Somaliland: Ardayda Imtixaanka gelaysa oo digniin loo jeediyey

Wasaarada Waxbarashada oo farriin wacyi-gelin iyo digniin la xidhiidha Imtixaanaadka u jeedisay Ardayda sanadkan u fadhiisanaysa imtixaanka Shahaadigaa..

Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax

Hargeysa(GNA)-Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa farriin wacyi-gelin ah u jeedisay Ardayda Imtixaanka Shahaadigaa u fadhiisanaya sanadka.

Barmaamuj ka kooban Wacyi-gelin iyo digniin loo jeedinayo Ardayda oo ay Wasaaradddu diyaarisay, ayaa waxa lagu sharaxay waajibaadka looga baahanyahay Ardayda Imtixaanka u fadhiisatay.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in Ardayda laga madnuucay dhamaan agabka u sahlaya qishka Imtixaanka Ardayga lagu qabtana laga madnuuci doono Imtixaanka.

Halkan ka Daawo:

Somalilan, waxa sanad walba Imtixaanka u fadhiista in ka badan labaatan kun oo Arday.

1 bisha Jully, ayey Ardayda Dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ka baxayaa u fadhiisanayaan Imtixaanka, sida ay Wasaaraddu sheegtay.

 

Leave a Reply