hadlaayay tawxiidka ,innaga oo Dhinacyu badan ka eegi karana marka aynu halacsano cidhibta labada qolo ee is  -haya , bal aynu tusaaleyno inaga oo shaxa ku muujineyna,

Gaaladu Waxa ay keensatay  dhaqan gaar   ah , oo xumaan ah
Muslimka Waxa ay keensatay  dhaqan gaar   ah , oo wanaag ah
Gaaladu Gaaladu waxa ay ku aroori doonaa Omaska naareed,Allaw
Muslim Muslimkuna waxa uu AGabsan-doonaa ililada fardawsa,Allaw nagu dar.

 

Intaas baa tusme iyo tusaale ba innaga filan sheegida natiijooyinka iyo ka warbixinta cidhibtoodaba

 

 

 

 

Khulaasayn:gunaanad

Khulaasayna :- waa hadalkii oo la gababeeyo  lanna gunaanadu waliba iyada oo sawirkii ugu danbeeyay laga  bixinayo  , waxana muhiim ah in  Akhristaha lagu baraarujiyo lana dareensiiyo in uu nuxurkeega haatan gabgabo yahay  mawduucii la soo hayey la gunaanadayo.

Waxa inta badan la xusaa laba arimood  oo kala ah

In la  dulmaro qodobadii laga soo waramay si sadka xaadhis ah,

In lagu0 khatimo weedh muujinaysa in mawduucee  la soo af jaray ,   tix ama tiraab midkuu doono ahaad ha haadee labadaa dariiqo ayaa lagu soo afmeer marka curis la gabgabeynayo.

Tusaale  haddayno u  soo qaadano gunaanadi tix , waxa munaasibku ah mawduuceena oo aynu soo qaadanayaa Abwaankeena abshir bacdle tixdiisa uu kaga waramaya arintaas

Bal Akhriste si aad u fahanto indha galka kala bax  ,guntii iyo gabagabdii gudoonso.

Gobonimo xaqiiqa ah, waa, garasho  tawxiide

Wixii naar ku geeyoo dhan baa, lagu gumoobaaye

 

 

tusaale kooban oo ku aadan sideedaad hab ee aanu soo qaadanay  waxana markale ku tusaaleyno hargeysa.

 

 

 

 

Hargeysa

hargaysa : haragaysa waa magaalo caradeedu ay tahay cadaan iyo dhegaxaan jay ah qeybi waa buuro qeybi waa doox qeybi waa quruurax qeybi waa burceed,intaas oo jaad ayay ka koobanatahay ciida magaalada hargaysa qofka ku cusub waxa ay ishiisu qabanaysaa markuu arko,

tirada deegaanka hargaysa.

waa magaalo ay ku noolyihiin in ka badan laba milyan goobta ay dhacdaa waa geeska afrika, waxa ka mid dadka ku nolool jaadadka tololka soomaaliyeed dhan  inta ay ka koobanayihiin

magaalada hargaysa waxa ay leedahay wadooyin badan oo u dhisay ninkii  la odhan jiray bile rafle oo ahaa maayarkee ugu wanaagsanaa ee hargaysa soo maray,

magaalado waxa ay leedahay laba  suuq oo ka laha suuq hoose iyo suuq sare,

labada suuq ayay dadka magaaladu inta badan ka adeegtaan,

magaalada wax aynu ku tasaalayn karnaa sida magaalada muqdisho oo kale muqaal ahaan dherar ahaa balac ahaa baaxad ahaan,

balse waxa ay ku kala duwanyihiin ciida, ciida muqdisho waa bacaad ta hargaysina waa jay.

magaalada hargaysa waxa ay aragtay dagaalo faro badan qaar ay la burburtay iyo qaar ay ka nooshahay, dagaaladii ay hargaysi aragtay waxa ugu cuslaa afar dagaal oo kala ahaa:-

dagaalkii 1964kii ee ay xabashido ku soo qaaday,

dagaalkii 1977kii iyadan waxa duqeeyay itoobiya.

dagaalkii militariga ay la gashay oo ku beeganaa1989

dagaakii sokeeyaya ama maryo Alloolka la odhan jiray

hargaysa waxa ka soo talayey maamulo badan waxaana ka mid ahaa qaar xilliyadii danbe,

cabdi raxmaan tuur

maxamded ibraahim cigaal

riyaale kaahin

axmed maxamed maxamuud siiranyo

maayaradii xilka ka soo qabatay magaalada  waxa ugu caaansan

maxamed xaashi

jiciir

solteelko.

intaas ayaan ka xasuustaa,

hadaba aynu xusno marxaladaha hargayse soo martay, aan kuu sheegee hargaysa waxa ay soo martay seddax marxaldood

miyi

tuulo

caasimada

markale hargaysa waxa ay soo martay labo xili oo ka laha ,

hargaysadii hore

hargaysada maanta.

 

haddii aynu bal is barbadhigno hargaysadii hore iyo ta maanta farqi weyn baa u dhexeeyay, hargaysadii hore waxa daganaa afar reer oo isa yaaqan

maanta hargaysi is ma taqaano xaafada qaar ayaa loo kala raacaa gawaadhi,waxa ay weyn ka qabto ,mana ha magaalo lugto dhameysnaso,waxa ku soo koray deegaano faro badan, iyo xaafado badan oon awl hore jirjiran,

arrimahaase waxa ugu wacan in ay magaalada hargaysi balaadhato, dadkii awal reer miyiga ahaa ayaa magaalada soo galay waxa ay gudoonsadeen gacansi, waxana ugu wacan abaarihii bannaa ee ka dhacay Somaliland, sidaas ayayna u camireen magaalada,

guntii iyo gunaanadkii magaalada hargaysi waa magaalooyinkii ugu horeyay, waa magaalo cimilo wacan, waa magaalo dadkeego nabada ay la qabsadeen waa magaalo ay dad badan ku nooliyihiin waa magaalo Allaheed taqaan.oo wada islaam ah.

Maqaalka suugaaneedkii reer yurub

Fanka maqaalka reer galbeed marka aynu dib u  halacsano taariikhdiisa   waxa uu ka mid yahay  maqaal suugaaneedkii  aadamahu   adeegsan jiray waayadii hore  waxana ay ka soo bilaamatay   laba xilli oo kala gadisan haddii aynu isdultaagnana waa  qaringii 1592kii  Illaa laga soo gaadhayey 1533kii, intaas bey ku  kala xadayn- karnaa. sida uu  sheegay qoraaggii weynaa, ee farnsiiska ahaa ee la odhan jiray__mawnteyn

Waxana ay aheyd isku deygii  ugu horeeyay cilmiga fanka maqaalka aasaas u aheyd waxana ay aheyd  qoraalo xor ah oo  sohdimo lahayn,  taas oo aan maamuleyn  qaanuun  uu sharciyeysan , haseyeeshee waxa jiray hannaan Aqooneed oo ay jideeyeen falaasifadii  qoraayadii  xiligaas ,  waxa reer yurub calanka u qaaday dhanka maqaalka ku dheehan falasafadda, ninkii feylasuufka ahaa ee la odhan jiray saqraadi, oo ku caan baxay qoraalka falsafadeysan iyo hab qoraaleed uu qaar ah

Illaa haatan ay  Arday u noqdeen rag badan oo ka danbeeyay xiligoogee noolaa iyo kuwo ka danbeeyayba.

waxna isna maqaal suugaaneedka reer galbeed isna qeyb libaax ka qaatay ninkii la odhan jiray Aflaaduun  iyo ninkii la odhan jiray deyl kaarniij oo isna ka mid ahaa falaasifadii qalinka u qaatay qoraalka maqaal suugaaneedka reer galbeed waxa badan bay  ku beerisay qoraalka.

casrigaas waxa ay ku beegneyd xil ay sii qoyontahay  xaddaaradii reer galbeed ee giriigu bud-dhigeega uu lahaa.

kadiba waxa bilaamay casrigii hormarka ee wakhtiyadii dhexe ka bilaamay qaarada yurub .waxana halkaa ay ku dardargaliyeen habka qoraalka maqaal suugaaneedka qeybihiisa kala gadisan ee maanta la adeegsado,

inkaste oo cilmiga qoraalku uu  ahaa baahi aadamaha oo dhan ka wada dhexaysa waxa dhici jirtay in kolba ay dardar-galiso dawladii awooda cilmi  ku hogaaamisaa ummadaha kale.

