Somaliland: ‘Boqolka Dollar’ waxa lagu sarifayaa 1030,000 Shls

Barkhad Axmed Coofiye wuxuu kamid yahay Sarifleyaasha Hargeysa

Hoos u dhaca sarifka lacagta Somaliland, ayaa maraya halkii ugu hooseeyey, waxaana cirka isku shareeray Sicirka lacagta dollar-ka lagu sarifo.

Boqolka Dollar, ayaa lagu sarifayaa magaalada Hargeysa Hal milyan iyo soddon kun oo shillin (1030,000 shls), sida uu STNTV u sheegay Barkhad Axmed Coofiye oo kamid ah Sarifleyaasha Magaalada Hargeysa.

Shacbiga Somaliland ayaa si weyn uga cabanaya dhibaatooyinka ka dhashay hoos-dhaca sarifka lacagta dalka, taasoo sababtay culays dhanka dhaqaalaha ah oo soo waajahay dadka nolol-maalmeedka iyo Mushaharka ku qaata Shillinka dalka.

Mushkilada jahawareerka Sarifku waxay soo taxnayd tan iyo horaantii sanadkan, dawladduna waxba way ka qaban wayday.

Halkan ka Daawo Warbixin Muuqaal ah:

Madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi, ayaa balan-qaaday inuu wax ka qaban doono aafada Sicir-bararka, Shaqo la’aanta iyo Musuqmaasuqa.

Arrimahan oo dhan waa kuwo xal u heliddoodu ku sugayaan Xafiiska uu la wareegi doono 14 Bishan December.

 

Leave a Reply