 

 

 

Maqaalka suugaaneedkii carabta ,

Marka  aynu eegno  fanka maqaal suugaaneedka carbeed qormeynteeda waxa caan ku dhex noqday qarinigii labaad ee taariikhda hijriyada waxa loo yaqaanu “dhanbaaladda walaaltinimada ah, iyo maqaal cilmiga ah noocyadiisa kala gadisan.kuwaas oo ay hormood iyo gadhwadeen ka ahaayeen qorayaal waaweyn oo caan baxay sida xasan basri iyo ibnu muqafic waxa kaloo jiray qoraalo fariimeedka uu qori jiray qoraagii weynaa ee jaaxid,                                                                                                                                        waxa kaloo xusid mudan ninkii la odhan jiray cabdi xaamud iyo rag badan oo ayni-googa ahaa, ku caano shubay curinta maqaaladda fariimaha xaladda leh xanbaarsanna macnaha xeesha dheerleh,

Waxan ay ahaayeen qoraaladii ay sameeyeen raggaasi kuna daabacnaa qoraallo xul ah. oo muujinay haldoornimadoodi.

tusaalihii ugu sareeyay .marka la eego fanka maqaalka iyo waxyaalaha uu la gaarka yahay fanka  ahaan khaas ahaaneed qoraaladda cusub ee casrigan  mawduuc ahaan iyo hab-dhacba, xiligaas ayaa loo celiyaa ibo furkeega.

Haddaba haddaynu  sii faaqidno habka qoraalka gaar ahaan qoraagii weynaa xasan all basri marka aynu ka hadlayno mawduuc hoggaaminta caadilka ah, una kuurgalno waxa muuqaneysa in mawduuciisu noqon-karo tusaalaha ugu sareeyay ee casriga maanta la joogo loo soo qaato hoggaaminta wacan,marka laga hadlaayo habka qoraalka hogaaminta casriga ah,

Waxa kaloo aynu ka baranaynaa faaqidaad lagu sameeyay qoraagii weynaa ee carbeed ee ku caano-maalay qoraaladda fariimeedka ah ee la odhan jiray jaaxid waxa la ogaaday in uu yahay qoraaga diwaanka u aha xiligan casriga ah ee la joogo qoraal fariimeedka cusub aasaas bay u ahaayeen.

Waxa maanta casriigan cusub waxa la hogaan baray maqaal suugaaneedkii carbeed laguna siyaadiyey, waxa loo yaqaanu saaxafada casriga ah ,  isku xidhnaansho weyn baa ka dhaxeeya, marka loo eego saxaafada, xaladihii kala gadisanaa ee ay ku soo barbaraatay saxaafadda carbeed,  taas oo ku soo  uruuraysa afar dugsi oo ay saxaafadu ay ka aflaxday xiligaas,

 

Jiilkii koobaad:-                                                                                                   Waxa ay ka bilaamataa soo bixitaankii ugu horeysa warbaahinta saxaafadda wargeyskii la odhan jiray  All waaqic ee dalka masar ka soo bixi jiray, Iyo kuwii wakhtigaa iyana socday ee dhigooga ahaa ee la odhan jiray , All wadani  iyo qaarkale oo badan ,  waxa gal-aqooneedkaana ka aflaxay kuna soo shaac baxay qoraayo waaweyn oo ay ka mid ahaayeen .

Rafaacita, iyo  all dahdaawi , iyo cabdilaahi , abu sucuud , waxana  ay baadi-sooc u lahaayeen qurxinta qoraalka iyo isku kalifid-taanka hadal la doon-doonashada ee  ah habka xaraf loo nashqadeeyo iyo xardhitaankeegab oo

 

Jiilkii labaada:-

Dafcadda labaad  hab-qoraalkoogu saxaafadii  waxay Aheyd wargeysayadii la odhan jiray  AHraam iyo All-falaax iyo xuquuq , baraha Rag qalin maalka Ahi isku arkaan iskuna weydaarsadaan afkaartooda ,

Raggii  qalinka ku soo caanbaxay waxa ka mid ahaa qoraaggii weynaa ee la odhan jiray  Jamaal diin , maxamed cabdi iyo abwaan isxaaq laali naqaash iyo ka waakibiye iyo qaar kaloo badan oo isku xili ahaayeen.

Waxana ay dafcadan  ay ku soo koridhiyeen saxaafadda  hab qoraal san , marka loo eego kuwii ka horeeya wey ka hormarsanaayeen waxayna ay ka reebanaayeen iskalifa[2]adii ay ku falnaayeen kuwii ka horeeyay Hab ka duwan oo hor lehna wey-keeneen

 

Jiilkii seddaax :-

Waxana macalimiin ka ahaa qalin daadihiyayaashii lo odhan jiray:-      ludfiye sayid iyo cali yuusuf iyo rashiid ridaa  iyo musdafe  kaamil  iyo saaxibadood.

Waagaana waxa ugu caansanaa warbaahinta saxaafada  jaraa’idkii la odhan jiray  mu’ ayid , iyo  li’waa..

 

Jiilkii Afaraad:- waa jiilka cusub  ee noolaa xiligii dagaalkii  koobaad ee aduunka  iyo wixii ka Danbeeyay iyo dhacdooyinkii ugu  waaweynaa xiligaas qalabaa rogay taariikhda dunida  iyo dhamaan nolosha caalamka islaamka,

 

waxana lagu tiriyaa gal-Aqooneedkaa saxaafadii raggii  ugu saameynta badnaa uguna Anfac badneyd taas oo ibo furtay habab badan oo mar la arag ah.

 

Maqaal saxaafadeedkaa casriga ahaa waxa ay ku caan baxday gobonimo doon iyo xoriyada u dagaalan . arimaha  siyaasadda   dhawrista dastuurka  arimaha dimuqraadiyadda la xidhiidha, iyo arrima kaloo badan bulshada ka dhex Alloosnaa,

waxana kuliyaddahaa saxaafadda casriga ah ka qalin jabiye rag badan oo ay ka mid ahaayeen qorayaashii iyo abwaanadii haldoorka ahaa, ee calanka u siday gobonimo u dirirka caalamu islaami gabi ahaantiiba.

 

Kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay oo aan ka tirmayn taariikhda saxaafadda carbeed  oo si muuqata qalinka ku duugay gaar ahaan maqaalka siyaasadeedka casriga ah.

Haddaba Akhriste farta aan kugu fiiqo raggii gardaadiyey maqaal saxafadeedka qeybtiisa siyaasadda,waxa ugu caansanaa  cabaas cuqaad , iyo  musadafe saadiq , iyo raaficiye  maxamed xusayn  , haykal  daaha xusayn  ibraahin  maasiney maxamed fariid   waajidey , maxamuud taymuur  iyo yaxye  iyo qaar kalo badan,

Intaas waxa dheer in ay maanta wali jiraan warbaahinadii raggaasi ay  aasaaseen waxa ka mid ahaa wargeyskii la odhan jiray hilaal , iyo mujtama , waxana ay ku soo kordhiyeen hab qoraal ugub ku ah taariikhda saxaafada carbeed,

 

 

 

 

 

maqaal suugaaneedka soomaliyeed

maqaal suugaaneedka soomaliyeed  taariikh inteed-leeg ayuu leeyahay, waxan aynu ku soo uruurin karnaa wakhtigii dawladii cusmaaniyiintu dalka xukumi jireen ayey Ka Anbaqaad ma taa, taariikhda rasmiga aha ee in Af soomaaliga waxa lagu qoraa ugu horeysa , waxana aynu ku   xaqiijineynaa fartii cusmaaniyiinta loogu wan qalay , waxa ay leedahay taariikh mugleh fartaas cusmaaniyiinto  aasaaseen, xilli aynu ku qiyaasi karino  seddax boqol oo sanno ka hor leh,

yeelkeedi waxaana shaki ku jirin in kasta oo la sheego fartaa haddana ummada soomaliyeed uminimadii aanay ka saarin , in kasta oo ay dadka qaarkood kaalin uu buuxisay  gaar ahaan culimada sida sheekh  maxamed makaahiil iyo dad badan  dhisan waciyi ahaan ,haddana soomaalida waliba may haqab-tiran baahidood . waxa ay sababta loo aanayo aheyd tahay farta cusmaaniyiinta oo aan ku dhex faafin bulshada lanna dhaqan galin isticmaalkeega ,

inkasta oo ay jiraan ragga iyagu isticmaalay oo buuggaaga ku qoray fartaa cusmaaniyiinta aheyd , waxana ka mid ahaa qoraaggii weynaa ee aw ciise jaamac  iyo qaar kaleba.

 

waxa ay soomalidu inta badan waxa ku qori jirtay farta carabiga ah , oo ay xarfaan ku aheyd , kadibna waxa ay sameysteen  farta cusmaaniyiinta oo iyada laftarkeega lagu qori jiray farta carabiga oo leh muuqaalka hingaadda carabiga  dhawaaquna uu ahaa soomaali caadiya.

 

taasina waa taarikhdii qoraal ee af soomaaliga soo maray, haddaba marxaladii ugu danbeysa ee taariikhda Afkeennu waa waaggii kacaanka maxamed siyaad barre uu dhidibada u taagay kuna meel mariyey ololihii uu jahliga iyo wax qoris la’aanta uu kaga barabixiyey ,waxana ay taariikhdu aheyd wakhti ku aadan 1972,

waxa ay aheyd maalintii ay soomaali yeelatay far qoraal uu gaar ah  oo ay isku waafaqasantahay fartaas oo lagu qoro xarafka laatiiniga ah.Abwaanadii la dhacay ee bogaadiyay ka mid ah Abwaankii weynaa ee xaaji aadan Af qalooc  waxa uu yidhi:-

mudduu shacabku rabey inay, afqoran magane yeeshaane

kolkay madaxdu sheegtay ,xamdiyo mahad yidhaaheddne

muxubbuu dadweynuhu la dhacay, meeluu joogaba’e

intay mu’ayideen  bay haddana ,muusiku garaaceene,

waataa mashxaraddii guryaa, laga maqlaayaaye,

mastar iyo sinyooreba  waxa beddeley, magaca jaallaa’e,

mubaayiyo la la dhaaf nin yidhi,  taayadaa mudane ,

layskuma  masayro’e la tuur tay meseleyeene,

marmarsiinyo lagu soo gabbado meesha laga saarye,

waxa muuqday soomaali oon midab ku dheehnayne’

nin waliba  wuxuu maansadiyo  malihi beenowye’

muddo boqol gu’yaal  dhaqankaygu nagu magoognaaye’

maantuu bilow yahay  codkeen oo laysku maamulo’e’

ku macaan maggaabada  listiyo malabka daaloode’

maskaxdii jirroon dayaxu waw madow yahay ‘

in yar oo qalbiga maal ku leh baa ka murugoone’

waa mahadho taariikhi ah iyo madhax la tuugaaye

ku mintida  Afkii hooyo waa lagma- maarmaane.

 

 

inkasta oo  ingiriisku uu dabada ka waday ujeedadiisuna ay aheyd in laga takhaluso farta cusmaaniyiinta ,  siyaasada ahaan faa’idada ugu jirtaay  waxa ay heyd in  laatiiniga loo soo dhawaado lana barrto,ka dibna uu soo saaro wiilal uu ababsho ,

Illaahay ballankii tacabkiisa u  xaasilay afkiisa baa  wax lagu bartaa illbaxinimana loo Arkaa. Afsoomaaligeena waa la aasay,

inkasta oo Afsomaaligu muddo badan ku raagay qoris la’aan haddan waxaba umuu noqon hodontinimadiisa awgeed mar qudha Ayuu u kacay kacaan soomaaliyeed, kuwaas oo keydiyay dhammaan taariikhda iyo hiddihii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa iyo murtidii iyo maahmaahaydii maskaxda soomaliyeed ka burqaday ,intaba qalinkaa lagu duugay maantaba , waxaana jiray ragga ma jaraha u qabtay in ay keydiyaan xogta ay ummadu u baahantahay waxa raggaa ugu caansanaa qoraayo waaweyn oo uu ka mid yahay Axmed faarax idaajaa iyo dhigiisa Aw jaamac cumar ciise  iyo raggii la ayniga ahaa oo iyagu u tafaxeytay in afsoomaaliga la keydiyo aqoonta ku duugan ee ay ummadu leedahay,

waxa kale oo iyana tubtooda maray qolodaa dafcad labaad oo iyana soo shaac baxday burburka kadiba oo iyana qalinka uu qaadatay sida  ay uu bulshadooda  dhaxal u meel dhig lahaayeen, Allena ha ka Abaaliyee wey dadaaleen inta  awoodoodu aheyd waxna raggaa ugu caansanaa qoraageena weyn ee cabdiqaadir AROMA ku caan ka ah oo isagu ku caano maaley wax  ka qorista taariikhda soomaaliyeed labadii qarni ee ugu danbeeyay ,waxa ka qoristood , waxana uu waxa ka qoray dagaaladii sokeeyey , hadimadii gumeysiga , iyo sababihii burburka soomaaliyeed, iyo qaar kale oo badan , waxana uu yahay marjic iyo Ilaha ugu weyn ee laga qaato taarikhda soomaaliyeed ,

runta hadii aan laga indho qabsaneyan, wax  soomaali u jeexay dariiq cusub oo ka mid ah habqoraaleedka mar la arag ah sida isa saarka erayada awoodda  balaaqo ahaan, kaas oo gardaadiya  quruxinta qoraalka cudoon, taas oo ay nacaba iyo gacalba ay u marag fureen in uu yahay aabihii qoraalka soomaaliyeed , in aad iska wada gareynsaan tallaw waayo . aanu kuu sheegee  waa aabihii qoraalka soomaaliyeed  oo ku magac dheer                                            Boobe yuusuf ducaale..?..!                                                                            haddii aanu idaajaa jirin la heyn cid kula loolantaa kaalinta koobaad  ma Aysan jirteen, waxana uu ahaa qoraaga kaliyee qalinkiiso dhacdadaasa SLM goobjooga ka ahaa, waxa boobe lagu xasuusan doonaa diiwaan suugaaneedka gabyaagii weynaa Ee cabdilaahi suldaan Timacade , iyo mullaax, iyo rag door ah oo taariikhood uu keydiya .

waxa kaloo mudnaan leh in la xuso qoraayadda afsoomaliga waxa ku soo kordhiya qoraaggeena cabdi bashiir oo somaalidu ku xasuusna doonto  buuggiis taariikhiga ah ee goobjooge oo tabinay taariikhdii dagaalkii cabdilaahi yuusuf iyo Itixaad All islaami,iyo buugaag badan oo mug iyo miisaan leh oo aan halkan ku soo koobi kareyn. cali cabdi coomay isna waxa aynu ku xasuusna doonaa taariikh badan oo keydiyey.oo  uu ka mid yahay  buuggiisa la yidhaahdo colaadaha geeska waxa kaloo xusid mudan qoraa maax. oo waxa ka qoray mawduucyo faro badan

ragga Abaalkii lama caasiyee, qalinkeygu waxana uu Iloobi-kareyn raggii waxa ka gorey abwaanadii xulka ahaa ee soomaaliyeed  sida salaam carrabay , iyo hadraawi iyo maxamed  xaashi dhamac gaariye , iyo cabdi qays , iyo  faarax nuur ,  diwaanka sayidka  , diwaankii ismaacil mire  . aadan carab .iyo ragga badan uummadda taariikh ku dhexlahaa,sida  yuusuf xaaji aadan , faarax oomaar , xaaji aadan afqalooc iyo maxamuud axmed dhagax iyo gaandi iyo maxamed xaaji ibraahim ciqaal, qaar kale oo mudnaa leh.

waxa waayadan danbe soo badneysa aqoonyahanada soomaaliyeed ee waaweyn in ay soo  min-guuriyaan Aqoontii afka qalaad ku qorneyd in ay afsoomaali u turjumaan ,

haddaba aan farta kugu fiiqee waxa ugu caansan ee culuumta siyaasada iyo ganacsiga  waxa ka qoray waa qoraa siciid cali shire.

waxa kale oo jira qaar soo tarjumey culuumta xisaabaadka .waxana ugu caansan buugga la yidhaahdu xisaab xidha GUUD,

waxa kale oo jirta in la soo turjumo culuumta qaanuunka waxa ugu caansan qoraaga reer jabuuti ee la yidhaahdu :xuseen cabdilaahi rayaale buugiisa  habka –Garsoorka islaamka.

waxa kaloo la tarjumaa culuumata diiniga ah  waxanna ugu caansan qoraagiina weyn oo ah cabdi casiis yacquub.

sidoo kale waxa Afsoomaali loo turjumay buuggaag ay ka mid yihiin culuumta sayniska  ICT waxana ka mid buugga JV ee uu qoray __—— waxana ka mid ah cilmiga taariikhda geeska Afrika  waxana ugu caansan buugga la yidhaahdu futuux xabasha .

casrigana la joogo afsoomaaligu hiil buu u baahanya , ku aadan in loo soo tarjumo cilmiga aadamuhu kala dhexlay in loo soo raro afsoomaaliga ah,

inkasta oo aaney jiran dawladii shaqadaa qabsan la heyd haddana qoraayadeena Alle kheyr ah siiyo xil dawladeed bay qabteen oo aad ugu qaro weyn.

 

 

fanka maqaalka

tallow waa maxay maqaal ?                                                                                                                                    maqaalku waa­:-

maqaalka  waa gobol  dhif ah  oo xadidan dherar ahaan taas oo lagu daweynayo  mawduuc cayiman  oo cilmiyeed  ama siyaasadeed ah  ama  bulsheeds ah oo lagu  la lafo gurayo , laguna jaleeceyo , kunna halacsanayo qoraagu  arimahaas waxana loo qoraa hab iska caadiya oo fudud degdeg badan  taas oo ka maqan iskalifaad,

waxaana dabar u ah in uu yahay maqaalkaa la curiyey waxa loo shardiyaa in uu ahaado mid ka dhab ah sheegay in uu joogteeyo mawduuc uu doortay wax ku qoristiisa, waxana qurux badan maqaalka uu Akhristuhu u mood in uu qoraagu sawir laga taagnaa warbixinta la tabinayo.

waxaana aynu u qeybinayaa karnaa laba nooc:-

maqaal Fikiradeed

maqaal mawduuceed

maqaal  Fikradeed

maqaal  fikradeedku waxa uu  u muujiyaa ,  waxna fahansiinayaa soo jeedasho ku sameynsa qalbiga qoraagga iyo Akhristahaba  waxana lagu tiriyaa habka suugaaneedka  uu qoraagu ku baahineyo dareenkiisa kunna kicinayo shucuurta. ka noocaa loo qoraa la yidhaadaa, maaqaal Fikradeedka.

magaal mawduuceedka:-

maqaal mawduuceedka wax  aad ka helaysaa daryeelidda qoraagu iyo akhristuhuba  dhinca kaliya u joogteynayo ,taas oo ku muujinayo isaga oo ku socda hab cilmiyeed  ta ugu fudud  ee wax lagu tabinaayo.

habkani waxa ay caan ku tahay usluubkan muujin iyo cadeyn  xeel dheer ujeeddu iyo  in la carbaabay shay walba magacyadiisaba.

labadaa wado ayaa ugu weyn balse waxa jira qeybo badan oo loo qeybiyo, iyagoo labada hilin hoos iman doona.

 

 

Habka maqaalka

waa habka maqaalka:- waa habka lagu cabbirayo hilin caqliyeed lagu raseeyo sida waafaqasan afkaarta  ay xanbaarsantahay  maqaalka la tabinayaa.

inta badan waxa loo qoraa usluub suugaaneysan oo ku dhisan walxahan soo socda:-

xulashada weedhaha

isa saarka jumladaha

hab-dhac  weedhaha

is dhex galinta weedhaha

waxa maqaalka  qayaxaya qoraagii weynaa ee  ee carbeed ee ibnu khalduun la odhan jiray in uu yahay :-(waa qaab fikir ahaaneed oo lagu shubo weedhaha  isasaarka  luuqad ahaaneed   hab buuxinaya  ujeedda  odhaahda kuna haboon fanka hadalka )

qoraa kastabawaxa  uu leeyahay  hab u gaar ah iyo luuqadiisa iyo hannaan uu wax ku cabbiro.

haddaba dhamaan maqaalkasta oo ah maqaal cilmiga ah  iyo maqaal fikradeed  waxa uu ku fadhiyaa xaqiiqooyin cilmiyeed oo soo bandhigaya lana xallinayo lana lafa gurayo  oo la sharaxayo lana sheegayo eray bixintooda loona fasirayo ,  hab mawduuc ahaaneed  taas oo aan lagu  talaxtageyn  caadifadda iyo dareenka illaa wax yar  oo macquul ah mooyaane.

maqaal suugaaneedku waxa uu qaabilsanyahay in u raaxeeyo dhagaha  kana naqeysto weedhaha dareenka  kicinayo .  si uu dadka u beer-lulo waa ina uu adeegsadaa weedhaha caadifada leh ee culaya qalbiyada akhristayaash soonna  jeedan kara.                                                            La keena waxa sidaa ka gadisan maqaal cilmiyeedka isaga waa caksigii  khiyaali maah ee waa xaqiiq  waxana lagu soo tabinayaa hab fudud oo wax lagu fahansiin karo, waxna la gudbinayaa waa arrimo biyo kama dhib-caan ah oo sugan. Buuni-buuni  iyo ku talax tagna kuma dhisna.

Usluubka looga baahanayahay maqaalka ,jaanqaadka wacan leh .waa ina laga helaa arrimahan soo socda si uu u noqdo mid dhameystiran oo waafiya.

hab qoraal wacan :-                                                                                                                                  waxa muhiim ah in uu qofka qoraaga ah uu qurxiyo hab-qoraal u gaar ah  taas oo ka dhigay mid uu kaga helo baadisooc qeyrkii lagaga sunto. marka la qiimeeyo habka isa saarka weedhaha  iyo habka soo raritaanka fikirka  munaasibka ah  si ay dadka akhristayaasha ah ay gaadhaan fikiradaha hormood ka ee uu ku dhis-karo qoraagu la fahmi karo.

 

Erayga

Waxa haboon in qofka wax qorayaa uu awooda saaro  luuqada uu ku tabinaayo maqaalkiisa  mid aad iyo aad  u Ayaqaan  naxwiheega ,hantiyana xulashadda weedhaha wacan  ee ku haboon  mawduuc   uu wax ka qoray si uu adeegsado si fudud, Una soo bandhigo  fikirkiisa  si aan madmadow  ku jiraan,

ciwaanka maqaalka:-

waxa lagu tiriyaa waxyaalaha ugu waaweyn ee maqaalka ta ugu muuhiimsan  doorashadda cinwaanka , markasta oo cinwaankaagu soo jeedasho yeesho  aadna u qorto hab  xirfada ku dhisan , waa markasta oo maqaalkaagu helo taageerayaal badan, lana fahmi-karo, wax uu xanbaarsanyahay.

hor dhac:-

waa barta laga bilaabayo maqaalka , oo ah madasha fikirkaaga ku Anbaqaadeyso kunna soo bandhigeyso fikiradaha muhiim ka ah laguna sheegaayo  dulucda  maqaalka , waxana loogu gogol dhigaa  in aad tibaaxdo  ujeedadaada iyo waxaad uga gol-leedahay.

UBac:-

waa dhammaan liidadka qoraaleed  ee uu qoraaggu ku cadeynayo maqaalkiisa fikirkiisana ka weelka u ah si  aad u mug weyn uu wax ugu faahfaahinayo kuna sharaxaayo ujeedadiisa .

Gabgabo:-

waa faqradaha ugu danbeeya ee maqaalka , taas oo uu qoraaggu kaga boganayo in uu ku gunaanadu  natiijooyinkii fikirkiisa , inta badan waxa ay koobsataa fikirada cayiman oo isku soo wada-fooqsata dhamaan fikradihii uu soo waday,

Noocyadda maqaalka

magaalku  u jaadad badan yahay, wuxu leeyahay qeybo faro badan  oo kala gadisan isku sina looma qoro, isku macno ma gudbiyaan ee way ku kala duwan yihiin magac iyo macanaha iyo muraadka loo qorayaba, hadaba Akhriste sidii  maydhax la soohay aan iskugu kaa xidho aniga oo mid mid u dul istaagi doona mid walbana halkiisa ku sharaxi-doonaa wixii shardiya iyo shuruud ah ee uu leeyahay balse horta duuduub ku qaado oo iga qabo qeybaha maqaalka iyo sharxadaadoodaba,

maqaal fikireed,

maqaal bulshee,d

maqaal cilmiyeed,

maqaal soofeysa,

maqaal gorfeed,

maqaal manhajeed,

maqaal suugaaneed,

markale waxa dhacda in loo sii kala saaro  iyada oo loo eegaayo barnaamijada ay ka warrmayaan, balse waxa ay hoose imanayaan qeybahaa aynu sare ku soo xusnay, waxana ay kala yihiin sidan.

maqaal siyaasadeed

maqaal hiddaha iyo dhaqanka

maqaal fanniyeed

marka laga warramayo fanka maqaalka  waxa lagu suntaa noocayadan maqaalka  in ay wataan oo laga  helo seddex  dhadhaar  oo ay isku taagaan waxna ay kalyihiin kuwan,

hor dhac,

Gabgabo,

UBac,

Seddaxdan dhadhaar wey ka simanyihiin dhamaan maqaaladda oo dhan balse waxa ay ku kaladuwan yihiin habka loo qorayo  iyo ujeedada  macanaha iyo sawirka ay bixinayaan,

 

markale waxa dhacda  in la halacsado maqaalka ,lagana eego dhinac muuqaalka kadibna loo qeybiyo laba  qeybood  oo ah .

maqaal dheer :- waa maqaalka dhaafa cadadka warqadihiisu 2 illaa 10 inta u dhexaysa

maqaal Gaaban:- waa maqaalka dhaafsiisneyn cadadka safxadiihiisu  safxadda qudhiya

hadaba Akhriste aynu ku dul-yar ha kano faallo kooban oo dulmar ah kuna eegayno  noocyada maqaalku leeyahay , innaga sharaxaad kooban ka bixinayna.

 

maqaal fikireedka

maqaal fikireedku waxa lagu tiriyaa ka ugu dhaw qeybaha  suugaanta marka aynu , fikradeedka waxanu uga jeednaa waxa uu tabinayaa kana daalacaneysaa dareenkiisa iyo fikirkiisa waxana uu u badanyahay mid uu badka soo dhigayo qoraagu fikirkiisa iyo shucuurtiisa ayaad ka dheehanaysaa, waana sida gabayaaga uga dheehaneysid dareenkiisa marka aad maqasho maansadiisa sidaa si lamid  ayaad uga dheehanaysaa maqaal fikradeedka marka aad akhrineyso shucuurta qoraaga, maqaalka qoray,

inta badan maqaal fikradeedku waxa   uu wataa qoraal hab suugaaneysan oo ah in uu yahay isku dardar  oo leys kaga taltalaabi karo togog badan oo ka  mid ha mawjadaha hadalka,  waxana ay u daba furantahay sida gabayaga oo kale , waxa aynu ognahay in gabayga uu banaantahay in u mala Awaalo wax yaalo kala jaad ah oo u ku xuso gabaygiisa,

sidaas oo kale ayey  ugu  banaantahay qoraagga qoray maqaal fikradeedka,  waxa uu ka bixi karaa mawduucii uu ka waramay oo mawduucyo kale ayuu sidii daadkii xaabaale daf iska odhan karaa, cidna kula yaabimeyso , waxa uu illaashanayaa u macaaneynta hadalka iyo qurxintiisa .

waxaana inta badan uu leeyahay qurxinta iyo qaabeyn wacan oo lagu sameeyo weedhaha  la adeegsanayo , iyo hab xeeldheer oo loo soo bandhigayo,

usluubka waxa ka duwan qorista maqaal cilmiyeedka  la joogteynayo  qawaaniinta sugan iyo qoraal hab cilmiyeed uu u soo rarayo taas oo dhidibada uu taagaysa  sawirna ka bixinaysa muuqaalada ku xidhan  xaqiiqdana uu tabinayo , maqaal fikireedka looma shardiyo arimahaase , khiyaaligu waxba ma yeelo ee u sii qurxiyaa kaliya , xaqiiqduna  ma qiimo tirto ee labado wey billaan, waa sida gabay oo kale

haddaba Akhriste aanu u soo  noqono dhinac   tusaaleynta innaga oo halacsanay qalin maalka soomaaliyeed bal aynu hal mawduuc ka soo qaadno qoraayadeena weynaa  gaar ahaan qormadii ruug cadaagii weynaa ee Axmed faarax idaajaa ,sheekooyinka soomaaliyeed iyo maahmaahyada soomaaliyeed,

maqaal bulsheedka

maqaal bulsheeku waxa ay ka hadashaa arimaha bulshada oo la xidhiidha  nolosha aadamaha khusaysa iyo sida uu  guuleysan lahaa iyo sababaha  dib u dhigi-kara noloshiisa  mawduuc ay ka hadashaa waa awoodda aadamaha  iyo cayimitaanka xilka  uu xanbaari-kar iyo jiheynta   wacyigalineed  ee bulsho , taas oo  u ku doonaayo in tuso sabab uu ku hormarin lahaa, kana fogeyn lahaa sababa dib u dhac nololeed ku keenaya noloshooda, haddaynu  soo uruurino  ujeedada maqaal bulsheedka  loo qoraa waxa aynu ku soo koobi-karnaa maanasadii abwaan sangub. ee aheyd

hanuunita  bulshadda  dantood usheegid iyo  looga digo wixii waxyeello iyo caqabad ku ah hormarkooga iyo noloshoodaba.

sidoo kale waxa uu qaabilsanyahay Guubaabada bulshada iyo u calaamadinta bulshadda hadafka ugu sareeyay , ee ah AQOON lagu hago lagu booriyo lagu tirtirsiiyo wixii anfcaya aakhiro iyo adduunba, si kale  haddii aano u dhigno maqaal bulsheedku waa minbarka dadwaynaha laga la hadllo, lagana hago,lagana jiheeyo.sidoo yidhi ducaqabe.

Naftayadaan hurnaa

Ma hagrannee waan

U hawlgalnaa

Dadwaynahaan

Hanuunninnaa

Haasaawinnaa                                                                                                                                                         Danta u hagnaa.

waxyaalaha uu la gaarka yahay maqaal bulsheedku

fikiradiisaa cad oo ah daahir yaashamisa.

waxa inta badan lagu ladhaa  xujooyin sida quraank iyo xadiiska iyo maahmaahayda iyo suugaanta ayaa lagu qurxiyaa hadalka

waxa lala niqaashaa caqliga si degan tiiyo wax  loo sawirayo

waxa la xasuusiyaa tusaalayaal taariikhiya oo  xidhiidh la leh maantaa taagan.

suureyn hal abuur leh oo lagu ladho,

xiiso galinta iyo xamaasad,

arin waaqiciya nolosha taabaneysa

macaaneynta erayada,

tusaale qoraaladda soomaaliyeed waa ka buuxdaa balse  madal aanu ku  soo guuriyo ma hayo waayo mawduucaa iga badan , tusaalena intaa aan sheegay baa ku filaln.

Maqaal saxaafadeedka

waa nooca ugu badan ee qeybaha maqaaladda  ugu baahinta badan,  maxaa yeellay  inta lagu  guda jiro war-saxaafadeed maalin laha  iyo jaraa’idka cilmiyeed , ee lagu baahinayo  baraha mareegaha bulshadaha , taas oo Ahmiyadda siisa  aqoonta ,  sida allaaba waxa lagu qoraa maqaalaadkaas  muuqaal  taxanaha ah , waxa ay ku soo baxdaa tiro  qudha  , iyo hab  muuqaal  cilmi  baadhiseed,  ama si hab silsilada barnaaamij ah oo tiro ku dhisan

ujeedadeeduna tahay in la gaadhsiiyo dhamaan macluumaad gaar ah oo Akhristayaasha loogu  tallo galay.

Hadaynu u fiirsano qoraalka maqaal saxaafadeedka waxa aynu heleynaa in uu qoraagu ku balbaadhsanayo mawduuc dhameystiran  walibana usluub saxaafadeed ,oo ku talax tagay  fanka maqaal saxaafadka ku ladhayo , waxana  looga baahanyahay in uu ahaado mid aad u daalcada suugaanta,  hab la fahim karo,  erayadiisa  ay burqanayaan , weedhihiisu  hufanyihiin macniisuna cadyahay, waana astaamaha salka u ah dhammaan qoraal saxafadeed.

waxana ay  baadisooc ku yihiin in ay  ku suntanaadaan astaanta aasaas u ah  dhammaan maqaalkasta oo saxaafadeed oo ah in laga helo qodobadan soo socdu:-

si wacan u qeybin,

baaran dagis , iyo qasaasilid,

xeel dheerid xogta,

si mudnaan  leh u bandhigid,

hadaba  Akhriste  haddii aynu ogaanu farqiga u dhaxeeya isaga iyo maqaal suugaaneedka , wax aynu kula soocaynaa  laba arimood oo kala ha :-

waxa uu awoodda saaraa maqaal suugaaneedku  quruxinta hadalka iyo kuladhida balaaqada  aftahanimada , gaar ahaan gabayada  iyo sheekooyinka masraxiyadda leh , iyo dhmaan qeybaha kale ee ku abtirsada fanka qoraalka.

maqaal saxafiyeedku waxa uu  koobsadaa dhammaan mawduucyada  la   xidhiidha nolosha aadamaha  hadday tahay siyaasada ahaan ama dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, fanni ahaan, suugaan ahaaneed,  saqaafad ahaanba ,  hidaha iyo dhaqan  iyo qaar kale oo la mid ah,

maqaal suugaaneed waxa loogu talagay in loogu raaxeeyo indhaha  akhrista ah oo  kolba mawjadaha hadalka loo siraado,  maanka iyo qalbiga lagu  badalo.

laakiin dhinaca hab qoraalka saxaafadeed  isagu waxa uu la hadlaa dhamaan xeerarka bulashada kala gadisan, xilkastan waa la fahmi karaa ,waxana  Akhristaha u tahay mid qulqulaya oo si toos ahna loogu  tabiyo  hab  fududd  oo saxaafadeed.

 

astaamaha ugu waa weyn ee lagu garto qoraal saxaafadeedka                                                                   waa in u joogteynayaa saxafiga hilin ku dhisan hawlyareysi  iyo fududeyn  macnaha uu iftiimanaayo ,

waa in ay isaga soo daba dhacaan hab qoraalkiisu  muujin in la furfurayo ujeedooyinka  cidkasta oo akhhristaana ay  fahmi-karto.

 

noocyadda maqaal saxafeedka

inta badan saxaafado waxa ay ka hadashaa saddex arrimood  oo kala ah.

maqaal siyaasadeed,

maqaal fanniyeed,

maqaal soofeysa,

halka marka la eego sida loo soo lo dhiraandhiriyo waxa loo qeybiyaa sadex hab oo kala ah sidatan:-

safxada furfurasho ah,

safxada bud dhig ah ,

safxada maalin le ah ,

aynu isku daynu sharxaad kooban in aynu ka bixino qeybahan aynu xusnay ,

 

safxada furfurasho ah

waa safxada ugu muhiimsan  marka la halacsado fanka maqaal saxaafadeedka  la muujinayo , waaxna uu ku saleysanyahay in xogta lagu furfurnayo laguna bilaabaayo hadalka in lagu sameeyo  sharxaad iyo fasiraad iyo iftiimin  ,iyada oo loo cuskanayo  xujooyin cadeyn  iyo burhaan u ah xogtaa ay tabinayaan   haday tahay daraasad ama xaqiiqooyin, si loogu hantiyo maanka Akhristaha  dulucduna tahay in la kasbadu oo taageero  laga hello akhristayaasha.                                                                                                                marka noocan la qorayo waxa inta badan lagu soo qaataa arimaha siyaasada Iyo arimaha xasaasiga ah ee markaa taagan , waana la cayimaa ujeedkiisa.

safxada bud dhig ah ,

waa wararka shakhsiyeedka ah ee maalin laha  ama todobaadle ah, taas  oo uu ku diyaarinayo qoraa gaar ah  oo cayiman , isaga oo ku ladhaya magaciisa   halka hoose , iyo cinwaankiisa numberkiisa  ku hoos xariiqayo, noocan  waxa uu kaga duwan yahay qoraalada saxaafada  waa ka ugu kooban , badanaa waxa loo qoraa hab iska caadiyah, usluub  fududna waa lagu gudbiyaa,

waxana ay baadisooc ku tahay ina loo soo bandhigo hab-su’aaleed , qoraaggu uu ku muujinayo dheegag iyo Amakaaga, mararka qaarna u qaadan waa iyo diidmo Arrin fajciso ka muujinayo,waaxna uu sidaa  u yeelayaa waa in uu kasbado qalbiyada  Akhristayaashiisa , isaga oo ka waramay fikir qudha ama  maankiisa ku soo dhacay,  qoraaga oo marna hadalkiisa ku badhxay kaftan ama tacajab ku ladhay.

safxadda maalin le ah ,

waa safxadda maalin walbaba taagan  waa dhacdo joogtaha oo taagan maantaa, waa dareen  uu qof cabbirayo mawduuc  ka mid ah mawduucyada xilligaa la joogo la hadal hayo,  inta badan waxa hor dhac looga dhigaa arimaha siyaasadda arrin bulsheed  la wargalinayo inta badan arrimaha qaabkana ah waxa laga dhigaa joogto maalin leh , waxa loo qoraa hab wacan oo loo eegayo macno sugan   oo xiiso galiya dadweynaha, waliba usluub sahlan oo macaan waxana loo adeegsadaa hadalo waaweyn  oo miisaaman,

 

maqaal siyaasadeed

maqaal siyaasadeedku  waxa uu ahmiyada siiyaa qorista Axwaasha siyaasadeed , xidhiidhka u dhaxeeyay dawladaha , iyo shakhsiyaadka siyaasada ku caan baxay , noocan waxa lagu tiriyaa  qeybta ugu badan maqaal saxafeedka soo saaris ahaan , waana ta ugu  muhiimsan ee ay daryeesho baahintiisa, dhammaan saxaafadu gabi ahaanteed si joogtaha.

 

 

maqaal fanniyeed

noocan maqaal saxafadeed  waa maqaalka lagula socdo siinaayo dadwaynaha wararka  fanka iyo suugaanta la xidhiidha , gaar ahaan abwaanada, suugaanta, waxana ay helaan taageeroyaal faro badan oo barnaamijadda noocaas ah xiiseeya , khaasatan  waa in ay ogaadaan wararka  fanaaniinta ay doorbidayaan , sida badan wax loo  baahiyaa jaraa’ida kala duwan  ama mareegaha iyo goobaha taageer arimahan oo si joogtaha uu soo saar , oo markaste laga helo.

maqaal soofeys

maqaal  soofeysku waxa uu iftiimiyaa ,arimaha kobciya garaadka , gaar ahaan wixi  jir ee waaqic ka  dhex muuqda,  sida arimaha xasaasiga ah ee lagu ogaado  halAbuur  ama wax yaallo lagu jiheynayo qeybo  bulshada ka mid ah ama arrin dhaqanka iyo hiddaha la xidhiidha, oo garaadkooda kor loogu qaadaayo,                                                                                                                                                     sida  sheekooyin  ama qoraa weyn oo taariikh leh oo dalka iyo dadkaba soo maray ,halgamaa door ah, oo ku dayasho mudan sida Halgamaa Axmed Guray iyo abwaan faarax nuur iyo sheekh bashiir  iyo qeyrkood  arrimo cibro mudan oo taariikhi ah,                                                                        qoraaladan noocan ah waxa Akhrista oo kaliya dadka bislaaday  ee Aqoonyahanada ah, ee doonay in u garaadkooga ay soofeystaan,

maqaal cilmiyeed

maqaal cilmiyeedka waa maqaallo lagu baadi goobayo xaqiiqda  iyo muuqaalada cilmi ah oo galka seefta loogala  baxayo iftiiminteed , waxana la raacayaa xujooyin la cuskanayo oo waaweyn, waxana lagu dhameeyaa hab-qoraal cilmi ah ,  ujeedadiisuna ay tahay dhanka ku aadan cilmi baadhayaasha ku takhsusay Umuuraha cilmi ah, kuwa jecel in ay  daalacdaan in badan maqaal cilmiyeedka , inta badan waxa Ahmiyada siisa  noocan maqaal cilmiga ah , shaqsiyado darsay maadaha cilmiga ah iyo kuwa raadceeya  culuumta guud ahaan majaalada Aqooneed.

noocyadda maqaal cilmiyeedka waxa uu ku suntanyahay  in uu Ahmiyad weyn siiyo dhinacayada aqoonta xidhiidhka la leh ,  sida tusaale ahaan majaalka cilmiga  diiniga ah caafimaadka ,  ama farsamdda cilmiyeedka injineerinka ,  culuumta kale , inta badan waxa  wax ka qora  aqoonyahanada in badan ka  soo biyo cabay ilaha Aqooneed ay tabinayaan, tusaale ahaan Aqoonyahanadda cilmiga samaawiga ah , Aqoonyahanadda cilmiga sayniska , iyo qeyrkood , waxaana ay ka qeyb qaadataa maqaal cilmiga ah  ay in cadeyso, kaalin cilmiyeed cusub oo horle ,halkaas oo uu ku lafo gurayo qoraaga qorayaa, ama waxa la Arkaa in ay soo saarto daraasada cusub oo aan hore loo qaadin.

waxa ay  ka qeyb qaataan maqaal cilmiyeedku caawinta ardayda , iyo dadka cilmi baadhista sameynayaa ku aadna  majaal cilmiyeed gaar ah , waxa ay u fududeysaa in ay daraasadeeyaan  mawduuc cilmiga ah  ay  u baahanaayeen  iyo shaqada  ay qaban lahaayeen ,  waxna ay  taasi boodhka ka tusmeysaa  horamarinta   dariiq maadadah cilmiga ah,waxana ay ka qeyb qaadanayasaa  in ay  degdega ha ugu baahdo baraha  bulshada iyo mareega warbaahintaba iyo jaara’idada. taas o bulshada lagu hagi-karo aqoontaas la soo bisleeyay , inta badan waxa ay ka hadashaa  macluumaad guud , waxaana jecel akhriskeega  bahda aqoonyahanada ah , xogta faa’idada leh ee ku duugan  ee ay bixinayso awgeed ayey u xushaan .

maqaal cilmiyeed  qoraaggu waxa uu kaga hadlaa mawduuc  cilmi ah oo badhaxtiran , taas oo uu horgale iyo hordhac ka dhigo fikirkiisa  aasaasiga  ah , ka dibna  uu ku faahfahiyo  usluub sahlan  dhamaan wixii la xidhiidh  fikradiisa  ee xaqiiqada  cilmiyeedka sugan ah  intaa ka dibna  waxa uu ku xoojiyaa cadeyno  xal  u keeno fikirkiisa  ka dibna waxa uu ku gunaanadaa  in uu soo saaro natiijooyin  cillmiyeed oo cayiman  waxa dhacda  in uu qoraagu ku soo bandhigo  maqaalkiisa aragtiyo  cilmiyeed  iyo mushkilado Alloosan xalkeed  isaga oo uu soo bandhigay  hab mawduuc  ahaneed kuna dhex daray  walxo  ka mid ah cilmiga,

qoraayahanadda soomaaliyeed waxa mawduucan laga hadlay ku caano shubtay raga badan oo ruuga cadaaya, waxanaka qoraayadii  aadka waxa ugu qoray majaalkan,waxaana ka mid ah raga badan oo aan soo koobi-kareyn, waxana cid u hawlgashay ee soo turjuma cilmiga casriga ah , gaar ahaan raggii turjumayay  manhajkii soomaaliyeed.

Astaamaha maqaal cilmiyeedka:-

maqaal cilmiyeedku waxa  tusaale lagu baadisooc inoogu filan in aynu xusno qeybaha badan oo summada  u ah maqaal cilmiyeedka si gaar ahna aad u weeleyso ,

cabbir xeeldheer,

falsafada la sharaabsiiyo,

la hadalka caqliga,

ka fogaanshaha khiyaaliga ah,

sharixidda xaqaa’ida,

waxa ay ka qeyb qaadataa xaqiijinta xaqiiqooyinka  cilmiyeed ee faa’idada leh

waxa  ay kulmisaa uruurinta daraasada cilmiyeedka lagu kalsoonyahay , oo keyd u  ah,

waxa lagu tiriyaa  marjic weyn oo cilmiyeed  aad iyo aad u culus,

waxa lagu tiriyaa agab ka mid ah agabyada lagu hormariyo  aqoonta,

waxa lagu soo koobaa  cilmi baadhista la sameeyay,

waxay koobsaneysaa cadeymo badan,oo ku aadan majaallo badan  oo cilmiga la xidhiidha.

waxa lagu qiyaasaa heerka guusha laga  gaadhay dabiqitaanka  fikirka cilmiyeed iyo tijaabinteeda.

 

Natiijooyinka maqaal cilmiyeedka

marka aynu halacsano una kuur-galno aqoonta waxa xaasil innoo noqonaya qodobadan soo socda,oo ay ku suntantahay sumadiisan,

xeel dheeri aqooneed wacan,

hab dhaca sugan  ee usluubka,

awoodda kasbasho akhristaha,

 

noocyada maqaal cilmiyeedka

noocyada maqaal cilmiyeedka waxa ugu muuqashada badan  awoodanna lagu saaraa laf-gurka cilmiyeed, noocyadan kala ah

maqaal argtiyeed,

maqaal manhajeedka,

Daraasaad,

maqaal argtiyeed

maqaal aragtiyeedka  waa  maqaal fikrada codoon oo bislaatay lana soo qasaasilay  laguna soo bandhigayo waxana Ahmiyada siinaysa maqaal aragtiyeedka  gaar  ah,halkaas oo  uu wado u yahay  in daaha laga feydo cilmi baadhis cusub , iyo waxa yaalaha ku xidhnaa ee xidhiidhka la leh  arintaas , iyo habka lagu dabiqi-lahaa  iyadoo loo eegayo  duruufta iyo baahida ku gadaaman , waxana lagu baahiyaa maqaalka noocan ah buugaagta , iyo majaladaadka waaweyn ee cilmiyeed , waxana akhriya  dadka ku takhasusay  culuumata aragtiyadaa lagu gudbinayo , waxana taas tusaale u soo qaadan karnaa : odhaahyadii  u gaarka ahaa aragtiyaha qawaaniinta xisaabta ,

maqaal manhajeed

waa  qeyb  ka mid ah maqaal cilmiyeedka , waxaana loo  dhisaa  hab manhajeed  cilmi baadhis la sameynayo , waxa  uu noqdaa maqaal cilmiyeedka  loogu baahida badan in lagu takhasuso  marka loo eegayo maqaaladda kale , sababtoo ah waxa uu u baahanyahay  in la faro badiyo  ilaha laga soo xiganayo ee aqooneed,  ilaha loo noqonayo  si loo helo xogta loo baahanayhay  in la laga feedho buuxsado, sida badan waxa loo isticmaalaa maqaalka  laga dhigayo  qeyb ka mid ah manhaj la barto, ama tub tacliimeed  lagu kaabayo  kaalimo barrid  ah  oo ah heer jaamacadeed  oo cilmiga ah.

 Daraasadeed

waa dhawr fikir ,waa daah fur cilmiyeed ah , taasoo lagu gaadhayo  in  la xaasiliyo maadda cilmi ah, taas oo uu ku dadaalay baadhuhu  in uu faa’ideysto si uu ugu diyaariyo daraasadda cilmiyeed , uguna baahin lahaa buugaagtiisa cilmiyeed , ama uu u soo bandhigi lahaa sidii leyli cilmi baadhis jaamacdeed uu hordhigi lahaa isagoo ku qanciyo aqoontaas ku duugan daraasada uu dul istaagay, ama  ururada dhisan oo qabanaya waxa yaalo uu baahan in la iftiimiyo ,oo ka maarmi waayey in uu xusaa si uu ugu xoojiyo mabaadida u soo bandhigayo ,waxaana uu rabaa in uu ka qeyb qaato  horamarinta geedi-socdka soofeynta  cilmiyeed  ee lagu doonaayo in la iftiimiyo waxaana la darso si loogu dhaadhaco xaqaa’iq sugan.

bal hadabana aan muujin maqaal soofeysa habka loo dhiraan dhiriyo  taas oon tusaale u soo qaadan karno maqaal soofeysa aan aan kuuu diyaariye tusaale ahaan oo ka waramay ilbaxnimada iyo  iyo marxalada soo martay.

Qalinkii cabdicasiis cabdilaahi xirsi  (Abaabul).

[1] Had   iyo jeer

[2] Waa erayada oo qurxintooda  iyo nashqadeyntooda lagu mashquul iyada oo  loo meel deyn dulucda iyo fariinta ,

Leave a Reply